Fadhiga Maanta + Finiinka Golaha + Fillashada Guusha + Fadh-fadha Ayaanle + Fursadda Salla-callee Iyo Filashada Hufanne

0
Sunday August 27, 2017 - 00:10:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhiga Maanta + Finiinka Golaha + Fillashada Guusha + Fadh-fadha Ayaanle + Fursadda Salla-callee Iyo Filashada Hufanne

    Hargeysa(Xogreebnews)-Fadhiga Maanta ee golaha Wakiiladda, ayaa la filayaa in lagu doorto xubinta buuxin doonta jagadda gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda, taasoo uu banneeyey Md. Baashe Maxamed Faarax, xilligii uu isu diyaarinayey ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Fadhiga Maanta ee golaha Wakiiladda, ayaa la filayaa in lagu doorto xubinta buuxin doonta jagadda gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda, taasoo uu banneeyey Md. Baashe Maxamed Faarax, xilligii uu isu diyaarinayey jagadda Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee uu hadda fadhiyo.

Hargeysa(Xogreebnews)-Fadhiga Maanta ee golaha Wakiiladda, ayaa la filayaa in lagu doorto xubinta buuxin doonta jagadda gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda, taasoo uu banneeyey Md. Baashe Maxamed Faarax, xilligii uu isu diyaarinayey jagadda Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee uu hadda fadhiyo.

Jagadda gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda, oo buuxinteeda ay ku loollamayaan labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, oo mid walbaa gaarkiisa ula sii shawrayo Xildhibaanadiisa, ayaa sida ku cad Warar Wargeyska Yool ka helay ilo u dhuun-daloola loolanka labada dhinac ee arrinkaa la xidhiidha waxay tibaaxeen in kaaderiinta iyo xildhibaanada xisbul-xaakimka Kulmiye Xalay fadhi ku yeesheen guriga Madaxweyne ku-xigeenka, waxanay Wararku intaa ku darreen in Madaxweyne ku xigeenka iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ku kala aragti duwan yihiin cidda ku haboon jagadaas, oo qolo waliba gaarkeeda u wadato cidda ay la tahay tan jagadaas ku haboon.

Tusaale ahaan sida illuhu xuseen Madaxweyne ku-xigeenka Md. Saylici iyo inta fikir wadaagta la ahi, waxay u arkaan cidda jagadaas ku haboon inuu yahay Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, dhanka kale Warar qaarkood ayaa sheegay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo dhankiisuna ay u arkaan cidda jagadaas ku haboon Xildhibaanada Xisbiga ee kasoo jeeda Beesha dhexe, wallow sida Wararka qaar sheegayaan Gudoomiye Muuse Biixi iyo garabkiisu ay ku doodayan in hadii dhankooda laga waayo cid jagadaas buuxisa oo kasoo jeeda beesha dhexe, inay taageeran kuwa ka socda dhanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee u dhashay deegaanadaas aynu soo sheegnay. Ma jirto mana muuqato xoggo iftiiminaya dedaalo tanaasul keeni karaa oo ka dhex socda dhinacyada kala awoodda badan ee bahweynta Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa.

Geesta kale, Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani laf ahaantiisa mushkiladda arrintani kuma yaraa, waxana Wararka laga helayo dadka ku dhow-dhowi tibaaxayaan inuu jiro loolan salka ku haya laba xildhibaan oo Xisbiga ah oo mid walbaa gaarkiisa damac uga hayo inuu noqdo Ninka jagadaas buuxin doona. Tusaale ahaan Md. Siciid Cilmi Rooble oo marka la eeggo aqoonta iyo waayo-aragnimada badi Xildhibaanada golaha Wakiiladda ah mudanaha ugu mudada dheer golaha Wakiiladda, ayaa sida illuhu tibaaxeen, waxa uu haystaa kalsooni ku fillan inuu jagadaas buuxiyo, maxaa yeelay waxa la saadaalinayaa inuu haysto taageero laba dhinac ah, waa mid dhanka Xisbigiisa Waddani ah iyo mid saaxiibadiisa kale ee golaha uu ka haysto, halka mudanaha ay Xisbiga yihiin ee jagada kula loolamaya uu haysto taageero dhanka Xisbiga oo keliya ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa noqonaysaa arrin xiisaheeda leh marka fadhiga golaha ee maanta cidda guushu raacdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured