Golaha Wakiilada Haddii Lagu khasbo Gudoomiye Aanay Dooran Way Sahlan in Ummadda Reer Somaliland-na Lagu khasbi Karo Madaxweyne Aanay Dooran. W/Q C/risaaq Suudi Nuur

0
Tuesday August 22, 2017 - 00:50:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Haddii Lagu khasbo Gudoomiye Aanay Dooran Way Sahlan in Ummadda Reer Somaliland-na Lagu khasbi Karo Madaxweyne Aanay Dooran. W/Q C/risaaq Suudi Nuur

    "Meeshii aan dedaal xoog leh iyo Dahab ka eegaayay ayuun baa sidii Buul-duqeed daaha loo rogay" gabaygan oo uu lahaa Allah ha u naxariistee Abwaankii C/laahi Suldan Tima-cadde ayaa ka tarjumaya xaaladda dhabta ah ee ka taagan golaha wakiila

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Meeshii aan dedaal xoog leh iyo Dahab ka eegaayay ayuun baa sidii Buul-duqeed daaha loo rogay" gabaygan oo uu lahaa Allah ha u naxariistee Abwaankii C/laahi Suldan Tima-cadde ayaa ka tarjumaya xaaladda dhabta ah ee ka taagan golaha wakiilada Somaliland.

C/raxmaan Cirro dabadii golihii wakiilada waxa la odhan karaa "Meeshii aan dedaal xoog leh iyo Dahab ka eegaayay ayuun baa sidii Buul-duqeed daaha loo rogay” gabaygan oo uu lahaa Allah ha u naxariistee Abwaankii C/laahi Suldan Tima-cadde ayaa ka tarjumaya xaaladda dhabta ah ee ka taagan golaha wakiilada Somaliland. Hadal-haynta ugu badan ee reer Somaliland wax iska weydiinayeen labadii todobaad ee u dambeeyey waxay ahayd boobkii iyo jujuubkii ka dhacay kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada 06/08/2017, markaa mugdi kuma jiro sidii ay wax u dhaceen iyadoo wax-is-daba marintii ay muuqaal ahaan ku soo bndhigeen 39 kii xildhibaan ee u codeeyey C/raxmaan Maxamed Tanyale oo iyagoo gacanta u taagaya Mr. Talyanle intii ay doorashadu socotay la baahiyay, iyo waliba iyadoo 39-kii xildhibaan ee Tanyale u codeeyey ay maqal iyo muuqaal iska soo duubeen iyagoo sheegaya inay Xildhibaan Tanyale, iyadoo xukuumada iyo Xisbiga KULMIYE kursigaa la jeclaystay xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, iyadoo dooda wasiirada iyo xisbiga KULMIYE na ay doodoodu ku eg tahay, ‘doorashadii way dhamaatay’ Maxamuud Xaashi Cabdi oo wasiirka madaxtooyada ahi waxa uu tusaale u soo qaatay ciyaar kubadeed oo dhacday 1986-kii ee ahaa goolkii uu Maradona gacanta ku dhaliyay, iyadoo wax la is-barbardhigo aanay ahayn ciyaar kubadeed iyo gole la soo doortay oo metelaya ama wakiil u ah umaddii soo dooratay.

Dhacdadani waa dhacdo ugub ku ah, haddii aad baadho taariikhda baarlamaanada adduunka oo dhan, waayo, baarlamaanada caalamka waxa lagu yaqaanaa in xildhibaanadu ay kala ra’yi ama aragti duwanaadaan hadba mooshinka golaha la keeno, mararka qaarkoodna xildhibaanada baarlamaanada caalamku marka doodu kululaato waxay isu bedeshaa gacan-ka-hadal oo way dagaalamaan, laakiin ma dhacdo cod la qaadey oo gacan-taag ah oo la wada arkayo in la is-bada mariyo. Waxaaynu warbaahinta ka arkaynay Saleeban Maxamuud Aadan, gudoomiyaha guurtida oo leh "xukunkii maxkamadda sare ee distuuriga ah ha la raaco, gudoomiyaha golaha wakiiladuna waa Baashe” malaha gudoomiye saleebaan waanu fahmin e ma jirto wax xukun maxkameed ah oo ay maxkamadu ka soo saartay ama ay ku cadaysay inuu Baashe yahay gudoomiyaha golaha wakiilada, waxayse maxkamadda sare soo saartay qaraar uu nuxurkiisu ahaa in aanay maxkamadda sare dacwaddan dhagaysan Karin, goluhu dhexdooda dib isu noqdo oo khilaafkooda xallistaan.

Intaa ka dib, labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyaa waxay ku heshiiyeen in guddi 10 xubnood ka kooban oo ay si wada-jira usoo magacaabeen labada dhinac ee isku khilaafsani iyadoo dhinac waliba soo magacaabay shan xubnood, haddii iyadoo aan la xalilin dhibaatadii hore ee meesha taalay ee ka dhalatay kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada loo gudbo oo la yidhaahdo gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee galaha ayaa la dooranayaa, waxa hubaal ah in golaha wakiilada ee Somaliland uu la mid noqon doono, "habartii xaabadii ay sidey la kici kari weydey ee xaabada kale ku sii dartay”

C/risaaq Suudi Nuur

0634425243




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured