War deg-deg ah: Ciidamada RRU-da oo Caawa Gurigiisa ugu Daatay, Xabsigana u Taxaabay Sheekh Aadan Sunne Iyo Isku dhac dhexmaray Ciidamada iyo Dhalinyaro isku dayey inay Sheekha diffaacan...

0
Wednesday September 06, 2017 - 01:24:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg-deg ah: Ciidamada RRU-da oo Caawa Gurigiisa ugu Daatay, Xabsigana u Taxaabay Sheekh Aadan Sunne Iyo Isku dhac dhexmaray Ciidamada iyo Dhalinyaro isku dayey inay Sheekha diffaacan...

    Ciidamada RRU-da oo Caawa Gurigiisa ugu Daatay, Xabsigana u Taxaabay Sheekh Aadan Sunne...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada RRU-da oo Caawa Gurigiisa ugu Daatay, Xabsigana u Taxaabay Sheekh Aadan Sunne...
Hargeysa(Xogreebnews)-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran RRU-da, ayaa caawa goordhoweyd Gurigiisa kasoo xidhay Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah Culimada Somaliland. Ma jiro war si rasmi ah ay laamaha amaanku uga soo saareen xadhiga Sheekh Aadan Sunne.
Hase-yeeshee Warar lagu kalsoon yahay oo shabakadda Xogreebnews heshay, ayaa sheegay 11-kii habeenimo ee caawa inay Ciidamada RRU-du Guriisa oo ku yaala Xaafadd siinay ugu daateen Sheekh Aadan Sunne Ciidamadu, isla markaana aan ilaayo hadda la oggeyn sababta xadhiga Sheekha iyo sidoo kale Meesha lagu xidhay.
Geesta kale, Wararku waxay sheegayaan in markii kooxo dhalinyaro ahi isku dayeen inay Ciidamada iska hor taagan qabashada sheekha, haseyeeshee ay halkaas ka dhacday Rasaas badani. Lamana sheegin weli wakh khasaare ah oo arrinka is hortaaga Ciidamada iyo dhalinyarada ku saabsan. Si kastaba ha ahatee Sheekh Aadan sunne ayaa marar badan oo hore Xukuumaddu xidhay, kaasoo lagu eedeyn jiray xag jirnimo.
La soco Wixii kasoo kordha. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured