Saldalada Subeer Awal oo markale muran ka dhex-qarxay iyo Tuhunnada Caleemo saarka Suldaan cusub...

0
Monday September 18, 2017 - 17:17:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldalada Subeer Awal oo markale muran ka dhex-qarxay iyo Tuhunnada Caleemo saarka Suldaan cusub...

    Saldalada Subeer Awal oo markale muran ka dhex-qarxay iyo Tuhunnada Caleemo saarka Suldaan cusub...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saldalada Subeer Awal oo markale muran ka dhex-qarxay iyo Tuhunnada Caleemo saarka Suldaan cusub...

Hargeysa (Xogreebnews) Todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa muran xoogani ka dhex aloosnaa beeshaa uu ka soo jeedo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna, musharax madaxweyne ee xisbigaasi mudane Muuse Biixi Cabdi, murankaasi oo daarana suldaan ka dhex abuuray beesha Sacad Muuse ee Ismaaciil Jibriil khilaaf hor leh.

Suldaankankan caleemasaarkiisu muranka badan dhalisay ayaa lagu magacaabaa Suldaan Ismaaciil Sheekh Cumar Xasan, waxaanu ardaa ahaan ka soo jeeda beesha Garaacato ee Sacad Muuse.

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa dariiqyada magaalada Hargeysa lagu dhajiyay boodhadh uu ku xardhan yahay astaanta muujineysa caleema saarka Suldaanka guud ee beelaha Ismaaciil Jibriil oo ay ka mid tahay beesha garaacato.

 

Arrintaasi ayaana ah ta keentay in beel weynta Sacad Muuse si guud iyo si gaarba ay uga soo horjeestaan caleema saarka ah in ninkani noqdo suldaanka guud ee beesha Ismaaciil Jibriil.

Geesta kale arrintani ayaa waxaa siweyn uga soo hor jeestay suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo salaadiinta kala duwan ee beesha Sacad Muuse.

Dhinaca kale xisbiga Kulmiye oo ay astaantisu ku xardhan tahay goobta lagu caleema saarayo ayaa looga shakisan yahay inuu lug ku leeyahay, waxaanay tani keenaysa in xisbiga Kulmiye iyo gudoomiyahooduba uu waayayo kalsoonidii uu ku qabay deegaanada uu ka soo jeedo.

Halkan ka daawo sawirada goobta caleema saarka ee suldaankani lagu muransan yahay





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured