Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Sheegay inay so oaf-jareen Khilaafkii Dekeda Iyo Fariin u Diray Xisbiyada "..khilaafkii u dhexeeyey oo dhan waanu soo afjarnay, imikana shaqadii si aad iyo aad u fiican bay u socotaa.. Dhuunta Somaliland waa Dekadda Berbera, waxaana ku boorin lahaa Xisbiyada Qaranka in aan la siyaasadayn". Mareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

0
Wednesday October 04, 2017 - 00:56:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Sheegay inay so oaf-jareen Khilaafkii Dekeda Iyo Fariin u Diray Xisbiyada "..khilaafkii u dhexeeyey oo dhan waanu soo afjarnay, imikana shaqadii si aad iyo aad u fiican bay u socotaa.. Dhuunta Somaliland waa Dekadda Berbera, waxaana ku boorin lahaa Xisbiyada Qaranka in aan la siyaasadayn". Mareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

    Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Sheegay inay so oaf-jareen Khilaafkii Dekeda Iyo Fariin u Diray Xisbiyada "..khilaafkii u dhexeeyey oo dhan waanu soo afjarnay, imikana shaqadii si aad iyo aad u fiican bay u socotaa.. Dhuunta So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Sheegay inay so oaf-jareen Khilaafkii Dekeda Iyo Fariin u Diray Xisbiyada "..khilaafkii u dhexeeyey oo dhan waanu soo afjarnay, imikana shaqadii si aad iyo aad u fiican bay u socotaa.. Dhuunta Somaliland waa Dekadda Berbera, waxaana ku boorin lahaa Xisbiyada Qaranka in aan la siyaasadayn". Mareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi

Hargeysa(Xogreebnews)-Maareeyaha cusub ee Dekadda Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa ka hadlay khilaafkii ka taagnaa Dekadda Berbera tan iyo markii ay Shirkadda DP World, la wareegtay, waxaanu xusay in hadda ay soo af jareen khilaafkaas,isla markaana ay shir la yeesheen Ganacstada oo iyaga laftoodu cabasho ka muujiyey DP World. Maareeyaha cusub ee Dekadda Siciid Xasan Cabdilaahi, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sababta marar badan hakadka ku keentay shaqada Dekadda, waxa kale oo uu ka hadlay walaaca ay ka muujiyeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumaddu Raasiga oo la sheegay in Ganacsato la siiyey,waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Wixii oo dhami wey iska soo af go’een, dhinaca ugu muhiimsani wuxuu ahaa qolada rogida iyo dejinta, kuwaana waanu heshiinay, heshiiskiina waanu ku soo gabagabeeynay, guulna wey ku soo dhammaatay, maalmahan ugu dambeeyeyba xalinta dhibaatadan ayaanu ka shaqeeynaynay, intii Dekadda la ii magacaabayba, wixii is af-garan waaga ahaa ee arintan ku saabsanaa waanu dhammeeynay, Ganacstada iyana waanu la shirnay, wax qabyo ahi imika ma jiro”. Maareerayaha Dekadda Berbera mar aanu wax ka weydiinay sababta dhabta ah ee keentay dib u dhaca iyo hakadka hawlaha ama Shaqada Dekadda Berbera tan iyo markii ay DP Wolrd la wareegtay Dekadda ayaa ku jawaabay "Hakadka ku yimid Shaqada Dekaddu waa is af-garan-waa shaqaalihi hore ee Dekadda iyo Shaqaalaha DP World, imikana khilaafkii u dhexeeyey oo dhan waanu soo afjarnay, imikana shaqadii si aad iyo aad u fiican bay u socotaa”

Maareeyaha mar aanu wax ka weydiinay walaaca ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddu ka muujiyeen dhibta ka iman karta Raasiga Berbera, oo la sheegay in Ganacasto la siiyey iyo wuxuu ka og yahay ama wuxuu ka qabtay ilaa hadda ayaa ku jawaabay "Hawsha Raasiga ama hawshaas Ciida ilaa hadda maan gelin, waana eegi doonaa insha allaah”.

Mareerayaha Dekadda Berbera mar ka hadlaayey Siyaasada iyo Dekadda ayaa yidhi "Dhuunta Somaliland waa Dekadda Dekadda Berbera, oo ah dhuunta ay Somaliland wax u soo maraan, waxaana ku boorin lahaa Xisbiyada Qaranka iyo guud ahaan Shacabkaba in aan la siyaasadayn, waa halkay wax inoo soo marayeen, cid kasta oo carqad ku keentana waa cadawga Somaliland”.

Maareeyaha Dekadda Berbera mar aanu wax ka weydiinay arimaha la xidhiidha Dawladda Itoobiya ee ku saabsan isticmaalka Dekadda ayaa ku jawaabay "Dalka Itoobiya, waa dal aynu jaar nahay, waa dal dadkiisu aad u badan yihiin, inay Dakaddeena isticmaashana wey jeceshay”.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured