Fadeexad labaad Dawladnimada Cambaar ku ah oo Maamulaha Madaarka Hargeysi Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Wasiir Cali Mareexan ku kala Faddilaayo oo soo Ifbaxday Iyo Xilka Qaadistiisa oo laga sugaayo Xukuumadda....

0
Wednesday September 06, 2017 - 21:53:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad labaad Dawladnimada Cambaar ku ah oo Maamulaha Madaarka Hargeysi Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Wasiir Cali Mareexan ku kala Faddilaayo oo soo Ifbaxday Iyo Xilka Qaadistiisa oo laga sugaayo Xukuumadda....

    Fadeexad labaad Dawladnimada Cambaar ku ah oo Maamulaha Madaarka Hargeysi Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Wasiir Cali Mareexan ku kala Faddilaayo oo soo Ifbaxday Iyo Xilka Qaadistiisa oo laga sugaayo Xukuumadda....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad labaad Dawladnimada Cambaar ku ah oo Maamulaha Madaarka Hargeysi Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Wasiir Cali Mareexan ku kala Faddilaayo oo soo Ifbaxday Iyo Xilka Qaadistiisa oo laga sugaayo Xukuumadda....
Hargeysa(Xogreebnews)-Maamulaha Madaarka Hargeysa, oo dhowaan meel kaga dhacay hanaanka kala dambeynta ee dawladnimo, kaddib markii uu isaggoo shaqaale dawladeed ah, oo darajaddiisu tahay maamule Madaar isku dhereeriyey awood aanu lahayn. 
Isagoo dhowaan aflagaado qaawan oo shaqsiyan ah, Warbaahinta u mariyey masuul darajadiisu tahay Wasiir, kaasoo ahaa Wasiir Cali Mareexan oo isaggu qoraal Facebook kaga hadlay fal argagax leh, oo Diyaaradda FLY Dubai kula kacday gabadh reer Somaliland ah.
Haddaba Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf, oo hadda oggaadday inuu falkii uu ku kacay, madaxda qaranku iyagoo ilaalinaya karaamadda Dawladnimo, lagu go'aamiyey shaqo ka eriggiisa Maamulaha Wasiiradda ka aflaadeeyey Warbaahinta, ayaa waxa uu bilaabay faafinta warar uu madaxa iskugu gelinnaayo xubno kamid ah golaha Wasiirada.
Waxanu Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf labadii maalmood ee u dambeeyey ku hawlan yahay dacaayaddo raqiis ah, isagoo sheegaya inuu Wasiirka Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi ku amray inuu u jawaabo Wasiirka kale ee hawlaha guud Cali Mareexaan, isla markaana caydii u ku bartilmaameedsaday Wasiirka inuu Wasiir Maxamuud Xaashi usoo dhiibay. Waxanu maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamud Yuusuf ku hanjabayaa in aanay cidna xilka ka qaadi karin, isagoo sheegaya inuu Wasiirka Madaxtooyaddu hor istaagi doono xilka qaadistiisa, isagoo isticmaalaya awooddii Madaxweynaha. Waxa kaloo uu maamuluhu ku hanjabayaa in Wasiir Cali Mareexan, uu wasiirka diray ee Madaxtooyaddu kaga awood badan yahay dalka.
Si kastaba ha ahaatee Waxa bulshada somaliland ka wada xun tahay, hanaanka dawladnimo ee lummay iyo maamulayaasha wasiiradda aflagaadeynayaa, waxana dawladda laga suggaya hadday Madaxweyne tahay iyo hadday madaxweyne ku xigeen tahay iyo weliba hadday Wasiiradda tahay inay dhaqankaa ka hortagaan masuulka ku kacayna talaabo adag oo lagu badbaadinaayo
Dawladnimada laga qaado Maamulaha Madaarka Hargeysa, si aanay qaar kalena ugu dayan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured