Warar Is-khilaafsan oo Hadheeyey Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Joogi-taankiisa Imaaraadka

0
Sunday September 03, 2017 - 02:57:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar Is-khilaafsan oo Hadheeyey Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo Iyo Joogi-taankiisa Imaaraadka

    Hargeysa(Xogreebnews/Yool)- Warar is-khilaafsan, ayaa kasoo baxaya Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo todobaadyo booqasho ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, kuwasoo qaarkood tibaaxeen in Madaxweynaha iyo xubnaha socdaalkiisa ku weheliya ay dalka kusoo fo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews/Yool)- Warar is-khilaafsan, ayaa kasoo baxaya Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo todobaadyo booqasho ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, kuwasoo qaarkood tibaaxeen in Madaxweynaha iyo xubnaha socdaalkiisa ku weheliya ay dalka kusoo fool leeyihiin Isniinta Berri, halka qaar kalena sheegeen Madaxweynaha iyo xubnaha la socdaa inaanay maalmahan soo hadal-hayn soo laabasho dalka gudihiisa ah.

Wararkan xoggahooddu is-burinayaan oo Wargeyska Yool ka helay illo kala duwan, balse u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqa socdaalka Madaxweynaha ee Imaaraadka, waxay qaarkood xuseen inuu Madaxweynaha usoo dhamaaday ujeedadii uu ka lahaa Safarka Imaaradka Carabta oo ahayd arrin Caafimaad, isla markaana u galay qaliin fudud intii uu halkaa joogay. Sidii u hore u sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Xuseen Dayr.

Hase-yeeshee xggo kale, oo isla safarka Imaaraadka ee Madaxweynaha la xiidhadha, ayaa lagu sheegaya in Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanu hadda usoo jeedin dalka, taasna waxa illuhu ku fasirreen inay tahay mid la xidhiidha arrimihii marka horeba Madaxweynuhu u tagay Imaaraadka, oo aan weli kala miir-dillaacin.

Geesta kale, xoggaha dedeeffeynaya soo laabashadda Madaxaweynaha ee Isniinta, ayaa sheegaya in Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo wasiiro kale oo ku sugan Xajka inay maalmaha soo socda u duuli doonaan Dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Magaaladda Abu-Dubai ee u ku sugan yahay Madaxweynaha Md. Axmed Siilaanyo.

Docda kale, waxa jira Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin, hase-ahaatee maalmahan hadal-hayntooda lagu qaada-dhiggayey gobaha Bulshadu isagu timaado, iyo marfeshyada Siyaasadda lagu faaqido, kasoo sheegayey in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland Nuux Ismaacil Tani uu safar ugu baxay Imaaraadka Carabta, isla markaana uu ka dhoofay garoonka saldhiiga Mileteri ee Dawladda Imaaraadka carabta laga siiyey Magaaladda Berbera. Hase-yeeshee ma jiro War xaqiijinaya ama beeninaya socdaalka Imaaraadka ee Taliyaha iyo ujeedadiisa oo kasoo baxay Hay’addaha ku shaqadda leh ka hadalka arrimaha Ciidamada. Xigasho Wargeyska Yool

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured