Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo muddo kooban ku Talaabsaday Waxqabad Mug & Miisaan leh+ Sababta oo Laala Xidhiidhiyey inay tahay Khibrada Gudoomiyaha Laanta iyo Ku-xigeenka oo hore u ahaa Xisbiyahano Ruug-cadaayo ah!!!.Warbixin kooban..

0
Wednesday September 06, 2017 - 03:34:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo muddo kooban ku Talaabsaday Waxqabad Mug & Miisaan leh+ Sababta oo Laala Xidhiidhiyey inay tahay Khibrada Gudoomiyaha Laanta iyo Ku-xigeenka oo hore u ahaa Xisbiyahano Ruug-cadaayo ah!!!.Warbixin kooban..

    Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo muddo kooban ku Talaabsaday Waxqabad Mug & Miisaan leh+ Sababta oo Laala Xidhiidhiyey inay tahay Khibrada Gudoomiyaha Laanta iyo Ku-xigeenka oo hore u ahaa Xisbiyahano Ruug-cadaayo ah!!!.Warbixin kooban..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo muddo kooban ku Talaabsaday Waxqabad Mug & Miisaan leh+ Sababta oo Laala Xidhiidhiyey inay tahay Khibrada Gudoomiyaha Laanta iyo Ku-xigeenka oo hore u ahaa Xisbiyahano Ruug-cadaayo ah!!!.Warbixin kooban..
Toronto(Xogreebnews)-Guddida Xisbiga Kulmiye ee Laanta Toronto Canada, oo dhowaan uu Magacaabay Gudoomiyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ee North America Md. Mustafe Cabdi Cartan, ayaa muddadii koobnayd ee ay hayeen Xilalka Xisbiga, waxay la yimmaadeen waxqabad mug leh oo ay ku talaabsadeen guddidani muddo laba Bilood ka yar.
Guddida Toronto ee Xisbiga Kulmiye, oo markii horeba ahaa Shaqsiyaad Siyaasiyiin waaweyn ah, isla markaana ahaa Xisbiyahano ku xeel-dheer arrimaha middeynta dadka iyo sidoo kale, arrimaha Kaambeynka, ayaa maamulka cusub ee Xisbiga Kulmiye ee Toronto sameeyeen arrimo ka farxiyey Kaaderinta Xisbiga iyo weliba taageerayaashiisa. Kuwaasoo ku boggaaddeyey hawlaha Xisbiga ee ay qabteen iyo kuwa kale ee ay ku hawlan yihiin.
Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto waxay la yimmaadeen Istaraajiyad Siyaasadeed loo boggay, waxanay sameeyeen laba guddi oo waaweyn, kuwasoo kala ah, Guddida Dhaqaale Ururinta Xisbiga Iyo sidoo kale Guddida Abaabulka iyo wacyigelinta Xisbiga Kulmiye ee Toronto. Labadaas guddii oo shaqeynaayey mudo bil ka yar, ayaa si weyn uga hawlgalay shaqooyinkii loo igmadday, waxanay bilaabeen qaadhan Ururinta dhaqaalaha Xisbiga kulmiye ee Doorashada iyo sidoo kale hawlaha wacyi gelinta taageerayaasha iyo xubnaha Xisbiga.
Guddida cusub ee Xisbiga Kulmiye ee Laanta Toronto, ayaa waxa hormuud u ah, laba Nin oo saameyn siyaasadeed ku leh North America iyo sidoo kale gudaha dalka Somaliland, waxanay hore uga kala tirsanaayeen Xisbiyada Waddani iyo New Ucid, tusaale ahaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Toronto, Yaasiin Cabdi Hassan waxa uu ahaa xubin sare oo ka tirsanay Xisbiga Waddani, waxanu ku biiray Xisbiga Kulmiye, isagoo hoggaaminaya Garabkii Cadaaladda iyo toosinta ee Waddani ee u hoggaaminaayey Siyaasi Axmed Muumin Seed.
Sidoo kale, Gudoomiye ku xigeenka cusub laanta Toronto, Waa siyaasiga weyn ee Shacayb Cabdilahi Xuseen, waxanu hore u ahaa Gudoomiyihii New Ucid ee Toronto Canada. Sidoo kale waxa uu ahaa Siyaasi Shacayb shaqsi dummaaladiisa Siyaasadeed dheer tahay, isla markaana firfircoon, isagoo laf dhabar u ahaa garabkii New Ucid ee Canada, waa shaqsi masuul ah oo dulqaad badan, una nasteexeeya cid walbaa.
Waxa kaloo xusid mudan inay hawlaha iyo horumarka balaadhan ee ay mudada gaaban ku talaabsadeen maamulka cusub ee Xisbiga Kulmiye ee Toronto ay garbo iyo baalal u yihiin dhamaan xubnaha Guddida oo ah masuuliyiin isku duuban oo isku dan ah, isla markaana ay ka wada go'an tahay guul ay la rabbaan inuu gaadho Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi... La soco qaybaha dambe iyo qorshayaasha cusub ee Laanta Toronto ee Xisbiga Kulmiye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured