Ku-simmaha Madaxweynaha Md. Saylici oo Awooddii Qaranka Kula Dagaalamay Ardaagii Daahir Riyaale…Hibbaddii Guriga ee Madaxweyne Siilaanyo + Hinnaasaha Saylici ee Bixinta Dhulka + Hal-adayga Shiine ee Sharciga Iyo Hayb-sooca Ganacsadaha

0
Tuesday August 29, 2017 - 00:18:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-simmaha Madaxweynaha Md. Saylici oo Awooddii Qaranka Kula Dagaalamay Ardaagii Daahir Riyaale…Hibbaddii Guriga ee Madaxweyne Siilaanyo + Hinnaasaha Saylici ee Bixinta Dhulka + Hal-adayga Shiine ee Sharciga Iyo Hayb-sooca Ganacsadaha

    Ku-simmaha Madaxweynaha Md. Saylici oo Awooddii Qaranka Kula Dagaalamay Ardaagii Daahir Riyaale…Hibbaddii Guriga ee Madaxweyne Siilaanyo + Hinnaasaha Saylici ee Bixinta Dhulka + Hal-adayga Shiine ee Sharciga Iyo Hayb-sooca Ganacsadaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simmaha Madaxweynaha Md. Saylici oo Awooddii Qaranka Kula Dagaalamay Ardaagii Daahir Riyaale…Hibbaddii Guriga ee Madaxweyne Siilaanyo + Hinnaasaha Saylici ee Bixinta Dhulka + Hal-adayga Shiine ee Sharciga Iyo Hayb-sooca Ganacsadaha

Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna ku simmaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi Saylici, ayaa hakiyey hawlaha shaqo ee u dawladda dhexe u hayey Gudoomiyaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Musfate Shiine), isla markaana badhasaabka farray bedelkiisa inuu hawlihii uu gobolka u ku wareejiyo Gudoomiye-ku-xigeenka gobolka Awdal.

Md. Saylici ayaa qoraalka shaqo ka joojinta ee u diray badhasaabka gobolka Awdal, waxa shaqo ka joojinta badhasaabka uu ku sabbabeeyey inuu ku kacay khaladaad badan oo anu madaxweyne ku-xiggeenku saaffin kuwa ay yihiin, hase-yeeshee sida qoraalka ku cad keliffay inay lummiyaan kalsoonidii dawladda iyo ka dhaxaysay gobolka, iyo sidoo kale, inuu badhasaabku ka leexday Siyaasaddii Xukuumadda, wallow arrinkaa laftiisa Madaxweyne ku xiggeenku qoraalkiisa aanu ku qeyixin kuwa ay yihiin siyaasaddaha Xukuumadda ee badhasaabku dhabbahooda ka leexday.

Waxa kaloo, kamid ah arrimaha Madaxweyne ku-xigeenku u cuskaday shaqo ka joojinta Badhasaabka inuu faro-geliyey arrimo dhul, balse qoraalku ma sheegin dhulka uu faro-geliyey, halka iyo nooca uu yahay, Madaaxweyne ku-xigeenku waxa uu intaa raaciyey maqnaansho gobolka intaa badan badhasaabku ka maqan yahay oo cabashooyiin badani uga yimmaadeen. Sidaa awgeed Md. Saylici uu shaqadda uga joojiyey, isaggoo qiimmeynayaa waqtiga lagu jiro oo u ku tilmaamay mid xasaasi.

Geesta kale, Badhasaabka gobolka Awdal Musfate Shiine oo Wargeyska Yool la xidhiidhay Xalay si arrinka wax looga waydiiyo, ayaa ka gaabsadday inuu faah-faahin ka bixiyo go’aanka uu madaxweyne ku xigeenku shaqadda kaga joojiyey, inkastoo mar wargeysku su’aalay Madaxweyne ku xiggeenku inuu awood sharci u leeyahay go’aanka shaqadda lagaga joojiyey, waxa uu iftiimiyey in shaqo ka joojinta sharcigu u fasaxayo, intaa madaxweynuhu dalka kusoo laabanayo.

Faaqidaad.

Inkastoo Madaxweyne ku-xigeenada Somaliland soo maray intooda badan aanay ceebtooda ahayn ee cadadooda tahay inay awooddooda maamul ee Qaranku u dhiibtay mar walbaa iskugu geeyan gobolka uu kasoo jeeddo, isla markaana aanay ogolleyn in cid kale u gacan dhaafto, xataa madaxweynaha hadday tahay, balse haddana Md. Cabdiraxmaan Saylici oo hadda xilkiisa iyo kii Madaxweynahaba haya, ayaa lagu xantaa inuu kaga duwan yahay dhigiisii jagadda uu hadda hayo uga horeeyey inuu qolo-qolo u kula qaad-qaado dadka deegaanka gobolka awdal, oo mararka qaar hoos uu u gaadho Ardaagiisa hoose, halka had iyo goorna lagu eedeeyo inuu nidaamka dawladnimo kala daggaalamo inay usoo dhowaadan ama waxay xaq ugu leeyihiin hellaan uu u tirinayo inay deegaanka kasoo wada jeedan Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin.

Haddaba arrintan hadda ee shaqo ka joojinta Badhasaabka gobolka Awdal, ayaa laftigeeda waxa lagu xidhiidhinayaa inay qayb ka tahay dhaqamadda kala socoa iyo kala jeclaysiga ee lagu dhaliilo Siyaasadda Madaxweyne ku-xigeenka ee ku wajahan gobolka Awdal, siday Wargeyska Yool u sheegeen dad u dhuun-daloola arrimaha gobolka Awdal, ayaa tibaaxay in amarka madaxweyne ku-xiggeenku shaqadda kaga joojiyey badhasaabka gobolka awdal uu salka ku hayo Guri Dawladdu leedahay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo siiyey muwaadin reer Somaliland oo gobolka awdal kasoo jeedda, laguna Magacaabo Cabdi Xasan tukaale oo ah Nin gancsade ah.

Arrintaasoo Madaxweyne ku-xiggeenku liqi-waayey markii Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqaaqay tallaabadaas siinta ah, hase-ahaatee Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saylici, ayaa sidda illuhu xuseen markii xilka ku simmaha madaxweynaha u qabtay, waxa u qoraal u diray badhasaabka gobolka Awdal, kaasoo u badhasaabka uu ku farayey inuu deggo oo u guuro Gurigaas Madaxweyne Siilaanyo siiyey ganacsadaha, Gurigaas oo ah aqalkii badhasaabka Gobolku lahaa ka hor intii Madaxweyne Siilaanyo aanu bixin, hase-yeeshee Badhasaabka Gobolka Awdal Guriga waxa uu ka guuray markii la bixiyey kaddib, qoraalka Madaxweyne ku xigeenkana waxa uu kaga fal-celiyey in aanu jirin sharci u bannaynayaa dib ugu laabashadda Guriga, maadaama Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland digreeto madaxweyne ku siiyey muwaadin, sidaasna Gurigu kaga mid noqday Hantida gaarka u ah ee Muwaadinkaasi leeyahay.

Si kastaba ha haatee, sharcigu iyaddoo u madaxweyne ku xiggeenka u fasaxaayo inuu shaqada ka joojin karo masuuliyiinta qaranka ee u arko Siyaasaddiisa, intaa madaxweynuhuu xaqa u laha magacaabista iyo erigga masuuliyiinta uu dalka kusoo laabanayo, haddana waxa faddeexad qaran ah, isla markaana cay ku ah caqliyadda bulshada in Nin qaranka u haya xil intaa le’eg oo heer madaxweyne gaadhsiisan inay sheekaddiisu ka dhamaan waydo ficil-tanka ardaayadda yar-yar ee Beeshiisa, ileyn waa Nin mar labaad umadda Cod ka doonayee, halkii la reebbay inuu noqdo Nin, oo weliba Maanta baahan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured