Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Idhanka-deeryahanka iyo Geed-ballaadh Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley.

0
Thursday September 07, 2017 - 19:17:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Idhanka-deeryahanka iyo Geed-ballaadh Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley.

    Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Idhanka-deeryahanka iyo Geed-ballaadh Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaannada Idhanka-deeryahanka iyo Geed-ballaadh Oo Ka Tirsan Gobolka Gabiley.
Geed-balaadhan(Xogreebnews)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Idhanka Deeroyahanka iyo Geed-ballaadh oo duleedka waqooyiga kaga beegan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.
Murrashax Muuse Biixi iyo Weftigiisa oo ay xubno ka yihiin siyaasiyiin, xildhibaanno, salaadiin, hoggaanka garabka Haweenka heer qaran ee KULMIYE, maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Gabiley iyo xubno kale, ayaa si ballaadhan waxa deegaannnadan ugu soo dhaweeyey salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada, kuwaas oo muujiyey sida ay taageerada buuxda ugu hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Ugu horrayn Boqor Muxumed Geelle Seed oo kamid ah madax-dhaqameedka miisaanka ku leh guud ahaan gobolka Gabiley oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey weftiga uu hoggaaminayo murrashax Muuse Biixi Cabdi, waxana uu sheegay inay bulsho ahaan si buuxda ula dhacsan yihiin siyaasadda xukuumadda KULMIYE, isla markaana ay si aan kala hadh lahayn codkooda u siin doonaan codkooda.


Maayarka Gabiley Md. Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo isaguna madasha soo dhaweynta ah ka hadlay, ayaa shacabka reer Idhanka uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxana uu ku boorriyey inay codkooda la garab galaan KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Sidoo kale waxgaradka, aqoonyahanka, salaadiinta iyo haldoorka deegaanka Geed-ballaadh oo hormood u ah shacabka deegaanka, ayaa soo dhaweyn xamaasadaysan ku qaabilay guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxana halkaas hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyey, siyaasiyiin weftiga kamid ah iyo haldoorka deegaanka Geed-ballaadh, kuwaas oo sheegay inay si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbado mahadnaq u badan u jeediyey shacabweynaha iyo taageerayaasha deegaannadan kusoo dhaweeyey, ayaa ku dheeraaday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee shacabkani ku lahaayeen halgankii dib u xoraynta dalka, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu si gaar ah maanka ugu haysto taageerada shucuubtani u hayaan xisbiga KULMIYE.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured