Aqoon yahan Jiir Ayaa Ugu Baaqay Shacabka Reer Somaliland Inay Ciyaaraha Gobolada Ka ilaaliyaan Qabyaalada.

0
Tuesday May 28, 2013 - 08:29:20 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoon yahan Jiir Ayaa Ugu Baaqay Shacabka Reer Somaliland Inay Ciyaaraha Gobolada Ka ilaaliyaan Qabyaalada.

    aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir ayaa ugu baaqay shacabka reer somaliland inay ciyaaraha gobolada ee la qaban doono 6/02/2013-ka in laga ilaaliyo qabyaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir ayaa ugu baaqay shacabka reer somaliland inay ciyaaraha gobolada ee la qaban doono 6/02/2013-ka in laga ilaaliyo qabyaalada Aqoon yahan Jiir Ayaa Ugu Baaqay Shacabka Reer Somaliland Inay Ciyaaraha Gobolada Ka ilaaliyaan Qabyaalada.
aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir ayaa ugu baaqay shacabka reer somaliland inay ciyaaraha gobolada ee la qaban doono 6/02/2013-ka in laga ilaaliyo qabyaalada isla markaana ay ciyaartooyidu ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda ciyaaraha u dejisan, aqoon yahanka ayaa waxa uu tilaamay inay waajib tahay in la soo dhaweeyo kooxaha ciyaartooyda oo si weyn loo xushmeeyo.

sidoo kale waxa uu shacabka iyo xukuumada u soo jeediyay inay si wada jir ah u ilaaliyaan nabadagalyada iyo nidaamka inta ay ciyaaruhu soconayaan madaama oo ay cid kasta ay xil ka saaran yahay wada ilaalinta nabadgalyada iyo sumcada ciyaaraha somaliland ka dhacaaya, waxa kale uu tilaamay in ay ciyaaruhu somaliland sumcad weyn u soo hoynayaan isla markaana uu aduunku eegayo sida ay somaliland uga dhacaan ciyaaro heer sare ahi.
aqoonyahanka ayaa waxa uu kula taliyay cid kasta oo gacan ka geysan karta ciyaaraha inay ka geystaan sida shirkada kale duwan ee somaliland oo uu u soo jeediyay inay si weyn u taageeraan ciyaaraha gobolada somaliland,isla markaan waxa uu tilmaamay in cid kasta oo ka qayb qaadata gacan siinta ciyaaraha ay taariikhu qori doonto.
waxa kale oo uu kooxaha ciyaaraha ee gobolada somaliland aqoon yahanku u soo jeediyay inay waqtiga dhawraan oo ay taxadar abdan ka galaan sidii ay ciyaaruhu ugu qabsaami lahaayeen waqtigii loogu talo galay.
aqoon yahan jiir waxa uu kula dardaarmay dadka ku dhaqan xaafada Axmed Dhagax inay si mug leh u soo dhaweeyaan ciyaaraha somaliland iyo taageerayaasha kooxaha si ay iyaga lafdigooda ay sumcadooda u muujiyaan.
Qalinkii:Aqoon yahan jaamac cilmi jiir
Hargeysa/Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured