Mudaharaad Balaadhan oo Maanta ka dhacay Afafka Dekedda iyo nooca uu yahay... Mukhalisiinta Dekeda Berbera, Muruq-maalka iyo shaqaale gadooday...

0
Monday September 04, 2017 - 19:10:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaad Balaadhan oo Maanta ka dhacay Afafka Dekedda iyo nooca uu yahay... Mukhalisiinta Dekeda Berbera, Muruq-maalka iyo shaqaale gadooday...

    Mudaharaad Balaadhan oo Maanta ka dhacay Afafka Dekedda iyo nooca uu yahay... Mukhalisiinta Dekeda Berbera, Muruq-maalka iyo shaqaale gadooday...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaad Balaadhan oo Maanta ka dhacay Afafka Dekedda iyo nooca uu yahay... Mukhalisiinta Dekeda Berbera, Muruq-maalka iyo shaqaale gadooday...

Berbera(Xogreebnews)-Saaka waxa ka socda Magaalada Berbera mudaharaad salmiya oo ay dhigayaan mukhalisiinta Dekeda Berbera badeecadaha ka cashuura iyo Wadayaasha gaadiidka Waaweyn ee xamuulka qaada iyo waliba shaqaalaha xoogsatada ah ee Dekeda Berbera uxamaalis taga,

 

Mudaharaadkan oo sababay shaqo joojin ay sameeyeen mukhalisiinta ganacsatada Dekeda Berbera badeecadaha uga cashuura iyo wadayaasha gaadiidka xamuulka ka qaada Dekeda iyo qaar kamida dadka sida dadban uga xoogsada Dekeda Berbera ee isugu jira gacan yarayaasha iyo xamaaliinta badeecadaha tafniida ayaa salka ku haya amaro culus oo shirkada Dekeda Berbera Maamusha ee DP World kusoo rogtay cid kasta oo Dekeda Usoo Xoogsi tagta ama shaqo kuhaysa noocy doontaba ha ahaatee.

Amaradaas culus oo ay Maamulka Shirkada Dekeda Berbera Maamusha ee DP Worlda kusoo saartay qoraal ay ku sheegayso inaanay Dekeda Berbera soo gali doonin qof aan sharci sidanin oo aan walibana xidhnayn qalab isugu jira kabo waaweyn oo adag oo ah nooca loo yaqaan qadha iyo shaadh ay ku dhajisan yihiin calaamadaha tilmaamaha ah ee dhalaala iyo koofiyad ka samaysan caag bir ayaa waxa ay shirkada Dp World qoraalkaas ay soo saartay ku mudaysay in 01/09/2017 qof aan intaas oo shay sidanin iyo waliba aqoonsigiisa haayada ama shirkada ganacsi ee uu ushaqaynayo aanu fooda soo galin doonin Dekeda Berbera.

Amarakan Culus oo ay shirkada DP World qorsheysay inay hirgaliso bilawga bishan sagaalad ayaa saaka markii dib loo bilaabay shaqooyinka Dekeda ee laga soo noqday fasixii Ciidal Udxaha ayaa guud ahaan cid kasta oo maida dadkaas shaqada dekeda ka hayay oo aan sida qalabkaas iyo waliba aqoonsiga sharciga ah ee qofka laga celiyay Dekeda waxaanay taasi sababtay inay mudaharaad salmiya oo ay kaga soo horjeedaan talabaadaas lagaga horjoogsaday Dekeda iyaga oo ku doodaya inaan iyaga xaq loogu lahayn inay qalabadaas maadama oo aanay kamid ahayn shaqaalaha Dekeda ee gacanta ka shaqeeya shaqooduduna tahay cashuurta badeecadaha iyo galida Xafiisyada halka ay wadayaasha gaadiidlayduna ku doodayaan in aan diidayn sharciga la weydiinayo hase yeeshee aanay ogolayn inay qalabadaas soo iibsadaan oo xidhaan shaqoodana aanay ku jirin.

 

Waxa kaloo la sheegayaa in aanu baabuurka xamuulka ah ee Dekeda galaya raacin wiilka caawiyaha au ah darawalka ee loo yaqaan Kirishbooga lana ogolyahay oo kaliya inuu wadaha ama darawalka oo kaliyi Dekeda galo taasina waa caqabad gaadiidka lagu saarayo culays maadama oo aanu gaadhigu ka maarmi karin Wiilka caawiyaha u ah darawalka ee Kirishbooga ah.

Mudaharaadkan salmiga ah ayaa keenay in heegan culus la galiyo guud ahaan ciidamada Booliska Berbera oo la soo dhoobay afaafka hore ee Dekeda laga galo oo mudaharadayaashuna hor tuban yihiin iyaga ii jidka Dekeda galana ku xidhaydhagxaan iyo foostooyin wax galaya iyo wax kasoo baxayaana aanay jirin.

Halkan Ka Akhriso waraaqaha Shirkada DP World Soo Saartay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured