War deg-deg ah: War-saxaafadeed Xasaasi ah oo Kaso Baxay Guddida Kulmiye ee Toronto iyo Nuxurka uu Xambaarsan yahah...Ujeedo:-baaq ku wajahan taageerayaasha xisbiga kulmiye Toronto.

0
Friday September 08, 2017 - 21:20:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War deg-deg ah: War-saxaafadeed Xasaasi ah oo Kaso Baxay Guddida Kulmiye ee Toronto iyo Nuxurka uu Xambaarsan yahah...Ujeedo:-baaq ku wajahan taageerayaasha xisbiga kulmiye Toronto.

    War deg-deg ah: War-saxaafadeed Xasaasi ah oo Kaso Baxay Guddida Kulmiye ee Toronto iyo Nuxurka uu Xambaarsan yahah...Ujeedo:-baaq ku wajahan taageerayaasha xisbiga kulmiye Toronto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg-deg ah: War-saxaafadeed Xasaasi ah oo Kaso Baxay Guddida Kulmiye ee Toronto iyo Nuxurka uu Xambaarsan yahah...Ujeedo:-baaq ku wajahan taageerayaasha xisbiga kulmiye Toronto.
Ujeedo:-baaq ku wajahan taageerayaasha xisbiga kulmiye Toronto. 
Dhamaan taageerayaasha xisbiga kulmiye Toronto ee baaqani ku wajahan yahay mudanayaal iyo marwooyinba waxaad ogtihiin iney inagu soo fooleeyihiin doorashadii madaxtooyada taasoo dhici doonta Nov/13/2017, taasoo aynu dhamaanteen ku dedaali doono siday suurta gal u noqon lahayd inaan doorashada kaga guuleysano xisbiyada kale ee dhigeena ah, sidaa darteed taageerayaasha xisbiga kulmiye Toronto waxaa laynooga baahan yahay sidii aan uga midho dhalin lahayn hadafkeena fog iyo kan dhawba iyo dalka iyo xisbigeenaba inaan sameyno dedaal badan taasoo ujeedada ugu weyn ay tahay sidii dhaqaale loogu heli lahaa xisbiga , iyo dhinaca wacyi galinta oo kor loo qaado, waxaana inaga go'an inaynu dhamaanteen u wada guntano sidii aan uga midho dhalin lahayn arimahaasi aanu kor ku soo xusnay, hadana Bini'aadamka lagama waayo kii hashii Geela gowracay oo kale inay inaga mid ahaadaan. Dhaqaalaha ay bixinayaan taageerayaashu waxaanu u sheegaynaa inaan lacag iyo wixii LA mid ah toona gacan iyo qof bilaa xil ah oo iska wareegaya toona loo dhiibin, xisbiguna leeyahay Account u gaar ah iyo khasnaji maamula iyo gudiyo ku shaqo leh arimaha dhaqaale ururinta xisbiga, kana fogaadaan wixii riyo lifaaq ah iyo hulaab xumayaalba leh. Waxaa kale oo aan taageerayaasha ku wacyi galinaynaa inay ka fogaadaan qabyaalada iyo wixii la halmaala,  Kuna shaqeeyaan mabaa'diida xisbigu leeyahay , taasaana xisbigu guul ku gaadhi karaa. 
Guul iyo gobanimo Dhamaan bahweynta xisbiga kulmiye Toronto. Mahadsanidiin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured