Xilka shaqo ee Xeer dejinta ( Golaha Wakiiladu ) Wuxuu leeyahay Xasaanadiisa oo buuxda mana aha in xukuumadu ku milanto. Qalinkii A/raman fidhinle UK

0
Monday August 21, 2017 - 21:07:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilka shaqo ee Xeer dejinta ( Golaha Wakiiladu ) Wuxuu leeyahay Xasaanadiisa oo buuxda mana aha in xukuumadu ku milanto. Qalinkii A/raman fidhinle UK

    Dimuqraadiyada S/land waxay ka bilaabantaa oo bud-dhig iyo baleysinba u-ah, Golaha Wakiilada JSL ee shacabku codkooda kusoo doorteen ( Representative Democracy ) si ay ugu adeegaan danta guud ee shacabkii doortey ee dirtey .Xilka shaqo ee Xeer dejint

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dimuqraadiyada S/land waxay ka bilaabantaa oo bud-dhig iyo baleysinba u-ah, Golaha Wakiilada JSL ee shacabku codkooda kusoo doorteen ( Representative Democracy ) si ay ugu adeegaan danta guud ee shacabkii doortey ee dirtey .Xilka shaqo ee Xeer dejinta ( Golaha Wakiilada iyo Guurtidu ) wuxuu leeyahay xasaanada gudashada xilka qaran ee saaran xildhibaan kasta ee loo dhaariyey, mana aha in Golaha fulinta ee xukuumaduay soo faro geliyaan Golayaasha sharci dejintasi ka baxsan sifaha sharciga ah.
Qofka maanta ku dooda Doorashadan mudaysan ee dhowrka jeer dib loodhigay ayaa la carqaladaynayaa, La yaab malaha, Maxaa yeelay wuxuu ka saadaaliyey saan saanka muuqda, ifafaalada muuqata iyo saadaasha aan saalooneyn ee muranka ka dhex aloosanGolaha Wakiilada Somaliland .
 
 
Dimuqraadiyada S/land waxay ka bilaabantaa oo bud-dhig iyo baleysinba u-ah, Golaha Wakiilada JSL ee shacabku codkooda kusoo doorteen ( Representative Democracy ) si ay ugu adeegaan danta guud ee shacabkii doortey ee dirtey .Xilka shaqo ee Xeer dejinta ( Golaha Wakiilada iyo Guurtidu ) wuxuu leeyahay xasaanada gudashada xilka qaran ee saaran xildhibaan kasta ee loo dhaariyey, mana aha in Golaha fulinta ee xukuumaduay soo faro geliyaan Golayaasha sharci dejintasi ka baxsan sifaha sharciga ah.
 
Marka ay isku milmaan rukumada iyo awoodihii dawladadeedee waaxyaheeda kala duwan sida fulinta iy Garsoorku waxay caqabadcakiran ku noqonaysaa hirgelinta hawlihii dawladnimo, Waxaana ay ragaadinaysaa habsami u socodkii hanaankii iyo hab-dhaqankii dawladnimo, waxaana ay wiiqaysaa hayaankii iyo higsigii qaranimo.Taa soo iyana sii galaafan doonta Geedi socodkii himiladii Dimuqraadigii curdinka ahaa ee Somaliland ku taamaysay mudada dheer.
 
Golaha Wakiiladu iyaga raacaaya Dastuurka JSL iyo Xeer hoosaadkiisa ayey qabsadeed fadhigii ku mudeysnaa 6/8/2017 fadhigaas oo loogu balansanaa in lagu doorto Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL maadaama uu xilkii ka degay Gudoomiyihii Golaha Wakiilada JSL mudane A/rahman Moxamed Abdillahi "Ciro ” taariikhdu markay aheyd 2/8/2017.Waxaana uu Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada JSLuu qeexaayo in mudo kooban oo 7 cisho ah lagu soo buuxiyo jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladaee banaanaata.
 
Hadaba labadii musharax ee u tartamaayey jagada Gudoomiyenimada Gollaha Wakiilada JSL ayaa ku muransan hal number oo ay is dheer yihiin. Somalidu waxay ku maah-maahdaa ” Madaxa meel ka sareysa oo la salaaxaa ma jirto ”Markaa hadii aan maanta sharciga loo soo noqon oo aan nin jecleysiga lasyka dhaafin oo aan milgaha iyo maamuuska uu Golaha Wakiilladu uleeyahay Qaranka Somaliland aan la ixtiraamin maadaama waqti xaas-xaasi ah hada lagu jirowaxaa dhalan karta khatar,khal-khal siyaasadeed,nabad-gelyola’aaniyo cawaaqib xumo aan laga soo waaqsan Karin.”
 
Sidaa daraadeed Waxaa Maxkamada Dastuuriga ah iyo Maxkamada Sareba laga rajeynayaa in ay dacwadaa loo soo gudbiyey eemuranka halka codayku muran sanyihiin labada musharaxay baadhaan, dersaan oo sida xaqa ah u kala saaraan labada xildhibaan eekursiga ku tar-tamaaya si uu Goluhu uguto una sii wato howl-maalmeedkiisii caadiga ahaa. Waxaa iyana Maxkamada Dastuuriga ah laga codsanayaa in ay tixgeliso is cadeynta iyo dareenka dhabta ah ee ay bixiyeen 39-ka Xildhibaan ee u codeeyey Xildhibaan A/rahman Talyanle.
 

Alleh ayaa MahadWehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)


Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED Personal Advisor
United Kingdom, London.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured