Beel-weynta Gaashaanbuurta Axmed Faarax oo Taageero Mug iyo Miisaanleh u Muujiyey Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi iyo Wasiir Cali Mareexan oo Xisbiga Kulmiye isku Dubo-riday Codkii Deegaanada Qoryaale, Shaahid Balicalanle.....

0
Wednesday September 27, 2017 - 01:46:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beel-weynta Gaashaanbuurta Axmed Faarax oo Taageero Mug iyo Miisaanleh u Muujiyey Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi iyo Wasiir Cali Mareexan oo Xisbiga Kulmiye isku Dubo-riday Codkii Deegaanada Qoryaale, Shaahid Balicalanle.....

    Beel-weynta Gaashaanbuurta Axmed Faarax oo Taageero Mug iyo Miisaanleh u Muujiyey Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi iyo Wasiir Cali Mareexan oo Xisbiga Kulmiye isku Dubo-riday Codkii Deegaanada Qoryaale, Shaahid Balicalanle.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beel-weynta Gaashaanbuurta Axmed Faarax oo Taageero Mug iyo Miisaanleh u Muujiyey Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi iyo Wasiir Cali Mareexan oo Xisbiga Kulmiye isku Dubo-riday Codkii Deegaanada Qoryaale, Shaahid Balicalanle.....
Hargeysa(Xogreebnews)Wasiirka Hawlaha Cali Xasan Maxamed, Ayaa Ka Qeybgalay Kulan Taageero Deegaanka Qoryaale, Shaahid Balicalanle Ee Gobolka Togdheer Ay Ugu Muujinayeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Beelweynta Gaashaanbuur Axmed Faarax ayaa balanqaaday inay  hormuud ka noqonayaa Ololaha Xisbiga KULMIYE , isla markaana Taageerro u muujiyay Murrashaxa Muuse Biixi Cabdi.


Guddiga guud ee beelweynta Gaashaanbuur Axmed Faarax, Cuqaasha , Xildhibaanada iyo nin-garboodka beelweynta Axmed Faarax Nuux ayaa kulan balaadhan la qaatay  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno sarsare oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga KULMIYE.
Cuqaashada iyo Guddiga Guud ee Gaashaanbuur Axmed Faarax ayaa  balanqaaday inay beeshu cod iyo cududba la garabtaagan yihiin Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi isla markaasna aan wakhtigan laga filayn inay xisbi kale ku doorsadaan xisbigii ay aasaaskiisa lahaayeen.
Xildhibaanadda beelweynta Axmed Faarax Nuux ayaa si balaadhan u shaaciyay in ay ka xildhibaanno ahaan ay diyaar u yihiin inay safka hore ka galaan Ololaha Xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota .

Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyaynta Cali Xasan Maxamed  ayaa u mahadceliyay odayaasha iyo waxgaradka iyo dhalinyaradda  beelweynta gaashaanbuur Axmed Faarax, waxaanna uu wasiirku ku amaanay beelweynta midnimada iyo isku duubnida.
Wasiir Cali Xasan Maxamed Oo hormood u ahaa Deegaanka taageerada umuujiyey Musharaxa xisbiga Kulmiye, Ayaa balana qaadey in wakhtiga ololaha codkooda iyo hawlgalka Xisbiga diyaar ula noqon doonaan Madaxweynaha Mustaqbalka Dhow.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi  , Guddoomiye ku xigeenka  Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale uga mahadnaqay odayaasha iyo Waxgaradka sidii ay u taageereen Xisbiga KULMIYE doorashooyinkii hore isla markastaana ay wakhtigan kalsooni buuxda ku qabaan beeshani.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured