KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad loo Sameeyey Urur ay ku Bahoobeen Taageerayaal Xisbigu Leeyahay

0
Wednesday August 23, 2017 - 19:45:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad loo Sameeyey Urur ay ku Bahoobeen Taageerayaal Xisbigu Leeyahay

    KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad loo Sameeyey Urur ay ku Bahoobeen Taageerayaal Xisbigu Leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KULMIYE oo ka Qaybgalay Xaflad loo Sameeyey Urur ay ku Bahoobeen Taageerayaal Xisbigu Leeyahay
Hargeysa (Xogreebnews)- Xubno ka mid ah hoggaanka sare iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay xaflad ay qabsadeen taageerayaal xisbigu leeyahay oo ku bahoobay urur la yidhaa Cudud iyo Cod oo ka dhacday huteelka Crown ee magaalada Hargeysa maanta.
Madasha ay isku muujinayeen taageerayaashan xisbiga KULMIYE oo ah kuwo iyagu iskood isku abaabulay, isla markaana u heellan sidii xisbigu mar kale ugu guulaysan lahaa talada dalka, waxa ka qaybgalay inta badan xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga, wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbul-xaakimka iyo taageerayaal badan oo rag iyo dumarba isugu jira oo ku bahoobay urur ay ula baxeen CUDUD iyo COD.
Xubno ku hadlayey magaca ururkan taageerayaasha KULMIYE oo khudbado ka jeediyey madasha ayaa sheegay in ay ku midoobeen sidii ay cududooda, codkooda iyo caqligoodaba ugu hiilin lahaayeen xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ku tilmaameen inuu yahay murrashaxa keliya ee waqtigan lagu aamini karo inuu hoggaamiyo qaranka Somaliland.
Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin; Xoghayaha Guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee heer qaran Marwo Canab Cumar Ileeye, Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo wasiirrada Wasaaradaha Caddaaladda iyo Warshadaha – Md. Axmed Faarax Cadarre iyo Shucayb Maxamed Muuse, ayaa khudbado ay ka jeediyeen xafladda waxay ku bogaadiyeen is-abaabulka iyo dadaalka ay wadaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, gaar ahaan kuwan ku midoobay ururka Cudud iyo Cod.
Ugu dambayn, Guddoomiye-ku-xigeennada kowaad iyo labaad ee KULMIYE – Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi-dheere, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabada ay sameeyeen taageerayaashan ku midoobay ururka si ay uga midho-dhaliyaan dadaalkooda si xisbigu mar kale ugu guulaysto talada waddanka, waxaanay sheegeen in xisbiga KULMIYE oo marba marka ka dambaysa ay ku soo badanayaan taageerayaashiisa oo si xawli ah ugu soo qulqulaya, taasina tahay siyaasadda xisbigu ku socdo ee guunka ah iyo waxqabadka ballaadhan ee uu hirgeliyey muddada uu xilka dalka hayey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured