Madaxweyne Ku-xigeenkii hore oo Ka Hadlay Cidda lahayd Talada Xallinta Khilaafkii G/Wakiillada, Fashilka DP World & Dayaca Xukuumadda

0
Saturday August 26, 2017 - 18:18:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenkii hore oo Ka Hadlay Cidda lahayd Talada Xallinta Khilaafkii G/Wakiillada, Fashilka DP World & Dayaca Xukuumadda

    Madaxweyne Ku-xigeenkii hore oo Ka Hadlay Cidda lahayd Talada Xallinta Khilaafkii G/Wakiillada, Fashilka DP World & Dayaca Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore oo Ka Hadlay Cidda lahayd Talada Xallinta Khilaafkii G/Wakiillada, Fashilka DP World & Dayaca Xukuumadda

Hargeysa(Xogreebnews):- Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay qaabka loo soo afjaray Khilaafkii Golaha Wakiillada labada Garab u qaybiyey ka dib doorashadii Guddoomiyaha ee Lixdii Bishan ay Talyanle iyo Baashe ku tartameen, isla markaana natiijadii codaynta la isku khilaafay, waxaanu sheegay inay isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii ka sii horreeyey ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax talada khilaafkaas lagu soo afjaray Baashe siiyeen, isaguna uu aqbalay.

Waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin hambalyo u diray Guddoomiyihii hore ee Golahaas Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo Baashe uga tanaasulay Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee khilaafku ka taagnaa, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani, Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi iyo Xildhibaannadii Garabka Talyanle ee ka wada qayb-qaatay soo afjaridda Khilaafkaas iyo Tanaasulka Talyanle Muujiyey.

Mudane Yaasiin, waxa uu sheegay inuu ka xumaaday inay Xukuumadda talada haysaa dhex-gasho ama farogeliso arrinta Golaha Wakiillada, isla markaana aanay dhex-dhexaad ka noqon ee ay dhinac noqoto. Waxa kale oo uu ka hadlay fadhiidnimada ka soo ifbaxday Shirkadda Maamulka Dekedda Berbera horraantii sannadkan lagu wareejiyey ee DP World oo intii ay Dekedda gacanta ku haysay hoos-u-dhac ku yimi hawlihii shaqo ee Dekedda iyo adeegyadii ay Dekedda ka heli jireen Ganacsatada wax dhoofsata, waxna la soo dega ee Somaliland, kuwaasoo cabashooyin ka muujiyey hawlaha Shaqo ee Dekedda.

Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland waxa uu arrimahaas iyo kuwo kale iyo talooyin uu soo jeediyey-ba kaga hadlay, Waraysi uu Maanta Hargeysa ku siiyey Warbaahinta qaarkeed, waxaannu Waraysigaasi siduu u dhacay, Su’aalaha lagu weydiiyey iyo Jawaabaha uu ka bixiyey-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured