Wasiirka Dumaasha Kulmiye Madax-martay Maxamud Xaashi oo Been Abuurad cad ku sameeyey Go'aanadii Shirkii Dagaar iyo Qorshaha laba-wajiileynta ah ee u Kula Dagaalamaayo Murashax Muuse Biixi…

0
Wednesday October 04, 2017 - 02:03:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Dumaasha Kulmiye Madax-martay Maxamud Xaashi oo Been Abuurad cad ku sameeyey Go'aanadii Shirkii Dagaar iyo Qorshaha laba-wajiileynta ah ee u Kula Dagaalamaayo Murashax Muuse Biixi…

    Wasiirka Dumaasha Kulmiye Madax-martay Maxamud Xaashi oo Been Abuurad cad ku sameeyey Go'aanadii Shirkii Dagaar iyo Qorshaha laba-wajiileynta ah ee u Kula Dagaalamaayo Murashax Muuse Biixi…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Dumaasha Kulmiye Madax-martay Maxamud Xaashi oo Been Abuurad cad ku sameeyey Go'aanadii Shirkii Dagaar iyo Qorshaha laba-wajiileynta ah ee u Kula Dagaalamaayo Murashax Muuse Biixi…

Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamauud Xaashi Cabdi, ayaa dhaqaale badan ku bixiyey faafinta Warar been abuur ah, oo lagu marin habaabinaayo qodobadii kasoo baxay Shirkii Beesha Bicide ee Dooxada Dagaar lagu soo gabo-gabeeyey Axadii todobaadkan, shirkaasoo beeshu si weyn uga taxadertay in Siyaasad cid gaar ahi wadato lagaga hadlo, isla markaana ujeedadiisa guud ahayd middeynta iyo meel-marinta arrimaha Beesha ee dhinaca adeegyada Bulshada.

Wasiir Maxamuud Xaashi, oo isaggo kamid ahaa Siyaasiyiintii Beesha ee Shirka soo xidhataankiisi ka qaybgalay, ayaa markii uu ku fashilmay in qodobada la shaaciyey ee Shirka Beesha Bicide soo saartay, waxa uu suuqyada iyo qaar kamid ah Warbaahinta kusoo daabacay Warar xaqiiqada Shirka marin-habaabinaya, kuwasoo ujeedada uu ka leeyahay tahay inuu Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbigaas, ka xod-xodto inuu ku wareejiyo jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mustaqbalka Muuse Biixi dabadii. Warkaas ayaa gabi-ahaanba ka fog xaqiiqada, waxanay Warbaahinta madaxa-banaani baadhitaan ku sammaysay guddi uu Wasiir Maxamuud Xaashi ku sheegay in loo magacaabay raad-caynta jagada uu damacu ka hayo, guddidaas oo Warka Wasiir Maxamuud Xaashi baahiyey ka dhigayeen 9-xubnod oo kamid ah madax-dhaqameedka Beesha Bicide.

Docda kale, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi oo u madax-maray damaca doonista jagada Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi dabadii, ayaa waxa lug kale kula jiraa Siyaasadda uu damacsan yahay inuu dhabarka kaga jebiyo Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiisa, waxanu maalmahan soo ciyaarsiinayey Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe oo u damacsan yahay hadii uu Kulmiye ka waayo Jagadda Gudoomiyaha Xisbiga inuu Ucid ka iibsado Faysal Cali Waraabe, waxanu durba bilaabay dagaal ka dhan ah Xisbiga Kulmiye, isaggoo Wasiirku hadda ku hawlan dhismaha iyo yagleelida Xisbiga Ucid , isla markaana waxa uu murashax Madaxweyne ku xigeen Faysala Cali Waraabe uga dhigay Wiil ay Ilmaabti yihiin oo kamid ah qurba joogii Khaatumo ee dhaqaalaha kasoo ururin jiray dalka dibediisa.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Madaxtooyadda, ayaa ka rajo-dhigay damaciisa dumaasha Xisbiga Kulmiye, waxanu hadda naf mooday inuu waxku helaayo faafinta Warar aan sal iyo raadtoona lahayn, kuwasoo ujeedadiisu tahay inuu ku rux-ruxdo Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi, inuu balan-qaad u sammeeyo, isagoo ugu habranaaya Codka Beesaha uu kasoo jeedo, teeda kale Murashax Muuse Biixi, ayaa isaggu dhinaciisa waxa uu taagan yahay wareejinta Jagada Gudoomiyaha Kulmiye inay dhacdo marka uu Kursiga fuulo, sidii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu wareejiyey isaggaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured