Daawo Xogreeb Tv: Sheekh Aadan-Siiro Oo Farriin Culus U Diray Komiishanka, Kana Hadlay Marxaladda Kala-guurka Ah Ee Dalku Marayo

0
Saturday September 02, 2017 - 19:11:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: Sheekh Aadan-Siiro Oo Farriin Culus U Diray Komiishanka, Kana Hadlay Marxaladda Kala-guurka Ah Ee Dalku Marayo

    Hargeysa(Xogreebnews)–Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland u soo jeediyey Talooyin ku saabsan Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacaysa 13-ka bisha November ee Sannadkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)–Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland u soo jeediyey Talooyin ku saabsan Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacaysa 13-ka bisha November ee Sannadkan 2017-ka. Sheekh Aadan-Siiro oo khudbad u jeediyey Dadweyne tiro badan oo uu Salaaddii Ciidda Carrafo uu Maanta ku tukiyey Garoonka Xaafadda Xawaadle ee
Hargeysa(Xogreebnews)–Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland u soo jeediyey Talooyin ku saabsan Doorashada Madaxtooyada ee Dalka ka dhacaysa 13-ka bisha November ee Sannadkan 2017-ka. Sheekh Aadan-Siiro oo khudbad u jeediyey Dadweyne tiro badan oo uu Salaaddii Ciidda Carrafo uu Maanta ku tukiyey Garoonka Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Masiirka Ummaddu ku xidhan yahay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, sidaa darteed looga fadhiyo inay ku shaqeeyaan si Caddaalad ah, dhexna u ahaadaan Saddexda Xisbi Qaran ee Doorashada ka qayb-galaya.
Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya Ujeeddooyinka Shacabka Somaliland ula dagaalameen Dawladdii Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ayaa yidhi "Walaalayaal waad ogtihiin oo Waddanka dhib badan ayaynu u soo marnay, Hanti badan baa ku burburtay, Halgan dheer oo Dadkii aynu jeclayn Qaar badan oo ka mid ahi ku dhinteen, Qaar badana ku Lugo beeleen, Hooyooyin badan ay ku agoomoobeen, in badanna ay Daryeel la’aani ku dhacday ayaynu u soo marnay Dalkan. Wixii aynu Boqollaal Sannadood tabcaynay waxaynu u baa’biinay sababteedu waxay ahayd inaynu Hello Caddaalad, Sinnaan, wax wada lahaansho iyo Xorriyad taam ah.”
Sheekha oo khudbaddiisa sii wata ayaa farriin u diray Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland "Walaalayaal, Maanta waxaynu ku jirnaa Marxalad kala-guur oo xaasaasiya, sidaa darteed waxaanu Inta Caqliga iyo garashada leh ku waaninaynaa in Doorashadaa Maanta laga dhex ahaado. Waxaanu aad iyo aad u waaninaynaa Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxa la leeyahay Komiishanku wuu wanaagsan yahay, laakiin sidii ka muuqatay Go’aamadii ay ka soo saareen markii ay Xisbiga Muxaafidka ah iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi ololaynayeen (Xilligii Kaadh-qaadashada) Go’aamadii ay soo saareen waxba way ka shaqeyn waayeen, ummaddu taa dareen bay ka qaadatay ay leedahay haddii khilaaf yimaaddo, haddii wax iswaydaarini timaaddo aad bay u dhaliilayaan Komiishanka, markaa waxaanu leenahay Komiishanka Maanta idinkaa Dalka bedbaadinaya, Maanta Ummadda Taladeedu idinka ayay idinku xidhan tahay, Waayo? Hay’adda kala saaraysa Ummaddu waa idinka (Komiishanka Doorashooyinka), waxaanu idinku waaninaynaa Caddaalad, waxaanu idinku waaninaynaa inaad Xisbiyada Dhex u ahaataan, waxaanu idinku waaninaynaa inaad Sanaaduuqda Doorashada ilaalisaan, in Muraaqibiintu dhex u ahaadaan Xisbiyada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Rasuulka (CSW) oo Ummadda Muslimiinta la hadlaya ayaa yidhi, ma idiin sheegaa Dambiyada ugu waaweyn, waa ILAAHAY oo wax lala wadaajiyo, Waalidka oo Caaq lagu noqdo iyo hadalka Been-Abuurka ah. Sheekha Al-imaamu Qardaawina wuxuu yidhi Been-abuurad la sameeyo waxa ugu weyn iyadoo la been-Abuuro Dadku waxay ku kala baxayaan. Sidaa darteed waxaanu Komiishanka iyo Muraaqibiinta ku waaninaynaa in Arrintaa la ilaaliyo, si Caddaalad loogu kala baxo. ILAAHAY Doorashadaa si Nabadgalyo ah ha innagu dhaafiyo, waxaanuna leenahay si Caddaalad ah haku dhacdo.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Dhulka Laynka Booliiska Hargeysa oo uu sheegay in Ganacsato doonayaan inay la wareegaan "Waxaanu Dawladda kula talinaynaa Muddada Saddexda Bilood ah ee u hadhay inay ilaaliyaan Dhulka yar ee Hadhay ee Kooban. Waxaanu ka hadlaynaa Laynka Booliiska (Xaafadda Laynka Booliiska Hargeysa), imika waxa ku hawlan Dad ka tirsan Xukuumadda iyo Dad Ganacsato ah oo horeba wixii Ummaddu lahayd wax badan ka qaatay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu talooyin u soo jeediyey Dawladda dhexe iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa "Xukuumadda dhexe iyo Dawladda hoose oo Maayarku Hoggaaminayo waxaanu kula talinaynaa Waar Meeshaa (Laynka Booliska) Booliiska iyo Dad kale ee Masaakiinta ah ee ku nool mid walba waxaynu u dhisi doonaa Gurigiisa, ee waxaanu kula talinaynaa in Meeshaa Basaska lagu xereeyo iyo in laga dhigo Meel la dhigto Baabuurta Suuqa ku socota oo Saacaddii Qofka laga qaado Kun Shilin, Dakhli badan baa Dawladda ka soo geli doona, Baabuurta Suuqa Wareerisayna waynu kaga raysan, haddaydaan sidaa yeelayn hala siiyo Jaamacadda Hargeysa, maaddaama oo Jaamacadda Hargeysa tahay ta keliya ee Ummaddu leedahay, oo ha noqoto Qaybta labaad ee Jaamacaddu leedahay, haddaydaan taa yeelayn Qaybtii labaad ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa ha laga dhiso.”
Ugu Dambayn, Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Ganacsatada kula taliyey inay ka waatoobaan Dhulka Danta Guud "Qolada Ganacsatada ah waxaanu leenahay Walaalayaal Xoolihiina ha ku dhibina Dadka Muslimiinta ah, wax kugu kelifaya inaad qaadato inta yar ee Ummadda ka dhaxaysaa ma jirto, markaa waxaanu leenahay Ganacsatada ILAAHAY ka yaaba oo intaa yar (Laynka Booliiska) u daaya Dadka Muslimiinta ah.”ayuu yidhi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured