Wariye Maxamed Aadan Dirir Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka Somaliland Oo Amarka Xadhigiisa Bixiyay+Maamulka Dugsiga Nuuradiin Oo Dacwad Wariyaha Ku Oogaya

0
Saturday September 16, 2017 - 15:52:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Maxamed Aadan Dirir Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka Somaliland Oo Amarka Xadhigiisa Bixiyay+Maamulka Dugsiga Nuuradiin Oo Dacwad Wariyaha Ku Oogaya

    Wariye Maxamed Aadan Dirir Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka Somaliland Oo Amarka Xadhigiisa Bixiyay+Maamulka Dugsiga Nuuradiin Oo Dacwad Wariyaha Ku Oogaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Maxamed Aadan Dirir Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka Somaliland Oo Amarka Xadhigiisa Bixiyay+Maamulka Dugsiga Nuuradiin Oo Dacwad Wariyaha Ku Oogaya

Hargeysa(Xogreebnews)-Goordhaweyda ayaa Ciidamada Booliska somaliland ee Wasaarada waxbarashada la shaqeeyaa Xabsiga Utaxaabeen Wariye Mohamed Aadan Dirir oo Kamida Suxufiyiinta Madax banaan ee Ku sugana Magaalada Hargeysa.

 

Wariyaha Oo La Soo xidhiidha Shabakada Wararka Ee Berberatoday.com Markii Xabsiga Lagu Siiwaday Ayaa Sheegay In Laga Soo Xidhay Agagaarka Wasaarada Waxbarashada Oo Saka Uu Utagay Hawlo Shaqo waxaanu Wariye Maxamed Dirir Sheegay Inkastoo Aanay Is Aragba Inay Askartii Xidhaysay usheegeen In Amarka Ay Kuxidhayaan Uu Ka Yimi Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka ninka Layidhaa Magaciisa Daa,uud Axmed Faarax.

 

Sidoo Kale Wariye Maxamed Aadan Dirir Oo Aanu Weydiinay Sabab uu Isleeyahay Xadhigaas waad Ku Mutaysan kartaa Waxa uu Ku jawaabay Inaanay Jirin Hase Yeeshee Waxa Uu wariyuhu Xusay in Maalmihii Udanbeeyay Tilifoono Looga Soo Hanjabaayay tilifoonadaas Uu Sheegay Inay Ku hadidayeen Hadaad Ka Bixi Weydo Wararka Aad Ka Qorayso Iskuulada Nuuradiin Inaanu Ku dili Doono, Waxanu Wariye Dirir Xusay Inuu Saaka Goobta Laga Soo Xidhay Uu Joogay Gudoomiyaha Iskuulada Nuuradiin Ninka Layidhaa Mahad-Nuuradiin Islamarkaana uu Umalaynayo Inuu Xadhigiisa Ka Danbeeyo.

Wariye Maxamed Aadan Dirir Ayaa Waxa Uu intaas raaciyay In askarta Xidhaysay Usheegeen Inuu Xafiiska Gudoomiyaha Itaxaanaadka Joogay Macalin Katirsan Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin Iyo Maamulaha Guud Ee Iskuuladaas Kuwaas Oo Askartu Wariyaha Ucadeeyeen Inay lahaayeen Waxa Aanu Sidaan Waaran Maxkamadeed Oo Wariyahaas Naloogu Soo Qabanayo Islamarkaana Uu Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranku U Amray Askartii Xafiiskiisa joogtay Inay Uxidhaan Oo Geeyaan Saldhiga Boolis Ee Ugu Dhaw.

Gudoomiyaha Iskuulada Nuuradiin Oo Aanu iskudaynay Inaanu Wax Ka Weydiino Xadhiga Wariyahan Iyo Inay Lug Kuleeyihiin Waa Uu Naga Qaban Waayay Tilifoonkiisa Gacanta Oo Aanu Ka Wacnay Halka Uu Xidhnaa Tilifoonka Gacanta Ee Gudoomiyaha Itaxaanaadka Qaranka Oo Aanu Isagana Iskudaynay Inuu Jawaab Ka Bixiyay Amarka La Sheegay Inuu Bixiyay Ee Wariyahan Maxamed Aadan Dirir Lagu Taxaabay.

Wariyahan Ayaa Mudooyinkii Udanbeeyay Xadhiga La daris Ahaa Iyada Oo Lixdii Bilood Ee Udanbeeyay La Xidhay Oo Xabsiga Loo Taxaabay Tiraba Afar Jeer Oo Aan Marnaba Maxkamad La Keenin Wax Danbiyana Aan Lagu Helin Xukuna Aanu Ku Dhicin Markasta Lagu Xidhaayay Sharcidaro Qaawan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured