Cashuurtii Kastamka Berbera oo Loo Leexiyey Banan Gaar ah iyo Qandaraasyadii Dawladda oo Dad loo Xidhay

0
Tuesday September 05, 2017 - 00:35:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cashuurtii Kastamka Berbera oo Loo Leexiyey Banan Gaar ah iyo Qandaraasyadii Dawladda oo Dad loo Xidhay

    Cashuurtii Kastamka Berbera oo Loo Leexiyey Banan Gaar ah iyo Qandaraasyadii Dawladda oo Dad loo Xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cashuurtii Kastamka Berbera oo Loo Leexiyey Banan Gaar ah iyo Qandaraasyadii Dawladda oo Dad loo Xidhay

Berbera(Xogreebnews- Xoggo Wargeyska Yool uu ka helay illo rasmi ah, ayaa daboolka ka qaaday in dakhligii Kastamka Magaaladda Berbera loo leexiyey Baananka gaarka loo leeyahay, halka markii hore dakhligaas lagu xerayn jiray Baanka dhexe ee dawladda. Ma jiro wareegto ama war-murtiyeed arrinka ku saabsan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Hase-yeeshee sida Wargeysku xogta ku helay tibbaaxeen, waxa amarka arrinkan oo laala xidhiidhiyey fulintiisa Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan uu dhacay Axaddii doraad, waxa Wararku intaa ku darreen Wasiirka Maaliyaddu ay ku dhaqanka arrinkan uga gol-leedahay cabsi la xidhiidha inuu dhinnaan-shiiyo ku yimaado Mushaharooyinka Ciidamada iyo shaqaalaha Dawladda, hadii aan gaadh laga qaban dakhliga Kastamka Berbera, oo isagu laf-dhabar u ah illaha lagu salleeyo odoroska ama mala-awaalka Miisaaniyad sanadeedka dawladda dhexe.

Geesta kale, Wararka Gobolka Saaxil laga helayo ee amarkan la xidhiidha qaarkood, ayaa sheegaya inaanu heli hir-gelin amarkan ku dhaqankiisu, sidaas darteenna dakhligii Kastamka Berbera uu weli ku dhaco Baanka dhexe, hase-ahaatee Wararka laftigooddu waxay iftiimiyeen in amarkani uu yahay mid suurto gal, balse laga yaabo inaanu weli kasoo wada dhamaan Wasaaradda Maaliyadda.

Docda kale, iyadoo lagu jiro xilli kala guur ah, waxa muddooyinkan u dambeeyey isa-soo taraayey dhacdooyin dhowr ah oo dhamaantood ku saabsan fadeexado iskugu jira ku tagri falka awooddaha qaranka iyo hayb-sooc lagu kala fadilayo muwaadiniinta Somaliland. Dhacdooyinkaa waxa kamid ah oo aan usoo qaadan karnaa, todoba Koontiiner oo ay ku jiraan bacaha dalka laga mabnuucay, kuwasoo Kastamka Berbera lagaga soo saaray Warqad Wasiirradda Maaliyaddu qortay, oo sheegaysaa in Koontinaraddaasi yihiin taransid laga leeyahay dalka Itoobiya, sidoo kalena isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Kala-baydh qoraal af-garasho ah ku sheegay in Koonteenaraddaasi u gudbeen dhanka dalka Itoobiya.

Hase-ahaatee sida dhacday kolkii dambe la qabtay iyaddoo badeecaddii Koontiinaraddaas ku jiray oo lagu roggaayo bakhaaro ku yaala Magaaladda Wajaale, arrintaana waxa fashiliyey qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo iyaggu aan la socon sheekada qorsoodiga ah ee baddeecadan. Waxa kaloo, jira qandaraasyo dhowr oo aan la marin guddida qandaraasyada qaranka, kuwasoo sidda la sheego Wasiiradda Maaliyaddu siiso Shirkaddo gaar ah oo ay leeyihiin dad ay qaraabo yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured