Musharrax Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Warbaahineed laba Beelood ah. W/Q Guuleed Xaamud Jibriil

0
Tuesday September 05, 2017 - 00:46:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Warbaahineed laba Beelood ah. W/Q Guuleed Xaamud Jibriil

    Musharrax Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Warbaahineed laba Beelood ah. W/Q Guuleed Xaamud Jibriil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharrax Muuse Biixi oo Magacaabay Guddi Warbaahineed laba Beelood ah. W/Q Guuleed Xaamud Jibriil

Musharraxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si hoos ahaan ah u magacaabay guddida cusub oo Maamuli doona arrimaha Warbaahinta, inta lagu gudo jiro mudada ollollaha Doorashaddu lagu jiro. Xubnaha guddidan oo tiradooda lagu sheegay Shan xubnood, ayaa waxa xullashadooda lagu salleeyey hab-beeleed ku jaan-go’an Beelaha degga waqooyiga Hargeysa ee Mushaarraxa Xisbiga Kulmiye kasoo jeedo iyo beelaha bariga Burco ee Madaxweyne Siilaanyo kasoo jeeddo.

Xubnahan guddida loogu talo-galay Warbaahinta Xisbiga Kulmiye ee Xilliga Doorashadda, waxa xubno ka ah, Xuseen aw Jaamac Jibriil (Xagar) Habar-jeclo, Cabdilahi Aadan Cumar (Wayab) Sacad-Muuse, Maxamuud Cabdi Cali (Ducaale) Sacad-muuse, aqoonyahan Maxamed Cali Bile Sacad-muuse, Axmed Cabdiraxmaan Xirsi(Hello) Habar-jeclo.

Haddaba, waa-yaabka yaabkiise Musharrax Muuse Biixi Cabdi, sidani ma ka aqoonbaa, ma ka arrinbaa, mise waaba ka cadaalad. Mise tolow intaa midna maahee waa arrin uu ku talo galay, ileyn hore ayaa loo yidhi, Nin Dameer dabadiisa ka deggay wax u dhaama ayuu waayey. Balse waxay taraan daayo, iga walla Maantuu Indho la’aan jar iska tuuray, oo uu waa midde dirtay intii ku Saaqiday Saxaafadda.

Teeda kale, guddidan siffaaha reernimo uu usoo xushay Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi, waxay laf-jab ku tahay waanu garanayn’e Muusaha magacaabay laftiisa, waayo? Dhanna umma roona, oo mar wuxuu ku xushay qabyaalad, oo wuxuu ku waayayaa Umaddihii kale ee u Codka ka rabbay, marnaa bulshada ayaa kaga cararaysaa dadkan uu magacaabay. Sidoo kale, dadkan uu magacaabay oo aan kalsooni iyo soo jeedasho midna ku lahayn bulshada, ayaa waxay sababaysaa inuu ku waayo Saxaayiin badan, aqoonyahan badan, beelo badan, isla markaana tani waxa loo qaadan karaa nooca ay noqon doonto Xukuumadiisu. Waxa kaloo xusid mudan inaanay kooxdani ku dhex lahayn saxaafadda qadarin, iyagoo aanay jirin shax ama qorshe la qaan-jaadaya warbaahinta casriga oo ay leeyihiin.

Guuleed Xaamud Jibriil

Boorama/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured