Wasiir Cali mareexan oo Cid Walba Kaga Awood-batay Taageerada Bulshada Bariga Iyo Waxqabadkiisa oo Taarikhda Galay. Qore.Farxaan Guuled Warsame

0
Monday August 21, 2017 - 17:39:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cali mareexan oo Cid Walba Kaga Awood-batay Taageerada Bulshada Bariga Iyo Waxqabadkiisa oo Taarikhda Galay. Qore.Farxaan Guuled Warsame

    Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Mareexan, ayaa guulo waxku ool ah xilliyo kala duwan Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye uga soo hooyey Gobolka Togdheer iyo gobollada Somaliland oo dhan. Waxanu sameeyey Wasiir Cali Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Mareexan, ayaa guulo waxku ool ah xilliyo kala duwan Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye uga soo hooyey Gobolka Togdheer iyo gobollada Somaliland oo dhan. Waxanu sameeyey Wasiir Cali Mareexan waxqabadyo tiro badan oo sida cad-ceeda u muuqda, isla markaana door-weyn kaga jirta Guulaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taarikhda ku geli doonto.
Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Cali Mareexan, ayaa guulo waxku ool ah xilliyo kala duwan Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye uga soo hooyey Gobolka Togdheer iyo gobollada Somaliland oo dhan. Waxanu sameeyey Wasiir Cali Mareexan waxqabadyo tiro badan oo sida cad-ceeda u muuqda, isla markaana door-weyn kaga jirta Guulaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo taarikhda ku geli doonto.
Wasiir Cali Mareexan waxa kaloo, uu awood taageero oo badan ka haystaa bulsho weynta reer Somaliland oo dhan, waxanu si gaar ah u hantay qulubta iyo shacab-weynaha ku dhaqan Gobolka Togdheer, gaar ahaanna Bulshada lagu calaamadiyo beesha Bariga Burco, Wasiir Cali Mareexan, waxa uu xilliyo kala duwan guulo waaweyn uga soo hooyey Xilliyadda Doorashadda Xisbigeesa Kulmiye, isla markaana waxa uu waqti xaadirkan noqday Siyaasiga ugu saameynta badan Bulshada bariga, kaasoo horseedka noqday Taageerada baaxadda leh ee Musharraxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ka haysto Beesha Madaxweyne Siilanayo.
Wasiir Cali Mareexan oo isku darsadday karti iyo daacadnino uu dheeraaday dhigiisa kale ee Siyaasiyiinta ay haybta guud wadaagan, ayaa waxa lagu xasuustaa inuu yahay Xiddigga hormuudka ah ee waqti xaadiran Xisbiga Kulmiye haysto, isagoo si gaar ah loogu xasuusto sidii uu Burco uga soo dhalaalay, Bulshadisiina uga wada dhigay Xisbiga Kulmiye. Waxa kaloo Wasiir Cali mareexan ku suntan yahay Guusha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gaadhsiisay dalka, isagoo waxqabad mug iyo miisaan uu ku talaabsadday mudadii uu xilka wasaaraddan hayey. Waxanu wasiir Cali Mareexan sameeyey wadooyin badan oo u ka hirgeliyey iyo sidoo kale Wadooyinkii dalka oo u intooda badan dayac-tir ku sameeyey.
Iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo guud ahaan tahay, Xukuumaddii waxqabadka ayaa haddana waxa uu Wasaaradda hawlaha guud usoo magacaabay shaqsigii isna ku suntanaa waxqabadka iyo daacadnimada, kaasoo ah Wasiir Cali Mareexan oo bulshadda Somaliland u taqaano sama-fale, waxanu wasiir Cali Maxamed Xasan dhaqaajiyey mashruucii ugu balaadhnaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhiiratay ee Wadada Ceerigaabo, oo markii hore shaqsiyaad xilal hayey oo weliba dhaqaale badan gacanta loo geliyey haddana ay dhaafin waayeen 24 Km.
Wasiir Cali Mareexan oo isaggu daacadka ah dhamaystirka wadada Ceerigaabo, ayaa muddo gaaban dhexda u xidhay dhaqaajinta wadada Ceerigaabo, kaasoo ka qaadday halkii uu ugu yimi ee ahayd 24 Km oo laamiya iyo 60 km in ku dhow oo cara-tuul kala ah, waxanu Wasiir Cali Mareexan gaadhsiiyey hadda Wadada Ceerigaabo 130 Km oo laamiya iyo sidoo kale 160 Km, oo Caro-kaawada la dhigay, isla markaana aan kaba dhicin laami. Waxanu Wasiir Cali Mareexan oo fulinaya waajibadka shaqo ee u Madaxweynaha uga wakiil yahay balanqaadkii Xukuumada ee Wadada Ceerigaabo, uu hadda wasiirkani gaadhsiyey heer imika gabo-gabo ay ku dhow dahay.
Geesta kale, Wadada Ceerigaabo waa mashruuc aad u balaadhan oo u baahan taakulo dhaqaale oo badan, isla markaana ay iskaba yar tahay haynta dawladeena Somaliland oo iyaddu aan waxba ka hagranayn, balse intii itaalkeeda ah soona dhistay haddana wadda, ayaa waxa Bulshadda Somaliland looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan dhamaystirka wadada Ceerigaabo oo ah laf-dhabar lexaadkeeda leh, oo isku xidhaysaa Gobollada dalka ee markii hore kala qoqobnaa. Dhinaca kale, Waxqabadka mugga leh ee Wasiir Cali Mareexan iyo wasaaradiisu iyo weliba hay’adda Wadooyinka dalka ka waddan, ayaa waxa kamid ah, Wadooyin goo-go’ay, isla markaan ah kuwo halbowle, ayaa uu Wasiir Cali Mareexan mudadii uu joogay wasaaradda hawlaha guud waxa uu ku sameeyey dayactir baaxad leh, sidoo kale, waxa uu iyagga geestooda dayactir ku sameeyey Wasiirku Buun-dooyin iyo weliba Biriishyo Burburay.
W/Q
Farxaan Guuled Warsame
Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured