Shacabka Degmada Faro-weyne oo Soo Dhaweyn ku qaabiley Musharaxooda Muuse Biixi Iyo Wefti uu Hoggaaminayo...

0
Saturday September 09, 2017 - 18:32:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Degmada Faro-weyne oo Soo Dhaweyn ku qaabiley Musharaxooda Muuse Biixi Iyo Wefti uu Hoggaaminayo...

    Faro-weyne(Xogreebnews)-Shacabweynaha ku dhaqan degmada Faro-weyne ee gobolka Maroodijeex, ayaa soo la yaab leh oo aan loo kala hadhin ku qaabiley wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faro-weyne(Xogreebnews)-Shacabweynaha ku dhaqan degmada Faro-weyne ee gobolka Maroodijeex, ayaa soo la yaab leh oo aan loo kala hadhin ku qaabiley wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo safarro shaqo ku maraya deegaanno galbeedka dalka kamid ah.
Faro-weyne(Xogreebnews)-Shacabweynaha ku dhaqan degmada Faro-weyne ee gobolka Maroodijeex, ayaa soo la yaab leh oo aan loo kala hadhin ku qaabiley wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo safarro shaqo ku maraya deegaanno galbeedka dalka kamid ah.
Kumanaan shacabka degmada ah oo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo sawirrada murrashaxiinta xisbiga, ayaa iyaga wata boqolaal gaadiid ah goob magaalada ka baxsan kaga hortegay murrashaxa iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin, wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno, xubno hoggaanka xisbiga katirsan, haween iyo dhallinyaro, waxana loo gelibiyey goob fagaare ah oo si faraxsannimo leh oo qurxiyey, taas oo ay weftigu kala hadleen shacabkii soo dhaweeyey.
Soo Dhaweynta ay bulshada degmada Faro-weyne ku qaabishay guddoomiyaha oo ahayd mid si weyn indhaha usoo jiidatay, ayaa waxa hormood ka ahaa cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, haweenka, haldoorka iyo aqoonyahanka degmada oo ay wehelinayaan maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada, waxana hadallo shacabka soo dhaweynta wacdaraha wadatay loogu mahadnaqay halkaas ka jeediyey xubno weftiga iyo dadka deegaankaaba isugu jira.
Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmada Faro-weyne oo ugu horrayn madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa murrashaxa iyo weftigiisa uga mahadceliyey booqashada shaqo ee ay halkaas ku tageen, waxana ay shaaca ka qaadeen in dhammaanba bulshada degmadu ka siman tahay taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Siyaasiyiyiin miisaan ku leh xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Xuseen Aadan Cadde, Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdicasiis Maxamed Samaale, maayarka Caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, Badhasaabka gobolka Togdheer Md. Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug, Cali Cumar Guuleed iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyey isu soo baxdayda iyo soo dhaweynta xammaasadda leh ee shacabka degmada Faro-weyne ku qaabileen murrashaxa iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay shacabka ku dhiirriyeen inay xil weyn iska saaraan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen xisbiga waqtiga cod-bixinta la gaadho.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna khudbad kooban u jeediyey shacabka degmada Faro-weyne, ayaa bogaadiyey soo dhaweynta gacaltooyo ee ay ku qaabileen, waxana uu kula dardaarmay inay taageeradooda muujiyaan maalinta codbixinta la gaadho.
Image may contain: 14 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 11 people, crowd and outdoorImage may contain: 15 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 8 people, people smiling, people sitting and hat



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured