Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Ka Qeyb Galay Xafladda Daah-furka Barnaamuj Siyaasadeedka Kulmiye.

0
Tuesday September 12, 2017 - 18:35:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Ka Qeyb Galay Xafladda Daah-furka Barnaamuj Siyaasadeedka Kulmiye.

    Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Ka Qeyb Galay Xafladda Daah-furka Barnaamuj Siyaasadeedka Kulmiye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Ka Qeyb Galay Xafladda Daah-furka Barnaamuj Siyaasadeedka Kulmiye.
Hargeysa(Xogreebnews)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxa Uu Maanta Ka Qeyb Galay Xafladda Daah-furka Barnaamuj Siyaasadeedka Kulmiye.
Munaasibadan oo ahayd mid balaadhan oo si weyn u agaasinayd laguna soo bandhigayey Buugga himilada uu higsanayo xisbigu in uu mar kale ku qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa Halkaas Hadalo Kala Duwan Kasoo Jeediyey Gudidii Soo Diyaarisay Barnaamuj Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye Iyagoo Dadweynaha Si Hufan Ugu Sharaxay.


Dhinaca Kala Waxa Madasha Hadalo Kooban Ka Jeediyey Waxgarad, Waayeel, Salaadiin, Iyo Xubno Kamid Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadaba.
Ugu Danbeyn Waxa Khudbado Kala Duwan Ka Jeediyey Xafladdan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Waxa Nuxurka Khidbadiisa Wuxuu Kaga Hadlay Qorshaha Shanta Sano Ee Soo Socda Ka Musharax Ahaan, Xukuumadu Waxay Qabatay Intay Talada Haysay, Iyo Waanooyin Uu Usoo Jeediyey Bulshada Qeybaheeda Kala Duwan.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo Khudbadii Balaadhnayd Ee Uu Halkaas Ka Jeediyey Waxa Kamid Ahaa....
Mudanayaal iyo Marwooyin,
"Wax-qabadka ballaadhan ee Xukuumaddaydu ay qabatay, wuxuu ka mid ahaa ujeeddooyinka aan u aasaasay Xisbiga Kulmiye. Sidaa darteed, muddadii Xukuumaddu jirtay dadkii aan xilalka u magacaabay, waa ku ceeb inay cidi gaar u sheegato."

"Ragga uu taratanku ka dhexeeyo, iyo inta ku xeeranba, waxaan kula dardaarmayaa, in aanay isaga qaldamin Qarannimada iyo loollaanka iyo laacdanka iyaga ka dhexeeyaa".
Mudanayaal iyo Marwooyin,
"Musharax Muuse BiixiWaxaan aaminsanahay, in uu yahay hoggaamiye ummadda Somaliland isku wadi kara, halkaana ka sii amba qaadi kara hoggaaminta Qaranimada Somaliland iyo himilada Xisbiga Kulmiye, iyo horumarka uu dalkeenu ku tallaabsaday. Muddadii dheerayd ee soddonka sanno ka badnay ee aanu soo wada shaqaynay, waxaan idiin sheegaya xilligii uu ku soo biiray Ururka SNM, in uu wax weyn ku soo kordhiyey garabka militari ee Ururka."
"Somaliland Ha Guuleysato, Kulmiye Ha Guuleysto"
Ugu Danbeyn Xafladan Ayaa Kusoo Afmeertay Jawi Farxadeed, Dabaaldeg, Iyo Balan Udiyaar Garaw Ku Guuleysi Doorasho Lagu Hirgaliyo Barnaamuj Siyaasadeedka Maanta Lasoo Bandhigay".


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured