Guddida Toronto ee Xisbiga Kulmiye oo Soo Saaray War-murtiyeed Xasaasi ah oo Nuxur Weyn Xambaarsan, Laguna Socod-siiyey Taageerayaasha iyo Xubnaha Kulmiye

0
Monday August 28, 2017 - 04:55:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Toronto ee Xisbiga Kulmiye oo Soo Saaray War-murtiyeed Xasaasi ah oo Nuxur Weyn Xambaarsan, Laguna Socod-siiyey Taageerayaasha iyo Xubnaha Kulmiye

    Guddida Toronto ee Xisbiga Kulmiye oo Soo Saaray War-murtiyeed Xasaasi ah oo Nuxur Weyn Xambaarsan, Laguna Socod-siiyey Taageerayaasha iyo Xubnaha Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Toronto ee Xisbiga Kulmiye oo Soo Saaray War-murtiyeed Xasaasi ah oo Nuxur Weyn Xambaarsan, Laguna Socod-siiyey Taageerayaasha iyo Xubnaha Kulmiye
Toronto(Xogreebnews)- Guddida Toronto ee Xisbiga Kulmiye, War-Murtiyeed wada-jir ah: Tarikh, 28/8/2017-ka. 
Ugu horrayn Guddida iyo maamulka cusub ee Xisbiga Kulmiye ee Toronto iyo nawaaxigeedu, waxay halkan idinku soo gudbinayaan Fariin guud oo ku wada-socota dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, Jaaliyadda Somaliland iyo xubnaha Xisbiga Kulmiye,  waxanaanu Walaalayaal, Saaxibayaal Mudane iyo Marwo idinku war-gelinaynaa in la laban-laabay hawlaha shaqo ee Xisbiga, maadaama oo u kaabiga inaggu soo hayo xilligii Doorashadda aqalka Madaxtooyadda Somaliland loo asteeyey, oo ah 13-ka November 2017-ka. 
Sidaas daraadeed waxanu ka codsanaynaa dhamaan xubnaha Xisbiga Kulmiye iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, inay gacmaha is-wada-qabsadaan, isla markaana u middooban guusha Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena si habsami ah looga wada qayb-qaato dakhli ururinta Xisbiga oo jeebka gacanta la wada-geliyo, loona huro Xisbiga maal iyo muruq, iyadoo mudadu gaaban tahay, haddana waqtigaa yar ee hadhay waa in  dhexda loo wada xidhaa guusha iyo himiladeena guud ee guusha Musharraxeena Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi.


Guddida wada-jir usoo saartay War-murtiyeedkan iyo Magacyadooda.

1: Yaasin Cabdi Xasan Gudoomiye 
2: Shucayb Cabdilaahi Xuseen Guddomiye ku xigeenka kowaad
3: Ibtisam Jaamac gudoomiye ku xigeenka labaad
4: Filsan Cabdiraxman  Gudoomiyaha garabka Haweenka
5: Khaalid Cabdiraxman Muxumud Xoghayaha Guud
6: Axmed  Ibraahim Dhegeweyne xoghayaha Dhaqaalaha


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured