Kastamka Berbera oo Qasnadduhu is-garaaceen iyo ka Saylac oo Dhiisha-dhaansi Galay…DP World oo Luqday Adeeggii Dekedda iyo Wasiir Samsam Maarayn Kari-wayday Dhaqaale Gariirka Dalka

0
Tuesday August 29, 2017 - 00:11:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kastamka Berbera oo Qasnadduhu is-garaaceen iyo ka Saylac oo Dhiisha-dhaansi Galay…DP World oo Luqday Adeeggii Dekedda iyo Wasiir Samsam Maarayn Kari-wayday Dhaqaale Gariirka Dalka

    Kastamka Berbera oo Qasnadduhu is-garaaceen iyo ka Saylac oo Dhiisha-dhaansi Galay…DP World oo Luqday Adeeggii Dekedda iyo Wasiir Samsam Maarayn Kari-wayday Dhaqaale Gariirka Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kastamka Berbera oo Qasnadduhu is-garaaceen iyo ka Saylac oo Dhiisha-dhaansi Galay…DP World oo Luqday Adeeggii Dekedda iyo Wasiir Samsam Maarayn Kari-wayday Dhaqaale Gariirka Dalka

Berbera(Xogreebnews)- Dakhliga maalin-laha ah ee kasoo xeroon jiray Kastamka Magaaladda Berbera, ayaa dhulka-galay, isla markaana hoos-u-gaadhay saddex-daloolkiiba hal intii markii hore soo geli jirtay, kaddib markii uu xummaadday adeegga dejinta baddeecaddaha ee Dekedda Berbera, sidoo kalena ay ka hayaameen ganacsataddii xidhiidhka la lahaa Marsadda Berbera.

Baadhitaan shabakadda Xogreebnews ku sameeyey, waxay daboolka ka qaaday in dakhliga maalin-laha ah ee usoo xeroon jiray Kastamka Magaaladda Berbera ka hor intii aan Shirkadda DP World Xukuumadda Somaliland ku wareejinta maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera uu ahaa 3,Bilyan oo Shilinka Somaliland ah, halka sida baadhitaanka arrinkani caddeeyey dakhliga maalin-laha ah ee hadda usoo xerooda Kastamka Berbera uu yahay 700, Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Geesta kale, u kuur-galka arrinkan, ayaa iftiimiyey asbaabaha Saldhigga ama xudunta u ah hoos-u-dhaca weyn ee ku yimi dakhligii Kastamka Berbera kusoo xeroon jiray, waxana arrimaha mashaqadan sababta u ahi kamid ah Shirkadda DP World oo ku fashilantay adeegga soo dejinta Baddeecadaha oo si weyn hoos ugu dhacay, kaddib markii uu khal-khal galay xidhiidhkii wada-shaqeynayd ee ka dhexeeyey Maamulka Shirkadda Dp World Berbera iyo madaxda Shirkaddaha Muruq-maalka Dekedda, taasoo sababtay inuu hakad ku yimaado oo u seer-seer ku dhaco hawsha shaqaalaha badeecaddaha kasoo dejiya Maraakiibta iyo Doon-yaha Marsada kusoo xidha.

Teeda kale, sababaha jilbaha dhulka u dhiggay dakhliga Kastamka Magaaladda Berbera, waxa kaloo, kamid ah Ganacsataddii badeecaddaha kala soo deggi jirtay oo u guuray ama u wareegay Dekeddaha kale ee gobolka ku yaala, sida Dekeddaha Dalka Jabuuti iyo dekedda Boosaaso ee Maamul gobolleedka Soomaaliyeed punthland, arrintaasoo sida Baadhitaanka Wargeysku xaqiiqsadday sababtay inuu kor-u-kac ku yimaaddo dakhliga Kastamka Saylac, oo marka la is-barbar dhiggo hadda iyo ka hor uu laban-laabmay dakhliga kusoo xerooda Kastamka Magaaladda Saylac.

Kastamka cashuuraha dawladda dhexe ee Magaaladda Saylac oo kamid ah Kastamadda ugu weyn xeebta galbeedka Somaliland iyo xududka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, ayaa kor-u-kaca ku yimi dakhliga Maalin-laha ah ee usoo xerooda, waxa kaloo sabab u ah, cashuurta laga qaado baddeecaddaha 25%, aan cashuur laga qaadin, arrintaa cashuur dhimista oo ah mashruuc Wasaaradda Maaliyaddu ugu taol-gashay in kor loogu qaado isticmaalka Dekeddaha yar-yar ee dalka, sidaas awgeed baddeecaddaha dekeddahaa yar-yar kasoo degga loo siiyey cashuur dhaaf 25% gaadhaya.

Dhanka kale, Baddeecaddaha kasoo degga Dekedda Maamul-gobolleedka Punthland Somaliya ee Boosaaso, ayaa iyanna Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxay kusoo gaadhan dariiqooyin kala duwan. Tusaale ahaan baddeecaddaha kasoo degga Dekedda Boosaaso ee laga leeyahay Somaliland qaarkood, ayaa soo maraa dhinaca Hawdka Somaliland, kaddibna sidaas kusoo gaadha Magaalooyinka waaweyn, iyagoo aan bixin cashuurihii laga qaadi jiray kolka ay baddeecadduhu uga soo deggaan Dekedda Berbera, taasina waxay noqotay mushkilad kale oo iyanna khalkhal gelisay Sayladdaha Ganacsiga Somaliland, kuwasoo kolkooddii horeba la ciir-ciiraayey Sixir-barar aan ciddina maareyntiisa isku hawlin, sidoo kale cashuuraha takaalifta oo marba marka dambaysaa Wasaaradda Maaliyaddu cirka ku sii laalayso.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo isaggu ku takhaakhusay Cilmiga dhaqaalaha, ayaa bad-gariirkan dhaqaale ee Xukuumadiisa aaffeeyey, wax aka dhashay is-waydiimo faro-badan oo dadka madaxweynaha aqoonta durugsan u lihii ay Maskaxdooda ka daadeggi wayday in Sixir-barar iyo Musuq-maasuq aaffeeyo Xukuumad uu gadh-wadeen ka yahay Md. Axmed Siilaanyo. Si kastaba xaal ha u dhaccee, waxaan shaki iyo muran bulshada kaga jirin inay jiraan arrimo qarsoon oo saldhig u ah mushaakilka dhaqaale ee dalka farraha bas ku haya, oo sida la tuhun-san yahay qaybta ugu weyn ay ja tahay xaaladdaha hadda taagan Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyaddu arrimo badan oo marka si loo eeggo aan wanaagsanayn ku talaabsatay mudadii ay joogtay Wasaaradda Maaliyadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured