Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani kii soo Baxa ka Codsaday inay Wasiir-ku-xigeen u Magacaaban Wiilka Dhalinyarada ah ee u soo Lug-gooyey Musharaxa Waraaba-u-taaga Ucid, sheegaynaa Inaanay Bulshada iyo Faysal Cali Waraabe isku Cusbay Fartana ugu fiiqay Dhaxalkiisa Siyaasadeed....

0
Saturday September 23, 2017 - 02:31:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani kii soo Baxa ka Codsaday inay Wasiir-ku-xigeen u Magacaaban Wiilka Dhalinyarada ah ee u soo Lug-gooyey Musharaxa Waraaba-u-taaga Ucid, sheegaynaa Inaanay Bulshada iyo Faysal Cali Waraabe isku Cusbay Fartana ugu fiiqay Dhaxalkiisa Siyaasadeed....

    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani kii soo Baxa ka Codsaday inay Wasiir-ku-xigeen u Magacaaban Wiilka Dhalinyarada ah ee u soo Lug-gooyey Musharaxa Waraaba-u-taaga Ucid, sheegaynaa Inaanay Bulshada Somaliland Cod sin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani kii soo Baxa ka Codsaday inay Wasiir-ku-xigeen u Magacaaban Wiilka Dhalinyarada ah ee u soo Lug-gooyey Musharaxa Waraaba-u-taaga Ucid, sheegaynaa Inaanay Bulshada Somaliland Cod sinnaba ku siineyd...
Berri iyo Doorashada Murashax Ku-Xigeenka Xisbiga Ugu Da’da Weyn Uguna Taagta Daran Somaliland!
Waxa ay ahayd 7dii Nofember 2016ka markii kol saddexaad Eng Faysal Cali-Waraabe loo doortay murashaxa Madaxweynaha UCID, waxaanu ballan-qaaday in xisbigu 45 cisho gudahood ku dooranayo ku-xigeenkiisa, taasina waxa ay ku ekayd 22kii Disemeber 2016ka. 272 cisho kaddib ayuu UCID dooranayaa ku-xigeenka Faysal, waxaana doorashada ka hadhsan 50 cisho. Waxa la hadal-hayaa in UCID jagada ku-xigeenka u dooran doono nin la dhaho Ebyan oo ka soo jeeda Gobollada bari ee Somaliland.


Marxuun Axmed Cabdi Siciid oo ahaa ku-xigeenkii Faysal ee 2003du wuxuu 2005ta noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilalda Somaliland, kaddib markii uu arkay in Madaxweyne Faysal noqonayaa aanu jirin..........
Dr Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo ahaa ku-xigeenkii Faysal ee 2010ku wuxuu noqday Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland, isla markii KULMIYE uu talada qabtay, kaddib markii uu arkay in Madaxweyne Faysal noqonayaa aanu jirin.

Waxa aanu Murashaxiinta WADDANI iyo KULMIYE: hadba kii guulaysta ka codsanaynnaa in ay ku-xigeenka Faysal uu berri xulanayo wuxuun u magacaabaan isla judha uu Xisbiga UCID ku guul-darraysto doorashada, kaddib marka uu arko in Madaxweyne Faysal noqonayaa aanu jirin.

Xisbiga UCID waxa la filayaa in uu keeno codadkii ugu tirada yaraa ee uu abid helo.. Haddii uu 2003 helay 15%, 2010kiina uu helay 17%, waa aynu arki doonnaa inta uu gu’gan helo haddii Alle idmo... Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured