Xisbiga Kulmiye oo Caawa London ku qabanaya Barnaamij Geedi-socodka Kulmiye Iyo Qodobada shanta baahiyood ee waaweyn - si qarankani uu u horumar hinqado.

0
Monday September 18, 2017 - 17:24:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye oo Caawa London ku qabanaya Barnaamij Geedi-socodka Kulmiye Iyo Qodobada shanta baahiyood ee waaweyn - si qarankani uu u horumar hinqado.

    Xisbiga Kulmiye oo Caawa London ku qabanaya Barnaamij Geedi-socodka Kulmiye Iyo Qodobada shanta baahiyood ee waaweyn - si qarankani uu u horumar hinqado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye oo Caawa London ku qabanaya Barnaamij Geedi-socodka Kulmiye Iyo Qodobada shanta baahiyood ee waaweyn - si qarankani uu u horumar hinqado.

London(Xogreebnews)-Xisbiga Kulmiye mar labaad waxa uu London ku soo bandhigi doonaa siyaasadda geeddiga cusub (KULMIYE Public Policy Retreat) ee 2017 - 2022. Dhawaan ayey ahayd soo bandhigistii barnaamij siyaasadeed ballanqaadaya haddii Kulmiye la doorta waxa uu dal iyo dad baylahdooda ka qaban doono.

Siyaasadda geeddiga cusub (Kulmiye Public Policy Retreat) iyana waa habkii iyo khiddaddii loo fulin lahaa barnaamijka xisbiga - si qarankani u noqdo mid hana-qaada oo qayrkii si wacan u la tartama.

Siyaasadda xisbiga Kulmiye ee geeddiga cusubi waxa ay xoogga saari doontaa sidii wax weyn oo muuqda loo ga qaban lahaa shanta baahiyood ee waaweyn - si qarankani uu u horumar hinqado.

Shanta loo gu baahida badan yahay qaranka maanta waxa ka mid ah:-

A). Civic Belonging, Citizenship and Governance; waa siyaasad ka turjumaysa sidii Somaliland si kaamil ah oo isku dhan loo gu wada yeelan lahaa, ee dawladnimadeeda iyo khayraadkeeda loo gu sinnaan lahaa. Si taa loo gaadho waxa siyaasadda geeddiga cusub ee xisbiga Kulmiye ay xoogga saari doontaa in la helo siyaasad muwaaddiniinta sinta iyo dawlad wanaag hay'aadka qaranka hoggaamisa. Si siyaasaddani ay si weyn ugu meel marto xisbiga Kulmiye waxa uu ballanqaadayaa in uu dastuurka shaqeeyo - haddii baahi gaar ahi timaaddana sixis iyo kaabis la gu sameeyo.

B. Economic Development; xisbiga Kulmiye waxa uu qaadi doonaa jid dhaqaale dhis ah oo la gu sameynayo korniin dhaqaale oo dad iyo dal ah. Waxa la habayn doonaa oo si weyn ay dawladda xisbiga ka dhalataa u casriyeyn doontaa bangiga dhexe si uu awoodo saa'id ah oo dhinaca lacagta ah uu si madax-bannaan ugu shaqeeyo. Waxa la dajin doonaa siyaasadda badbaadada cuntada oo danta la ga leeyahay mustaqbalku ay tahay isku-filnaanshiyaha cuntada, waxa kale oo uu dawladda Kulmiye ee 2017 - 2022 ay dajin doontaa siyaasadda maalgashiga gudaha, waxa tacab badan dawladda Kulmiye ee soo socotaa ay galin doontaa cilmi baadhista jaamacadaha, xirfad u sameynta da' yarta waxana ay qooli doonta lacagta si aan shilinka Somaliland aannu dib danbe ugu qiimo dhicin - waxa la dajin doonaa siyaasad balwadaha sagagarka ah ee uu qaadku ka midka yahay la gu liciifinayo.

C). "Public Health" sida ku cad barnaamijka Kulmiye waxa gabi ahaanba xisbigu uu siyaasad cad u dajin doonaa caafimaadka qaranka - miyi iyo magaalo waxa la ga hawl galin doonaa siyaasad ilaalisa xoogga iyo caafimaadka muwaaddiniinta Somaliland. Miisaaniyadda caafimaadka si weyn ayaa kor loo gu qaadi doonaa, waxana dawladda Kulmiye ay aad uga shaqayn doontaa helista qalab caafimaad iyo dawooyin tayo leh oo lacag la'aan ah - guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

D). "National Education" sida ku cad barnaamijka Kulmiye waxa gabi ahaan ba la dajin doonaa siyaasad waxbarasho oo manhaj waddanka u hiilinaya kaashaneysa. Waxbarasho tayo leh oo dal iyo dadba baahida iyo cudurrada kala dagaallanta ayey dawladda Kulmiye labada sano ee hore ku dhammaystiri doontaa.

E). "Foreign Policy" dawladda Kulmiye waxa ay dhammaystirtay siyaasad arrimo dibedeed oo ka kooban boqol bog. Siyaasad hiil u ah madax-bannaanida Somaliland oo ku dhisan labada aragti ee la kala yidhaa Realistic Foreign Policy & Liberal Foreign Policy. Siyaasad u adeegta nabadda iyo horumarka mandaqadda iyo danaha Somaliland oo is-barkan.

Insha Allahu caawa ayaa London la gu soo bandhigi doonaa siyaasadda geeddiga cusub ee xisbiga Kulmiye. Nasiib-darro, inkasta oo aan ka maqanahay goobta oo aannan England haatan ku sugneyn - haddana gacan iyo maskax buuxda oo si fiican u gaaxan doonta ayaa barnaamijka soo bandhigi doonta. Insha Allahu Reer London iyo siyaasadda geeddiga cusub ee xisbiga Kulmiye iyo Professor Axmed Samatar iyo cawaysin wanaagsan. Insha Allahu hore ayaa loo soconnayaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured