Weriye Yoonis Cali Nuur oo ka Badheedhay Mushaarraxa uu Taageerayo Iyo Telefishanka HCTv oo ku Simbiriirixday Jawaabta Eddo laala Xidhiidhiyey

0
Sunday September 10, 2017 - 01:10:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Yoonis Cali Nuur oo ka Badheedhay Mushaarraxa uu Taageerayo Iyo Telefishanka HCTv oo ku Simbiriirixday Jawaabta Eddo laala Xidhiidhiyey

    Weriye Yoonis Cali Nuur oo ka Badheedhay Mushaarraxa uu Taageerayo Iyo Telefishanka HCTv oo ku Simbiriirixday Jawaabta Eddo laala Xidhiidhiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriye Yoonis Cali Nuur oo ka Badheedhay Mushaarraxa uu Taageerayo Iyo Telefishanka HCTv oo ku Simbiriirixday Jawaabta Eddo laala Xidhiidhiyey

Hargeysa(Xogreebnews)-Wariye Yoonis Cali Nuur, oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa tiraba markii labaad shaashaddaha warbaahinta kasoo baxay, isagoo u olloolleynayaa musharraxa jagadda Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kalena Wariye Yoonis Cali Nuur waxa uu daboolka ka qaaday inaan dalka Somaliland Maanta sharci ka jirin, waxanu arrinkaa u daliishadday in boobka hantida dawladdu Mii iyo Magaalo-ba gaadhay.

Suxufi Yoonis Cali Nuur oo qaybka ahaa masuuliyiiniyo xubno kamid ah shaqaalaha Hay’addaha dawladda, ee iyaggu u banbaxay olloollaha Musharraxa Kulmiye, kuna weheliya socdaalka oloolaha ah ee Musharrax Muuse Biixi ku marayo deegaanada uu kasoo jeedo ee galbeedka gobolka Maroodi-jeex, waxa fagaare warbaahin badani ku sugnayd uu ka jeediyey khudbad lahjadda uu ku tabinaayey Warkiisa ay ahayd af-reernimo oo u gaar ah Beesha isagga (Yoonis Cali Nuur) iyo Muuse Biixi ay kasoo jeedan, waxanu Beeshaa canaan ku saaray inay ka gaabiyeen taageerada Musharraxnimada Muuse Biixi, marka qiimeyn lagu sameeyo taageerada Musharraxa Kulmiye ay Beeshalaha kale kaga hor-mareen Beeshii uu kasoo jeedday, isagoo arrinkaa ka hadlaya, waxa uu yidhi; "… Runtii mid ayaan ka xummahay, oo dadkii halkan ka hadlay ee deegaanada kale ka socday, waxay inna lahaayeen Waar idiinkanu idin suggaynee Idin mee, waxay ahayd inaggu inaynu u baanno oo nidhaahdo, anaggaa dhulkii haynaa, dhaqaalihiina haynaa, Mayac-mushtarkiina haynaa, hoggaamiyihii loo baahnaana haynaa, taas ayaan idinka filayey. Laakin miyaanay ceeb inaggu ahayn dadka dhinac kasoo raaca in la inaggu yidhaahdo..”.

Teeda kale, Suxufi Yoonis Cali Nuur isaggoo rabbay inuu ka waramo taarikhda Musharrax Muuse Biixi, waxa uu ku dheeraaday dagaalkii dhex-maray taliskii Maxamed Siyaad Barre iyo Ururkii SNM, dagaalkaas oo xilligii uu socday beelaha Somaliland ku dhaqani ku kala aragti duwanaayeen, balse Burburkii dawladii dhexe ee Somaliya kaddib shir madaxdii ururka SNM soo qaban-qaabisay ee ka dhacay Magaaladda Burco Beelaha Somaliland degga ee aragtida Siyaasigu kala kaxaysay kaga heshiiyeen xur-guftii arrinkaa, waxa Yoonis Cali Nuur uu ka dhawaajiyey, isaggoo lib u raadinaya Musharrax Muuse Biixi dagaaladkii uu ka dhashay colaadahoodihii ehliga ee laga heshiiyey, isaggoo arrimaha tilmaamaya waxa uu yidhi; ".. Ninka kusoo guuleystay inuu kasoo gudbo caqabaddo hore, oo u inagga xorreeyo Dawladdii ugu awoodda badnayd Africa, ee ugu hubka badnayd ee Diyaaraddaha iyo mad-faca u badheedhay, isagga ayuunbaa Maantana meel ina gaadhsiin karaa..”.

Geesta kale, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa sheegay Xisbul-xaakimka Kulmiye inuu guddi saxaafadeed u Magacaabay Weriyaal aad loo yaqaano, oo hadda ka hawlgala Tv-ga dawladdu maamusho iyo telefishanka Madaxabanaan ee HCTv, kuwasoo kala ah wariye Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar) oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo sidoo kale, Wariye Maxamud Cabdi Cali Ducaale oo ka hawlgala Telefishanka Hon Caple Tv, xubnahaas Suxufiyiinta ah, oo Xisbiga Waddani inta warbaahinta dawladd ka hawlgasha ku eedeeyey inaanay xaq-sharci u lahayn inay u ollolleeyan Musharrax Muuse Biixi iyo kuwa Xisbiyadda Mucaaridka ahbaa, balse hadii damac ka galo siyaasadda ay ahayd inay ka tagaan shaqooyinka dawladda ee la rabbo dadka hawlwadeenada ka ah inay dhex-dhexaadka noqdaan arrimaha dhinaca Siyaasadda, halka sidoo kale, Xisbiga Waddani ugu baaqay maamulka Telefishanka HCtV inay tallaabo sharciga waafaqsan ka gutaan Wariyaasha u shaqeeya ee Xisbiga Kulmiye xilalka u magacaabay.

Telefishanka HCTv oo sida ka muuqatay War-bixin uu xagga dambe uu ka raaciyey Warkii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu kaga hadlay Wariyaasha Xisbiga Kulmiye xilalka u magacaabay, waxa Telefishanka Hctv soo gudbiyey muuqaal ka hadlaya mid kamid ah weriyaasha la magac-dhebbay, kaasoo uu caddeeyn uga dhagay Axmed Cabdiraxmaan Heello inaanu kamid ahayn shaqaalaha Telefishanka hadda, shaqadana uu ka tagay 6-bilood ka hor uu ka tagay, hase-yeeshee Telefishanku diffaaciisa arrinkan intaa wixii ka dambeeyey waa la simbiriirixday, oo kol wuxuu isku qaaday afhayeenka Xisbiga Kulmiye oo u waxka waydiiyey sida wax uga jiraan Guddida lagu eedeyey inay Saxaafadda Xisbiga u magacaabeen, taasoo afhayeenka Kulmiye-na isaggoo ka faa’ideysanaya fursadda aanu fahamsanayn ee Tv-gu siiyey kaga hadlay mabduucyo ka baxsan Su’aashii la waydiiyey oo u ku duraayey Xisbiga Waddani, halkii ay ahayd Telefishanka HCtv afhayeenka Kulmiye ku ilaaliyo su’aasha uu waydiiyey jawaabteeda, iyaddoo weliba ay ahayd in Telefeshanku uu waydiiyo afhayeenka Kulmiye inay dhici karto in Xisbigiisu si hoos-ahaaneed uu u magacaabi karo xubno uu danno ka leeyahay iyo waxa uu bulshada kaga qancin lahaa eedda arrinkaa.

Hase-ahaatee sidda dhacday ee Tv-ga Hon Caple baahiyey taasi ma dhicin, waxa’se dhacday afhayeenka Kulmiye inuu helay fursad dahabi ah, taasoo u suuro-gelisay inuu kaga jawaab celiyo eeddo loo soo jeediyey Xisbiga Kulmiye hal-waqti oo ah markii uu baxayey Warka u ku duray Xisbiga Waddani, halkii sida cadada ah jawaabta eeddahaas Xisbiga Kulmiye u haystay maalmaha soo socda. Si kastaba ha ahaatee, waxa is-waydiini ka taagan tahay jawaabta Telefishanka HCtv xalay ka bixiyey arrinka ku saabsan Wariye Maxamuud Cabdi Cali Ducaale iyo eeddaha la xidhiidhay dhex-dhexaadnimada Telefishanka, ma yihiin kuwo kaafiyi karaa Xisbiga Waddani iyo bulshada kalee Warkani shakiga ku abuuray, jawaabtuna waa mid furan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured