Dadweynaha Reer Allaybaday oo Soo Dhoweyn Balaadhan ku qaabiley Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi iyo waftigiisi....

0
Friday September 08, 2017 - 01:46:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweynaha Reer Allaybaday oo Soo Dhoweyn Balaadhan ku qaabiley Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi iyo waftigiisi....

    Dadweynaha Reer Allaybaday oo Soo Dhoweyn Balaadhan ku qaabiley Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi iyo waftigiisi....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha Reer Allaybaday oo Soo Dhoweyn Balaadhan ku qaabiley Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi iyo waftigiisi....
Hargeysa(Xogreebnews)-Kumanaan katirsan shacabka ku dhaqan degmada Allay-baday ee gobolka Gabiley, ayaa si ballaadhan usoo dhaweeyey wefti uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.
Weftigan oo hawlo shaqo ku maraya deegaanno katirsan galbeedka dalka, isla markaana ay xubno ka yihiin wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor katirsan xisbiga, ayaa waxa goob ka baxsan magaalada kaga horyimi mawjado taageerayaal oo ku labisan astaanta xisbiga KULMIYE, caleemo qoyan oo ay  ku muujinayaan taageerada xisbigana lulaya, waxana weftiga loo gelbiyey madal si heersare ah loo sharraxay oo ay weftigu kala hadleen shacabka reer Allay-baday.


Maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada Allay-baday oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay shacabka  taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxana ay bulshada ku adkeeyeen inay u diyaar garoobaan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Siyaasiyiin, salaadiin, cuqaal, haween, dhallinyaro iyo xubno kale oo kamid ah haldoorka degmada Allay-baday oo madasha ka hadlay, ayaa si mug leh uga mahadnaqay taageerada baaxadda leh ee ay shacabku muujiyeen, waxana ay guddoomiyaha iyo weftigiisa ku bogaadiyeen booqashadooda iyo socdaalka ay ugu guurgaleen deegaanka, iyaga oo caddeeyey in waxqabadka xukuumadda KULMIYE sababtay taageerada muuqata ee shacabka ka muuqata.
Wasiirka wasaaradaha Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay shacabka degmada Allay-baday ka siman yihiin taageerada KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, isla markaana diyaar u yihiin inay codkooda iy cududoodaba ku taageeraan xisbiga. Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid ah haldoorka siyaasiyiin garabyada u ah xisbiga KULMIYE oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa shacabka degmada Allay-baday ku guubaabiyey sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana uu si ballaadhan uga mahadnaqay soo dhaweynta milgaha leh iyo abaabulka xamaasadaysan ee ay shacabku u muujiyeen weftiga uu uu xbinta ka yahay.
Siyaasiyiinta kala ah Axmed Muumin Seed iyo Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa  mahadnaq kadib shacabka ku dhiirrigeliyey inay sii libin-laabaan taageerada ay xisbiga KULMIYE u hayaan.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Allay-baday, waxana uu xusay in isu soo baxa iyo xamaasadda ay shacabku muujiyeen marag u tahay inay halkaas taallo cudud taageero uu xisbigu ku gaadhi karo hoggaanka dalka ee uu doonayo inuu mar labaad haaneedo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured