Mawjado taageerayaal ah oo Magaalada Gabiley Kusoo Dhaweeyey Wefti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland....

0
Tuesday September 05, 2017 - 18:14:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mawjado taageerayaal ah oo Magaalada Gabiley Kusoo Dhaweeyey Wefti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland....

    Mawjado taageerayaal ah oo Magaalada Gabiley Kusoo Dhaweeyey Wefti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mawjado taageerayaal ah oo Magaalada Gabiley Kusoo Dhaweeyey Wefti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland....
Gabiley(Xogreebnews)-Kumanaan katirsan shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka, ayaa isu soo baxyo ballaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic).
Weftigan oo kasoo kicitimay magaalada Boorama, isla markaana ay xubno ka yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, siyaasiyiin iyo saraakiil sare oo KULMIYE katirsan, xildhibaanno, salaadiin iyo hoggaanka heer qaran ee garabka haweenka KULMIYE, ayaa duleedka galbeed ee magaalada waxa kaga hortegay kumanaan katirsan shacabka reer Gabiley, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE, si ay u muujiyaan taageerada luxdan ee ay u hayaan xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE.
Taageerayaashan oo sida mawjadda u socday, isla markaana ay hoggaaminayaan maamulka xukumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka Gabiley, salaadiinta iyo wasiirrada gobolka kasoo jeeda ee xukuumadda ku jira, ayaa weftiga usoo gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Gabiley, iyaga oo xubnha weftiguna lug kusoo mareen jidadka kala duwan ee magaalada, isla markaana ay hareeraha ka socdeen kumanaan katirsan taageerayaasha xisbigu ku leeyahay magaalada, kuwaas oo markii dambe isugu biyo shubtay dhinaca Khayriyada magaalada oo hadallo mahadnaq iyo guubaabin u badan looga jeediyey.
Maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan magaalada Gabiley oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay shacabka reer Gabiley taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxana ay bulshada ku adkeeyeen inay u diyaar garoobaan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Xuseen Aw Muuse, Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar iyo Boqor Muxumed Geelle Seed oo iyaguna madashaas dadka kala hadlay, ayaa bulshada reer Gabiley kula dardaarmay inay garab galaan waxqabadka xukuumadda KULMIYE, isla markaana ay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE si uu waxqabadkaasi u  noqdo mid halkiisa laga sii ambo qaado.
Badhasaabka gobolka Gabiley Md. Xamse Cadow-yuurura iyo  Maayarka Md. Maxamed Ammiin Cumar, ayaa iyaguna shacabka gobolka Gabiley ku bogaadiyey taageerada muuqata ee ay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa u muujiyeen.
 Wasiirrada wasaaradaha Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir, Wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse, Ganacsiga Md. Cumar Shucayb oo iyaguna hadallo dhinacyo badan taabanaya madasha ka jeediyey, ayaa ka mahadceliyey isu soo baxa taageero ee reer Gabiley kala hortageen Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa, waxana ay ku adkeeyeen inay maanka ku hayaan waxqabadka uu KULMIYE ka hirgeliyey guud ahaanba dalka iyo midka uu sida gaarka ah uga hirgeliyey gobolka Gabiley.
Siyaasiyiin iyo haldoor xisbiga KULMIYE magac iyo miisaan ku leh oo ay kamid yihiin Md. Jamaal Cali Xuseen, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Cali Maxamed Waran-cadde, guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay in isu soo baxa iyo taageerada laxaadka leh ee Gabiley marag u tahay sida uu xisbigu u hantay quluubta shacabka, isla markaana loo baahan yahay in loo wada guntado sidii uu xisbigu u wada heli lahaa badiba taageerada cod-bixiyayaasha reer Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Xildhibaan Cali Gabiley, Xildh. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Xildh. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo iyaguna kamid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan uga mahanaqay soo dhaweynta reer Gabiley u muujiyeen xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana ay shaaciyeen inay Gabiley kamid tahay goobaha guusha doorashooyinka Somaliland laga saadaaliyo.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Gabiley, waxana uu xusay inay Gabiley caan ku tahay guusha xisbiga KULMIYE, isla markaana aanay shacabkeedu ahayn kuwo cid kale loo nisbayn karo.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne Ku-xigeen ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacabka reer Gabiley ku bogaadiyey taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen weftiga uu hoggaaminayo, waxana uu ku bogaadiyey inay codkoodana ugu hiiliyaan marka la gaadho maalinta doorashada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured