Siyaasiyiin Sumcadu ka Xummaatay oo Murashaxa Waraabe-u-taaga ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe usoo Kireystay Cayda iyo Ceebeynta Wasiir Cali Mareexan iyo Been Abuuradka uu Ku Masabiday

0
Thursday October 05, 2017 - 01:40:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin Sumcadu ka Xummaatay oo Murashaxa Waraabe-u-taaga ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe usoo Kireystay Cayda iyo Ceebeynta Wasiir Cali Mareexan iyo Been Abuuradka uu Ku Masabiday

    Siyaasiyiin Sumcadu ka Xummaatay oo Murashaxa Waraabe-u-taaga ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe usoo Kireystay Cayda iyo Ceebeynta Wasiir Cali Mareexan iyo Been Abuuradka uu Ku Masabiday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin Sumcadu ka Xummaatay oo Murashaxa Waraabe-u-taaga ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe usoo Kireystay Cayda iyo Ceebeynta Wasiir Cali Mareexan iyo Been Abuuradka uu Ku Masabiday

Hargeysa(Xogreebnews)- Murashaxa Waarabe-u-taaga ah ee Ucid faysal Cali Waraabe, ayaa qandaraas kusoo qaatay cayda iyo xajiimeynta Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Mareexan, kaasoo la bartilmaameedsanaya eeddo aan jirin iyo sidoo kale aflagaado ka baxsan milgaha iyo hab-dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka labada.

Warar iyo xogo laga helay ilo ku dhow-dhow Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegaya dhaqaale badan lagu siiyey sidii uu sumcad dilis uu ugu sammeyn lahaa Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta. Waxanay xogguhu sheegeen inay qandaraaska Faysal soo siiyeen xubno Siyaasiyiin ah oo iyaggu ka xun darajadda iyo horumarka Siyaasadeed ee Wasiir Cali Mareexan ku tallaabsadday, sidoo kale waxay xoguhu intaa raaciyeen inuu Faysal Cali waraabe ka waayey Wasiirka hawlaha guud dano gaar ah oo u rabbay inuu u fuliyo. Hase-yeeshee markii uu ka waayey waxa uu sida geed-is-mariska Murashaxa labada jeer dhacay ee Ucid, bulshada lasoo hor-fadhiistay eeddo iyo cay aanu u meel-dayin oo u ku bartilmaameedsanaayo Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan.

Xogguhuu waxay intaa raaciyeen inay xubno Siyaasiyiin ahi Faysal Cali Waraabe dhaqaale kusoo siiyeen xajiimeynta Wasiirka hawlaha guud, iyagoo Siyaasiyiintaasi ka xun daacadnimadiisa uu ugu hawlgalo Siyaasadda Xukuumadda xilka uu ka hayo iyo weliba Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye oo u si daacad ah Murashaxiisa Muuse Biixi u garab galay, waxanu Faysal ku bedeshay qandaraaska cayda Wasiir Cali Mareexan in lala dhiso Xisbiga Burburay ee Ucid iyo sidoo kale dhaqaale isaggu jira Kaadh iyo balan-qaad dambe.

Si kastaba ha ahataee, Kooxahan Wasiir Cali Mareexan todobaadyadan lasoo dhaafay ku eedeynaayey inuu Iibiyey hantidii qaranka, ayaa Warbaahinta inteeda xaqiiqada ka gun-gaadhisteeda daba gashay ogaatay in xoggaha la faafiyey dhamaantood ahaayeen kuwa aan sal iyo raad-toona lahayn, isla markaana ujeedadoodu ahayd oo keliya in la ceebeeyo Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan oo isaggu sameeyey dhaq-dhaqaaqyo uu kaga dheereeyey Wasiiradda dhigiisa ah iyo Siyaasiyiinta damaca leh ee isku dheererisaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured