Siyaasiyiinta kasoo Jeedda Sool iyo Sanaag Bari ee Magaca Bulshada Ku dhex leh oo Dhabarka u Jeediyey Codsi Faysal-ka Ucid kaga Dalbaday Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen Waraabe u Taag ah Siddiisa oo Kale...

0
Monday September 04, 2017 - 05:56:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta kasoo Jeedda Sool iyo Sanaag Bari ee Magaca Bulshada Ku dhex leh oo Dhabarka u Jeediyey Codsi Faysal-ka Ucid kaga Dalbaday Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen Waraabe u Taag ah Siddiisa oo Kale...

    Siyaasiyiinta kasoo Jeedda Sool iyo Sanaag Bari ee Magaca Bulshada lu dhex leh oo Dhabarka u Jeediyey Codsi Faysal-ka Ucid kaga Dalbaday Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen Waraabe u Taag ah Siddiisa oo Kale...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta kasoo Jeedda Sool iyo Sanaag Bari ee Magaca Bulshada lu dhex leh oo Dhabarka u Jeediyey Codsi Faysal-ka Ucid kaga Dalbaday Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen Waraabe u Taag ah Siddiisa oo Kale...
Laascaanood(Xogreebnews)- Siyaasiyiinta magaca iyo Maamuska leh ee kasoo jeeda gobollada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag bari, ayaa dhamaantood dhabarka u jeediyey dalabyo tiro badan oo hor-jooggaha Ucid Faysal Cali Waraabe kaga Codsanaayey inay soo xulaan shaqsigii Musharrax Madaxweyne ku-xigeen Waraabe u taag ah u noqon lahaa isagga.
Faysal Cali Waraabaha Ucid oo Siyaasiyiin tiradooda lagu sheegay 30-ku dhowaad, kana soo jeeda Sool iyo Sanaag u bandhigay doonistiisa ah inuu Siyaasi reer Sool ah oo Magac leh ka dhigto Musharaxiisa Madaxweyne ku xigeenka.
Hase-yeeshee waxa qorshaha Faysal Cali Waraabe qaadashadiisa gabi-ahaanba gaashaanka ku dhuftay Siyaasiyiinta magaca iyo maamuska leh ee Reer Sool iyo Sanaag bari, kuwasoo Faysal ku war-geliyey inaanay haba-yaraatee aanay jirin cid Cod faysal Cali Waraabe siinaysaa oo kamid ah Bulsho weynta Somaliland, waxanay kaga darreen celiyeen Codsiyada Faysal Cali Waraabe inay ceebku tahay inuu ula yimmaado Siyaasiyiinta Dhulbahante inay u noqdaan ku xigeen, isagoon soo bixis-daayo aan sharciba u ogolleyn tartan Doorasho Madaxtooyo oo u mar saddexaad isku soo taaggo.
Waji-gabaxan uu Faysal Cali Waraabe kala Kulmay Siyaasiyiinta iyo hal-doorka reer Sool, ayaa daaha ka fayday sida ay isku barteen Bulshada Somaliland iyo Faysalka Ucid ka dhigtay Engo-ga, iyadoo la wada oggaa Burburkii iyo baaba"i albaabadda usoo xidhay Xisbigii Ucid, kaddib markii uu Faysal Cali Waraabe iyo Maxkamadda Eexda ugu xukuntay, uu hana qaaday Damaciisii ahaa inuu burnuriyo Xisbigaas.
Docda kale, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hawlan inuu yidhaahdo Komisha ka hala bedelo, si doorashadu markale dib ugu dhacdo, maadaama oo aanu isaggu haba-yaraatee wax doorasho ah oo dhacdaa waxba ugu fillayn, isla markaana waxay doonistiisu ku sallaysan tahay inuu kusii shaqeysto magaca Ucid iyo hab Xisbiyeedka oo u ku hello dhaqaale  Dawladdu siso iyo sidoo kale dilaalista Mashaaricda dalka laga fuliyo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa xilligii Kaambeynka ka hadhay muddo ku siman 26-maalmood, iyadoo bilowga bisha 10-naad la bilaabayo Olloollaha, ayaa waxa la filaya inay ka hadho Ucid tartanka iyo Doorashada Madaxtooyadda ee dhacaysa 13-ka November sannaadkan 2017-ka. Waxana tartanka doorashooyinka iskugu soo hadhi doonaa labada Xisbi ee shacbiyadda taageero ka haystaa qaybaha bulshada ee Waddani iyo Kulmiye, waxanay taarikhda noqon doontaa markii u horraysay ee doorashooyinka Somaliland ay laba Xisbi oo keliya ama laba Musharrax ku tartamaan Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured