Reysal Wasaarihii-hore ee Dalka Turkiga Mr. Ahmet Daud Oglo oo Si Heersare Ah U qaabiley Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan iyo Kulan Xasaasiya oo ay wada-yeesheen...

0
Monday September 04, 2017 - 00:20:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reysal Wasaarihii-hore ee Dalka Turkiga Mr. Ahmet Daud Oglo oo Si Heersare Ah U qaabiley Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan iyo Kulan Xasaasiya oo ay wada-yeesheen...

    Reysal Wasaarihii-hore ee Dalka Turkiga Mr. Ahmet Daud Oglo oo Si Heersare Ah U qaabiley Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan iyo Kulan Xasaasiya oo ay wada-yeesheen...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reysal Wasaarihii-hore ee Dalka Turkiga Mr. Ahmet Daud Oglo oo Si Heersare Ah U qaabiley Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan iyo Kulan Xasaasiya oo ay wada-yeesheen...
Istanbuul(Xogreebnews)-Reysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Turkiga Mr. Ahmet Daud Oglo Oo Maanta Si Heersare Ah Uqaabiley Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed.
Labadan Masuul Ayaa Kawada Hadlay Xidhiidhka Udhaxeey Somaliland Iyo Dalka Turkiga. Iyo Xidhiidhka Dhaqan Dhaqaale Iyo Ganacsi. Kulmadaas Oo Ka Kala Dhacay Magaalooyinka Antaaliya Iyo Konyo Ee Dalka Turkiga.


Reysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Turkiga Mr. Ahmed Daud Oglo Oo Hadda Ka Tirsan Baarlamanka Sidoo Kale Kamid Madaxda Sare Ee Xisbul Xaakimka Waddanka Turkiga Ayaa Sheegay Inay Sii Wadayaan Taageerada Somaliland Siinayaan Ee Dhinaca Horumarka Ku Saabsan, Waxaanu Tilmaamay Inay Somaliland Ka Cawin Doonaan Kaabaysha Dhaqaalaha Ee Ugu Horeeyaan Dhinaca Wadooyinka.
Mr. Ahmed Daud Oglo Ayaa Dadweynaha Somaliland Ku Amaanay Nabad Ay Sameysteen, Xunkunka Kala Danbeynta Ku Dhisan, Dimuquriyaadiyada Ka Tisqaadey Ee Ay Ku Naaloonayaan, Iyo Hayadaha Xukuumiga Ah Ee Udhisan. Waxaanu Sheegay In Somaliland Noqotay Dawlada Isku Filnaatay Iyadoon Aduunka Taageero Iyo Ictiraaf Midna Ka Helin.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Umahadceliyey Reysal Wasaaraha Qaabilada Fiican Iyo Kulankan Uu Maanta La Yeeshay, Waxaanu Tilmaamay Inay Tusinayso Xidhiidhka Wanaagsan Ee Ka Dhaxeeya Somaliland Iyo Dalka Turkiga.
Wasiir Cali Xasan Maxamed Ayaa Umahadceliyey Dadweynaha Iyo Dawlada Turkiga Mashaariicda Dhinaca Bini Aadamtinimo Ee Ay Ka Fuliyeen Somaliland Iyo Taageeridii Ay Ka Geysteen Abaarihii Ka Dhacay Wakhtiyadii Udanbeeyey Somaliland.

Wasiirka Ayaa Ugu Danbeyn Ka Codsaday In Somaliland Ay Ka Taageeraan Dhinaca Kaabayaasha Dhaqaalaha Ay Ugu Horeysana Dhinaca Wadooyinka, Waxaanu Tilmaamay In Muhiimada Kowaad Siinayaan Sidii Maanta Somaliland Uyeelan Lahayd Wadooyin Casriya Turkiguna Taageero Kasiiyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured