Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo ugu Awood Sheegtay Waddani iyo Xirsi Codka Bariga Burco, Kana Qaybgalay Xaflad Beesha Solomadaw ku Taageeraysay Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi+ Weedhihii Xasaasiga ahaa ee Madasha....

0
Thursday September 28, 2017 - 01:33:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo ugu Awood Sheegtay Waddani iyo Xirsi Codka Bariga Burco, Kana Qaybgalay Xaflad Beesha Solomadaw ku Taageeraysay Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi+ Weedhihii Xasaasiga ahaa ee Madasha....

    Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo ugu Awood Sheegtay Waddani iyo Xirsi Codka Bariga Burco, Kana Qaybgalay Xaflad Beesha Solomadaw ku Taageeraysay Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi+ Weedhihii Xasaasiga ahaa ee Madasha....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo ugu Awood Sheegtay Waddani iyo Xirsi Codka Bariga Burco, Kana Qaybgalay Xaflad Beesha Solomadaw ku Taageeraysay Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi+ Weedhihii Xasaasiga ahaa ee Madasha....
Burco(Xogreebnews)-Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed Ayaa Ka Qeybgalay Kulan Taageero Deegaanka Qoryaale, Shaahid Balicalanle Ee Gobolka Togdheer Ugu Muujinayeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Xafladdan Oo Ay Kasoo Qeybgaleen Qoorweynta Beesha Solomadaw Ayey Taageero Balaadhan Ugu Muujiyeen Xisbiga Kulmiye Iyo Musharixiisa Muuse Biixi Cabdi. Waxaanay Balan Qaadeen Inay Codkeeda Siinayaan Maalinta Doorashadda.
Dhinacooda Waxa Iyaguna Ka Hadlay Cuqaashada iyo Guddiga Guud Ee Solomadaw ayaa  balanqaaday inay beeshu cod iyo cududba la garabtaagan yihiin Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi isla markaasna aan wakhtigan laga filayn inay xisbi kale ku doorsadaan xisbigii ay aasaaskiisa lahaayeen.


Waxa Madasha Ka Hadlay Xildhibaanadda beelweynta Solomadaw Waxaanay si balaadhan u shaaciyay in ay ka xildhibaanno ahaan ay diyaar u yihiin inay safka hore ka galaan Ololaha Xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota .
Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Ramaax, Wasiiru Dawlaha Xanaanada Xoolaha C/Rashid Riyoraac, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer, Ayaa Dhinacooda Umahadceliyey Deegankan waxayna Sheegeen In Maalinta Codka Uhibeeyaan Musharax Muuse Biixi.
Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyaynta Cali Xasan Maxamed  ayaa u mahadceliyay odayaasha iyo waxgaradka iyo dhalinyaradda  Beelweynta Caawa xafladdan sida quruxda baddan taageeradooda Muujinaya, waxaanna uu wasiirku ku amaanay beelweynta midnimada iyo isku duubnida ay yihiin, taageeraddana markasta lagarab istaaga Xisbiga Kulmiye.

Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Sheegay In Xisbiga Waddani Qancin Kari Waayey Waayeelkii, Aqoonyahankii, Cuqaashii, Dumarkii, Isla Markaana Quus Kasoo Istaagay Taageero Uu Bulshadda Ka Helo.
Ugu Danbeyn Xafladdan Ayaa Kusoo Dhamaatay Guul Iyo Gobanimo, Iyagoo Dadkii Madasha Iskugu Yimid Si Weyn Ugu Mahadnaqeen Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed Oo Ay Ku Tilmaameen Geesi Usoo Baxay Gobolka Togdheer


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured