Dawlada Imiraatka Carabta Oo Berbera Keenaysa 24 Saacadood Ee Soo Socda Ciidan La Wareegi Doona Amaanka Dekeda Iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera Iyo Xukumada Siilanyo Oo Ogolaatay+Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Oo La Dareerin Doono

0
Sunday September 17, 2017 - 07:26:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Imiraatka Carabta Oo Berbera Keenaysa 24 Saacadood Ee Soo Socda Ciidan La Wareegi Doona Amaanka Dekeda Iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera Iyo Xukumada Siilanyo Oo Ogolaatay+Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Oo La Dareerin Doono

    Dawlada Imiraatka Carabta Oo Berbera Keenaysa 24 Saacadood Ee Soo Socda Ciidan La Wareegi Doona Amaanka Dekeda Iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera Iyo Xukumada Siilanyo Oo Ogolaatay+Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Oo La Dareerin Doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Imiraatka Carabta Oo Berbera Keenaysa 24 Saacadood Ee Soo Socda Ciidan La Wareegi Doona Amaanka Dekeda Iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera Iyo Xukumada Siilanyo Oo Ogolaatay+Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Oo La Dareerin Doono
Berbera(Xogreebnews)-War Rasmiya Oo Ay Helayso Shabakada Wararka Berberatoday.com Waxa 24 Sacadood ee Soo socda Garoonka Diyaaradaha Berbera Kasoo Dagi Doona Diyaaro Ciidan Oo sida Ciidan Tira badan Oo Kasoo Jeeda Dalka isutaga Imiratka Carabta. Ciidanka ayaa la sheegay inay Hordhac uyihiin Ciidamo Badan oo dawlda Imiraatka carabtu Berbera Keeni Doonto maalmaha Inagu soo fooleh.

Keenista Ciidamada Oo Qeyb ka ah Kuwii Loogu talagalay Inay Saldhig Ciidan Ka dhigtaan garoonka Diyaaradaha Berbera Islamarkaana ay ilaaliyaan danaha dalka isutaga Imiraatku Ka leeyahay Dekeda Berbera ayaa waxa Keenistooda Deg Dega Ah Ogolaatay Xukumada madaxweyne Siilanyo.


Ciidamada Ayaa Waxa la sheegay inay La Wareegi Doonaan Amaanka Guud ee Dekeda Berbera Iyaga Oo kasoo dareerin Doona Cidkasta oo amarkooda Diida ama Ka Hortimaada awaamiirta Shaqo Ee Udagsan Shirkada DP World Ee Dekeda Berbera Laga Kireeyay Kana SAoo Jeeda dalkaas imiraatka Carabta.

Warar Xogogaala Ayaa Waxay Sheegayaan Sababta Dhabta ah e soo dadajisay Keenista Ciidankan Ay Tahay Caqabadaha Isbarkan ee Ka Taagan Dekeda Berbera ee udhaxaysa Ganacsatada Shaqaalaha kala Duwan Ee Dekeda Oo isku Dhinac Ah Iyo Maamulka shirka DP World Oo Ilaa maalintay Maamulka dekeda La Wareegtay Muran Iyo ismaandhaaf ka taagnaa Taas Oo sababtay shaqadii Dekeda Oo Gaabis Noqtay.

Warar Hoose Ayaa Sheegaya In Shirakada DP World Damacsantahay Inay Guud Ahaan Shaqada Ka dareeriso shaqaalaha Kala duwan Ee Muruqmaalka Dekeda Berbera Kuwaas Oo ay Ku eedaynayso Inay Caqab Weyn Kuyihiin shaqadii Dekeda Mu,aamaradna Kasameeyaan Dekeda Iyo shaqadeedii Wax kala soconayaana Aaanay Jirin,

Wararka La Xidhiidha Keenista Ciidankan Ayaa  Waxa Kaloo ay sheegayaan In La doonayo In ciidanka ajinabiga ahi Gacan Bira Ku qabtaan Cidkasta oo uhogaansami Weyday Amarada Kasoo Baxaya Shirkada DP World.

Madaxda Iyo Masuuliyiinta dawlada Ee Gobolka Saaxil ayaa Iyagana Lagu amray Inay Ciidamadaas Soodhaweeyaan Wixii Ay Uga Baahdaana Ufuliyaan.

Sidoo Kale Waxa shaki Badan Ku abuuray shirkada DP World Iyo dawlada isutaga Imiraatka Doorashada 13 Nomber 2017 Ka dhici Doonta Somaliland Oo ay ka Baqe Qabto Inuu Ku Guulaysto Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Islamarkaana uu Laalo Heshiiska Wareejinta Dekeda Iyo Saldhiga Ciidan ee Garoonka Diyaaradaha Berbera Laga Yagleelayo Maadama Oo Musharax Cabdiraxmaan Ciro diiday Hindise DP World Usoo Bandhigtay Musharixiinta Sadexda Xisbi Hidisahaas Oo Ah Inaanu Fargalin Midkasta oo Ku Guulaysta Doorashada Heeshiyada Dekeda Iyo Saldhiga Ciidan ee Berbera Taas Bedelkeedana Lasiin Doono Musharax Kasta Dhaqaale Buuran oo Uu Kaga Qeyb Galo Kaabeynka Doorashada.

Hidisahan Shirkada DP World Wadatay Ayaa waxa Aqbalay Oo Hadana Kusugan Dalka Isutaga Imiraatka Carabta Musharax Muuse Biixi Cabdi Iyo Faysal Cali Waraabe Halka Uu gabi Ahaanba Diiday Musharax Cabdiraxmaan Ciro Inuu Hidisahaas Saxeexo.

Imtaatinka Ciidamadan Ayaa Kusoo Beegmaya Iyada Oo Maalmihii Udanbeeyay Laga Daabulayay Garoonka Diyaaradaha Berbera Wixii Qalab Dawladeed Yaalay Shaqaalihii Joogayna Loo Bedelay Hargeysa Iyo Xarunta Wasaarada Duulista Hawada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured