Daawo Xogreeb Tv: Wasirka Duulista Farxaan Aadan Haybe oo ka Hadley Beerta Reer Saleebaan Bidde iyo wareegto Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo saaray Dhul Shacab iyo Wasiir Cali Mareexan oo u ka Baraxay Eedihii Raqiiska ahaa ee Ina Cali Waraabe...

0
Monday September 25, 2017 - 02:05:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: Wasirka Duulista Farxaan Aadan Haybe oo ka Hadley Beerta Reer Saleebaan Bidde iyo wareegto Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo saaray Dhul Shacab iyo Wasiir Cali Mareexan oo u ka Baraxay Eedihii Raqiiska ahaa ee Ina Cali Waraabe...

    Daawo Xogreeb Tv: Wasirka Duulista Farxaan Aadan Haybe oo ka Hadley Beerta Reer Saleebaan Bidde iyo wareegto Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo saaray Dhul Shacab iyo Wasiir Cali Mareexan oo u ka Baraxay Eedihii Raqiiska ahaa ee Ina Cali Waraabe...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb Tv: Wasirka Duulista Farxaan Aadan Haybe oo ka Hadley Beerta Reer Saleebaan Bidde iyo wareegto Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo saaray Dhul Shacab iyo Wasiir Cali Mareexan oo u ka Baraxay Eedihii Raqiiska ahaa ee Ina Cali Waraabe...

Hargeysa(Xogreebnews-Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland, ayaa ka Hadley dhul Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo saaray wareegto xayireysa, is a good ujeedadana ku sheegay inay tahay baahi uu Madaarka Caasimaddo u qabo dhul laga sameeyo Romwey labaad.
Sidoo kale, Wasirku wuxuu carabka ku adkeeyey, isla Markaana qiray dhulkaas Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo saaray wareegtada sheegaysaa inaan La dhisi Karin, inay leeyihiiny dad shacab ahi, kuwasoo ay Kamid yihiin qoyska uu kasoo jeedo abwaan Axmed Saleeban Bidde, oh ah hal abuur si weyn looga ixtiraamo dhulka soomaalida oo dhan. Docda kale, wasiir Farxaan Aadan haybe waxa uu waxba Kama jiraan ku tilmaamay eedihii raqiiska ahaa ee Faysal Cali Waraabe ku weeraray Wasiirka hawlaha guud Md. Cali Mareexan. Wasiirka oo lala yeeshay waraysi, ayaa yidhi sidan.

 

 

"..horta Dhulka waxa maamusha Wasaarada Hawlaha Guud sida xeerarka Qaranku sheegayaan waana Hanti Qaranku leeyahay anaga waxa uu naga soo gelayaa waa raadkaa uu Madaarka ku leeyahay ee Madaarka loo joojiyey, runtii Wareegto ayuu hore uga soo saaray Madaxweynuhu, Wareegtadaasi waxa ay sheegaysaa inaan 1200 Miter loo so jirsanin Dhulka koonfureed ee Madaarka, sababta Madaxweynuhu u lexejeclaynayeyna wax kale may ahayan in aanu noqonin Dhulkaasi hadii Madaarku Maanta hal Runway ayuu leeyahay, Diyaaradaha yimaada waad ogtihiin waanay soo kordhayaan, Diyaarado badan oo caalami ah ayaa iminka naga soo dalbaday in aanu siino ogolaanshiiyo oo wadahdalkii noo socdaa, Markaa Marksta oo Diyaaraduhu soo kodhan Maadaama aynu nahay Dalka Aduunka Aqoosi ka raba oo soo jiidanaaya indhaha aduunka, afaafka laga soo galayaana waa Madaarada, Madaarku waxa uu u baahan yahay Runway labaad in la sameeyo, in la sameeyo dhabo labaad oo Diyaaraduhu ku dagaan (Runway) Dhulka laga samayan karayaana maaha Dhulka maanta Madaarku leeyahay ee u Xayandaaban, waxa qay ka ah Dhulka ka baxsan, waxanaan qirayaa Dhulkaa in Dad Shacab ahi leeyahay, Dhulkaa wixii Xayandaabka ka baxasan ee 1200 ee Miter ah ee Madaxweynuhu xayiray, Dad Shicib ah Hantidoodii weeye oo iyaga ayaa iska leh, Dawladduna kuma haysto oo ma laha lahaanshiyihiisa, kumana muransana .


Laakiin waxa la isweydiinayaa waxa weeye waar Dhulkaasi waxa uu anfacayaa Madaarkee, hadii hada dhisme loo ogolaado, taasina waxa ay noqonaysaa dee biri hadii Madaarka la is yidhaa balaadhiya in Xaafadanba laga raro oo Hargaysa laga raro, taasina qiimo weyan ayey nagu tagaysaa, markaa waxa uu Madaxweynuhu Wareegtada ku soo saaray in aan dhulkaa wax dhisme ah oo rasmi ah laga dhisi Karin”.

Halkan hoose ka daawo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured