Wasiir Cali Mareexan iyo Madaxweyne Siilaanyo waxaan ka Codsanaya inay Il Naxariiseed oo Islaamnimo iyo Masuuliyadeed ku eegan Cabashada Qoyska Reer Saleebaan Bidde, Xisbiyaduna haka Daayan Faro-gelinta iyo Foggeynta Umadda. Qalinkii kinsi Mohamed Hashi.

0
Sunday September 24, 2017 - 19:14:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cali Mareexan iyo Madaxweyne Siilaanyo waxaan ka Codsanaya inay Il Naxariiseed oo Islaamnimo iyo Masuuliyadeed ku eegan Cabashada Qoyska Reer Saleebaan Bidde, Xisbiyaduna haka Daayan Faro-gelinta iyo Foggeynta Umadda. Qalinkii kinsi Mohamed Hashi.

    Wasiir Cali Mareexan iyo Madaxweyne Siilaanyo waxaan ka Codsanaya inay Il Naxariiseed oo Islaamnimo iyo Masuuliyadeed ku eegan Cabashada Qoyska Reer Saleebaan Bidde, Xisbiyaduna haka Daayan Faro-gelinta iyo Foggeynta Umadda. Qalinkii kinsi Mohamed Ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cali Mareexan iyo Madaxweyne Siilaanyo waxaan ka Codsanaya inay Il Naxariiseed oo Islaamnimo iyo Masuuliyadeed ku eegan Cabashada Qoyska Reer Saleebaan Bidde, Xisbiyaduna haka Daayan Faro-gelinta iyo Foggeynta Umadda. Qalinkii kinsi Mohamed Hashi.
Waxaan Daawaday oo aan aad uga Murugooday qoyska Ilma Saleebaan Bide, oo Cadaalad darro ka tirsanaya masuuliyiin kamid ah Xukuumadda Somaliland. Waxanaan ka damqaday ilmada indhiisa ku taagnayd Abwaanka Maamuska inagga mudan ee Axmed Saleebaan Bide, oo runtii ah dadka ehellu sharafka ah, ehlu suugaanta ah ee la inooga baahan yahay inaynu si gaar ah u tixgelino.
Sidaas daraadeed, waxaan 
Wasiirka hawlaha guud Md. Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexan) si sharaf leh uga codsanayaa inuu waxka qabto Cabashada Abwaanka, oo ku eeggo arrinkiisa Islaamnimo iyo mid masuuliyadeedba, kuna fardaamiyo dhulka qoyska ilma Saleebaan Bide, isla markaana hormoodka noqdo cadaalad ka hana qaada dalkeena, maadaama oo qoyskani yahay kuwo mudo-dheer lasoo dhibayey arrinkoodanu dhinacna u dhici waayey, isla markaana Beertooda ilaa Xukuumadii Madaxweyne Riyaale ay ka Sharciga magan uga ahaayeen cadaalad inay helaan, balse weli ay cadilan yihiin.


Sidoo kale, Waxan Xisbiyada ugu baaqaya inaanay Siyaasad ka baadh-baadhin Beerta Reer Saleebaan Bide, isla markaana aanay sii kala foggeyn Xukuumadda iyo qoyska reer Saleebaan Bide, waxanaan si khaas ah ula hadlaya Faysal Cali Waraabe oo isaggu farogeliyey Kiiska Beerta reer Saleebaan Bide. Waxaanan leeyahay Xisbiyada dhamaantood samaha iyo cadaaladda, ayaa umadda deeqda, ee la yimaada Barnaamijyo aad bulshada qabyaaladda kaga saaraysaan, kana daaya kala qoqobka shacabka walaalaha ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Siilaanyo iyo masuuliyiinta Xukuumaddisa waxaan ka codsanayna in cadaalad lagu fasaxo beerta Ilma saleebaan Bidde oo ah dad magac iyo maamus umaddeena ku dhex leh bulshada, mana geyo gefefka maanta uu ka tirsanaayo Xukuumadiisa, ee halaga daayo Abwaan Axmed Saleebaan Bide ilahay ha barakeeyee waa Birma geydo.

Shacabweynaha reer Somaliland, waxaan ugu baaqaya inay u midooban wax kastaa oo umadda walaaleynayaa, isla markaana waxaan ka codsanayaa inay ka guuran qabyaaladda oo u guuran qaranimo la wada hadhsado oo walaalo lagu wada noqdo. Ma jiro horumar ku jiraa hab beeleed inaad waxku taageerto ama ku doorato, guulna laguma gaadho, waxaan shacabkayga Somaliland ugu baaqayaa midnimo iyo wax wada qabsi, dulmi nacayb inay la yimaadaan kana guuran Qabyaalada, una guuran qaran hana qaada.
W/ Q
kinsi Mohamed Hashi.
Kinsihashi9@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured