Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Siyaasiyiin Haldoor ah oo Dhawaan Kasoo Digo-rogtay WADDANI

0
Wednesday September 27, 2017 - 17:03:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Siyaasiyiin Haldoor ah oo Dhawaan Kasoo Digo-rogtay WADDANI

    Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Siyaasiyiin Haldoor ah oo Dhawaan Kasoo Digo-rogtay WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Siyaasiyiin Haldoor ah oo Dhawaan Kasoo Digo-rogtay WADDANI
Hargeysa(Xogreebnews)-Xisbiga midnimada iyo Horumarinta Somaliland ee KULMIYE, ayaa hadhimo-sharafeed heerkeedu sarreeyo ku maamuusay siyaasiyiin iyo xildhibaanno haldoor ah oo dhawaan xisbiga WADDANI iska casilay, isla markaana shaaciyey inay KULMIYE kusoo biiri doonaan.
Munaasibadda hadhimo-sharafeedda ah oo maanta lagu qabtay huteel Green Plaza ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah hoggaanka sare ee KULMIYE, wasiirro, siyaasiyiin iyo xubno hore uga tirsanaan jirey xisbiga WADDANI, kuwaas la filayo inay maalmaha soo socda kamid noqdaan xisbiga KULMIYE.
Kulanka qadada ah oo sheeko iyo kaftan badan lagu wadaagay, ayaa waxa uu ahaa mid haldoorka kasoo digo-rogtay WADDANI lagu soo dhaweynayey, isla markaana loogu muujinayey in codkooda iyo cududoodaba baahi badan loo qabo.
Siyaasiyiin ruug caddaa ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Naasir Cali Shire, Cabdiqaadir Tukaale iyo Xaamud oo ay wehelinayaan haween firfircoon iyo saraakiil kale oo kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga WADDANI, balse waqtigan diyaar u ah inay xisbiga KULMIYE tacab badan geliyaan oo iyaguna madasha ku sugnaa, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin hadhimada lagu sharfay.
Xubnahan haldoorka ah ee kasoo baxay xisbiga WADDANI, ayaa la filayaa in maalinta berri ah loo qabto munaasibad ballaadhan oo ay xisbiga KULMIYE kula midoobi doonaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured