Faallo: Doodda Wasiirka Duulistu Waa Dunuub Laga Galay Dawladnimada Somaliland "Waa in Wasiir Farxaan raaligelin ka bixiyo khaladaadka isbarkan ee uu ku talaabsaday". W/Q Axmed Maxamed.

0
Sunday August 27, 2017 - 20:14:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Doodda Wasiirka Duulistu Waa Dunuub Laga Galay Dawladnimada Somaliland "Waa in Wasiir Farxaan raaligelin ka bixiyo khaladaadka isbarkan ee uu ku talaabsaday". W/Q Axmed Maxamed.

    Faallo: Doodda Wasiirka Duulistu Waa Dunuub Laga Galay Dawladnimada Somaliland "Waa in Wasiir Farxaan raaligelin ka bixiyo khaladaadka isbarkan ee uu ku talaabsaday". W/Q Axmed Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo: Doodda Wasiirka Duulistu Waa Dunuub Laga Galay Dawladnimada Somaliland "Waa in Wasiir Farxaan raaligelin ka bixiyo khaladaadka isbarkan ee uu ku talaabsaday". W/Q Axmed Maxamed.
"Waxaa looga baahan yahay Wasiir Farxaan inuu dareemo masuuliyada culus ee saaran oo aanu iska dhigin sidii wakiil shirkad diyaaradeed”
"Waxa mudan in lagu hambalyeeyo waddaniyadiisa Wasiir Cali Mareexaan oo taageero weyn ku hantay fadeexadii ka dhacday Madaarka Hargeysa”

Hargeysa- Waxa subaxnimadii  Jimcihii  la soo dhaafay, ka dhacday madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa, dhacdo saameyn wayn yeelatay oo soo jiidatey dadweynaha iyo warbaahintaba, taasi oo la xidhiidhay gabadh muwaadinad ah oo lammaan oo xoog lagaga soo rogay diyaaradda Flydubia, waxaanay dhacdadani ummada u soo bandhigtay damiirka iyo masuuliyada laba wasiir oo xukuumadda ka wada tirsan oo arrintan ku lug yeeshay oo kala ahaa Wasiirka Duulista iyo hawadda Farxaan Aadan Haybe iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan). 
Tallaabada diyaaradii ay saarnayd looga reebay gabadhan isa-sidatay ee muwaadinadda ah oo  u safraysay Imaaraadka Carabtu, waxay dhacday, markii ay kursigii tigidhka loogu jaray ay u beddeshay qof kale maadaama oo ay ilmo yar sidato oo ay suurtogal tahay inay suuliga geyso oo ay kacdo inta diyaaradu hawadda ku jirto. Kursi beddelkaas waxa ka biyo diiday shaqaalihii diyaaradda oo gabadhaasi amray inay fadhiisato kursigii loogu talogalay, kadibna waxaa ka dhex dhashay haweenaydii iyo hawlwadeennadii diyaarada xoogaa dood ah oo markii dambe dhalisay inay  shaqaalihii diyaaradu sanifeen gabadha oo ay duuliyihii diyaarada gaadhsiiyeen war la buunbuuniyey oo ah in ay gabadhani dagaalansan tahay oo ay diiday inay fadhiisato kursigeedii, waxaanu duuliyihii oo qancinaya shaqaalihiisa uu go’aansaday in gabadhan laga dejiyo diyaaradda.
Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan oo ka mid ahaa rakaabkii diyaarada  oo dhegihiisa ku maqlayey cabashada gabadha iyo go’aanka naxariis darrada ah ee shaqaalaha FlyDubia, ayaa isku dayey inuu waan-waan ka dhex dhaliyo gabadha iyo  shaqaalaha diyaaradda, waxaannu u socday inuu horfadhiisto duuliyihii diyaarada oo  ugu dambyn ka diiday in gabadhan lammaan kursiga ay fadhiisatay loo daayo.  Waxa kale oo Wasiirku telefoon kula hadlay Wasiirka Duulista oo maqnaa, waxaannu wasiir Farxaan la soo hadlay duuliyihii diyaarada oo uu isaga laftiisu qiray in duuliyihii ka diiday in gabadha loo daayo kursiga ay eexaysatay. 
Xaaladdu markii ay halkaas maraysay, waxaa Wasiirka Duulistu sheegay inuu haddana isagu bixiyey amarkii lagaga soo rogay diyaarada, gabadhan muwaadinnada ah oo uu gef ka galay, kuna tilmaamay mid dagaalansan oo ammaanka diyaarada looga baqay.
Tallaabadaas bahdilka ku ah muwaadinadaasi waxay sababtay in Wasiir Cali Marreexaan uu ka soo dego diyaaradda oo sida uu bartiisa Facebook ku baahiyey uu u qaadan kari waayey tacadiga intaas leeg.
Waxaa fadeexadan sii murgiyey Wasiirka Duulista oo isla maalintaasi shirjaraa’id qabtay oo hadalkiisu u muuqday mid aan xaalaynaynin duruufta rakaabka, waxaanay doodiisu u muuqatay inuu yahay afhayeenkii diyaaradda FlyDubia oo kale. Waxa gabadhan la dhibaateeyay uu ku misaalay sidii qof dambi culus geysatay. Waxa kale oo nasiib darro ahayd oo uu ku dooday inaanu garanaynin sababta uu Wasiirka Hawlaha Guud uga soo degay diyaaradaas ee uu ugu doodayo gabadhan.
Wasiirka Duulistu waxa uu muujiyey masuuliyad darro weyn, waxaanu dambi aanay lahayn dusha ka saaray gabadhan dhibanaha ah ee   sabab la maareyn karayey looga dejiyey diyaaradii ay maalmaha sugaysey.
Dadweynaha Somaliland ayaa baraha bulshada iyo warbaahinta kaga dooday dhacdadan, waxaanay la yaabeen tacadiga intaas leeg ee gabadhan lagu sameeyay. Waxayse ku iloobeen go’aankii waddaniyada ahaa ee Wasiir Cali Mareexan kaga degay diyaaradan gabadhan darteed. Waxaanay ku sifeeyeen inuu muujiyey dadnimo iyo  daljirnimo, maadaama oo gaboodfalka lagu sameeyey gabadhan aanu garanayn ee uu darteed uga dhaadhacay diyaarada.
Wasiir Farxaan waxay ahayd haddii uu hadal gocday  inuu isagu mar kale warbaahinta la hadlo, hase ahaatee waxa qadaf kale noqotay inuu soo fadhiisiyey maamulaha madaarka Hargeysa, Maxamed Yuusuf, oo si milgaha dawladnimo ka baxsan u cambaareeyey Wasiirka Hawlaha guud oo uu ku dooday inuu farogelin ku hayo shaqadii wasaaradooda.
Hadalka ka soo yeedhay maamule Maxamed Yuusuf, waxa uu sharaftii ka  sii qaaday wasiirkiisii soo igmaday, iyada oo la is weydiinayey wasiirka duulistu miyuu waayay inuu ka soo dhex hadlo wasiirul-dawlaha iyo wasiir ku-xigeenkiisa ee uu u baxarka u gelinayaa inankan shaqaalaha ah.
Ugu dambayn. Waxaa loo baahan yahay in Wasiir Farxaan raaligelin ka bixiyo khaladaadkan isbarkan ee uu ku talaabsaday. Waxaana looga baahan yahay inuu dareemo masuuliyada culus ee saaran oo aanu iska dhigin sidii wakiil shirkad diyaaradeed. Waxa isna in lagu hambalyeeyo mudan waddaniyadiisa Wasiir Cali Mareexaan oo taageero weyn ku hantay fadeexadii ka dhacday Madaarka Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured