Xogo Daah-furay Damaca Qarsoon ee Imaaraadku ka leeyahay Saldhigga Berbera

0
Tuesday August 22, 2017 - 07:33:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Daah-furay Damaca Qarsoon ee Imaaraadku ka leeyahay Saldhigga Berbera

    Xogo Daah-furay Damaca Qarsoon ee Imaaraadku ka leeyahay Saldhigga Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Daah-furay Damaca Qarsoon ee Imaaraadku ka leeyahay Saldhigga Berbera
Hargeysa(Xogreebnews/Yool)- Xoggo Wargeyska Yool helay, ayaa iftiimiyey in Dawladda Imaaraadka Carabtu Saldhigga Berbera ka leedahay dano iyo Istaraajiyaddo ku qotoma wax ka duwan arrimihii Xukuumaddu ugu fasishay Bulshada damaca Imaaraadka ee Saldhigga Berbera, isla markaana Dawladda Imaaraadku ku talo jirto in mustaqbalka Saldhigga Berbera ay ka dhigato qaaciidad Mileteri, oo iyaddu qayb ka noqota awooddaha ka jira mandaqadda geeska Africa ee ku loollamaya gacanku haynta marin-biyoodka badda caas ee Baabul-mandab.
Xoggahan oo Wargeyska Yool ka helay diblumaasiyiin ku sugan bariga dhexe ee u dhuun-daloola istaraajiyaddaha Mileteri ee ku aadan geeska africa, ayaa tibaaxay in dawlada Imaaraadku, hadda ku hawlan tahay sidii ay u dedejin lahayn hawlaha ku aadan qaabkii ay u gudo-geli lahayd shaqooyinka kaga aadan dhankeeda si Saldhigga Berbera degdeg u hawlgalo. Waxa kaloo, illaha Wararkan aanu ka helay daah-furreen horraanta sannaadka 2018-ka ee soo socda lagu wado in Saldhigga Berbera ay soo gaadhan Ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 30,000 sodon kun oo Askari, kuwasoo sida la sheegay iskugu jira cutubyo ka kala tirsan Ciidamadda Badda, kuwa Lugta iyo sidoo kale kuwa Cirka oo iyaggu usii kala baxa duuliyayaasha Diyaaraddaha dagaalka iyo kuwa sahanka, iyo weliba haggayaasha diyaaraddaha iyo qaybta dayac-tirka diyaaraddaha.
Geesta kale, waxa xoggahani markii u horraysay fasiraad ka bixiyeen arrimaha lagu xidhiidhinayo inay sabab u yihiin in Dawladda Imaaraadka Carabtu meel ka baxsan cidda wadankeeda ay ka hirgeliso qaaciido Mileteri oo baaxad leh, arrinkaasna waxa xogguhu ku fasireen inuu salka ku hayo laba ujeedo, oo midi tahay dagaalka biyaha Webigga Niilka ee ka dhexeeya Dawladaha Masar iyo Itoobiya, waxa kaloo qodobkaa raaca in dawladda Imaaraadka, oo iyaddu aan lahayn Istaaraajiyad ciidan oo ka baxsan dalkeeda ay hawshan u fulinayso sidii biyaha gacanka cad-meed looga ilaalin lahaa Dawladda IIRAAN ee loolanka weyni ka dhexeeyo isbahaysiga dawladaha carbeed ee Suunigga ah.
Qodobka labaad ayaa isna waxa xogguhuu ku fasireen in waxyaabaha dawlada Imaaraadka ku khasbay Saldhigga Berbera uu yahay in lagu ilaaliyo midnimada Somaliland iyo Somaliya, arrinka kala go’a Somaliland iyo Somaliya oo dawladaha carabtu u arkaan mid khatar ku ah Mustaqbalka Dawladda Masar, hadii ay isku dhacan dawladda Itoobiya.
Sidoo kale, waxa Wararka amuurtan la xidhiidha shaaca ka qaadeen in dawladda Imaaraadku dejisay shax si cad u tilmaamaysa baaxadda dhulka uu yeelan doono Saldhigga Mileteri, kaasoo sida la sheegay dhinaca Dhulka jiho walbaa gaadhi doona dhul baaxaaddiisa lagu qiyaasay ku dhowaad 30-KM iyo wax ka badan, xadiga baaxadda dhulka intaa le’eg waxa gebi-ahaanba u bedeli doonaa dhulka Magaaladda Berbera, sida Istabta ama Kaantaroolka galbeed looga soo baxa Hargeysa, oo sida xoggahani tibaaxeen laga rari doono jihadda u hadda dhaco, waxana sida la sheegay laga yaaba in jidka gala Magaaladda Berbera kor loogu raari doono, dhanka Koon-fureed ee Buuraleyda.
Heshiiska Saldhigga Mileteri ee Dawladda Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta, ayaa sida la sheegay waxa dawladda Imaaraadku ugu talo-gashay inay ku bixiso Lacag Malaayin Dollar ah, waxana Wararka Qaar sheegeen in arrinkaa saldhigga Mileteri bedelkiisa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland Guryo waaweyn oo qaali ah laga siiyey Magaalooyinka Dubai iyo Abu Dubai, waxana xogguhu tibaaxeen in masuuliyiinta Guryaha la siiyey qaarkood ay jaar yihiin ganacsadaha reer Jabuuti ee dibed wareega ee lagu Ina Boore… la soco cadadka dambe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured