Khilaafka Wakiiladda oo Noqday Cidna uma Maqna Ceelna Uma Qodna...Xukuumadda, Guurtida Iyo Maxkamadda Sare oo Garab la Saftay, Khilaafkii Waakiilada-na Dab Kusii Shiday

0
Monday August 21, 2017 - 00:23:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Wakiiladda oo Noqday Cidna uma Maqna Ceelna Uma Qodna...Xukuumadda, Guurtida Iyo Maxkamadda Sare oo Garab la Saftay, Khilaafkii Waakiilada-na Dab Kusii Shiday

    ".. Gudoomiye aan sharci ahayni Golle ma Furi… ? Hal Xaaran ahi, Niirig xalaal ah ma dhasho". Xildh. Maxamed Faarax Qabile. "…Golluhuna Laba Gudoomiye ma laha, Hal Guddoomiye ayuu Leeyahay, Gudoomiyihiina waa BAASHE MAXAM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

".. Gudoomiye aan sharci ahayni Golle ma Furi… ? Hal Xaaran ahi, Niirig xalaal ah ma dhasho". Xildh. Maxamed Faarax Qabile. "…Golluhuna Laba Gudoomiye ma laha, Hal Guddoomiye ayuu Leeyahay, Gudoomiyihiina waa BAASHE MAXAMED FAARAX, Annaguna Xukuumad ahaan isaga ayaanu Aqoonsanahay…". Wasiir Maxamuud Xaashi. ".. Golaha Ciidamaddu hanooga soo baxan". Xildh. Abubakar Cabdiraxmaan Good. "..Maxkamadda sarre waxay xukuntay waa go'aan qaran..". Gud. Guurtida Saleebaan Gaal

Hargeysa(Xogreebnews)- Khilaafka golaha Wakiiladda ee ka dhashay mad-madowga iyo tuhunkii soo galay tiranka Codadka labadii Musharrax ee ku loollamayey buuxinta jagadda Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, ayaa sida muuqata Xukuumadda Somaliland aanay diyaar u ahayn in is-af garad laga gaadho, sidoo kale Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sarre Aadan Xaaji Cali ayaa geestooda muranka arrinkaa iska taagay dhinac, halkii ay ahayd inay Dawo-sharci ama Sulux arrinka ku fardaamiyan.

Mawaaqiifta isku dhanka ah ee Xukuumadda, Guurtida iyo Maxkamadda sarre ee la xidhiidha khilaafka golaha Wakiiladda, ayaa sabab u ah in gollihii sharci dajinta ee qaranku lahaa uu xaalkiisu ku dambeeyo golle sida Maxkamadihii Mileteriga ee marka cid ay Xukumayaan Ciidaanka lasoo dhoobi jiray oo kale in Ciidaamo la keeno mar kasta oo Md. Baashe Maxamed Faarax fadhi golaha ugu baaqo, kaddibna inta Xildhibanada labada garab isku ham iyo digleeyan gudoomiyaha sharciyadiisa lagu muran-san yahayna uu yidhahdo fadhigu wuu xidhan yahay, kuwa kasoo horjeedana ugu jawaaban iska hadlow Ina Iggaree. Sida dhacday fadhigii loogu kala aragtida duwanaa ee shalay.

Inkastoo mudadii khilaafku socday Warbaahinta madaxa-banaan laga xariimay hoolka fadhiyada golaha Wakiiladda, marka laga reebo Warbaahinta dawladdu maamusho iyo kuwa lagu maal-geliyo dhaqaalaha kasoo xarooda cashuurta shacabku bixiyo, arrintaasoo sababtay in Bulshaddu waydo xaqiiqadda dhabta ah ee ka jirta madasha golaha Wakiiladda. Hase-yeeshee qaar kamid ah mudanayaasha ku doodaya in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle ku guuleystay jagadda Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, oo Warbaahinta kula hadlay Wadada gaadiidku maro ee afaafka hore ee golaha Wakiiladda ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu af duubtay Golihii Wakiiladda, iyadoo sidaana u yeelaysa inay jagada Gudoomiyaha golaha ku fadhiisiso cid aan sharci ahayn.

Xildhibaan Maxamed Faarax qabile oo ka tirsan mudanayaashii kasoo hor-jeeday Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inaanay sharciyan u aqoonsannayn Gudoomiye Baashe, isla markaana sharci darro uu ku jabsadday Xafiiskii uu lahaa Gudoomiyaha golaha Wakiiladdu, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi; ".. Gudoomiye aan sharci ahayni Shir ma xidhi karo, mana furi karo, Gudoomiye ku-xigeen la dooranayona shirkiisa ma gudoomin karo. Waayo? Hal Xaaran ahi, Niirig xalaal ah ma dhasho… Maanta (Baashe) budh cad ayaanu u haysanaa oo wuxuu jabsaday Xafiiskii Gudoomiyaha golaha ee qasnada iyo qorraaladda qaranku leeyahay yeelleen, wuxu bedelay Qasnadihii Furayaasha, bal xagguu ku ordayaa…”.

Sidoo kale, Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye, balse taageersan Gudoomiyenimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa farriin u diray hoggaannada Ciidamada Boolis, isla markaana waxa uu xusay in khilaafka golaha Wakiiladdu yahay mid u yaala Xildhibaanada golaha, sidaas darteedna laga daayo faro-gelinta, waxanu yidhi; ".. Golaha Ciidamaddu hanooga soo baxan. Golluhuu waxaa Hay’addii sharci dejinta ee umaddu soo dooratay, sidaas darteed isma dilno annagu ee afka ayaanu ka hadalnaa gacantana waanu ku kala baxaynaa. Waxa la yidhi Qoolay Qoor-qabasho Biyo kuma Cabto, Nin aanan Dooran in khasab iyo ciidamo nalugu dul fadhiisiyo ma yeelayno..”.

Geesta kale, khilaafka golaha Wakiiladda oo hadda 14-cisho jirsaday ayaa sidii dab baasin lagu shubay waxa muranka arrinka sii laban-laabay taageerada aan cilmiga iyo caqliga toona ku dhisnayn ee mid kamid ah labada garab ay siiyeen Xukuumadda, Gudoomiyaha golaha Guurtida iyo Maxkamadda sare, oo sida caqliga saliimka ahi ina tusayo ay ahayd inay isku hawlan sidii labada garab ay iskugu keeni lahaayeen meel dhexe, iyagoo taa u yeelaya ama u eeggaya maslaxadda iyo danta qaranka.

Hase-yeeshee taa bedelkeeda go’aanka madaxda hay’addaha aynu kor kusoo sheegnay, waxa uu noqday mid u muuqda in gar iyo gar-darro labadaba Md. Baashe Maxamed Faarax noqdo Gudoomiyaha golaha Wakiiladda. Tusaale ahaan Wasiirka Madaxtooyadda Maaxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay khilaafka golaha Wakiiladda waxa uu si oo madmadow aan lahayn u cadeeyey in Xukuumada uu ka tirsan yahay taageersan tahay Xildhibaan Baashe, isla markaana Xukuumad ahaan u aqoonsan tahay Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi. ".."…Golluhuna Laba Gudoomiye ma laha, Hal Guddoomiye ayuu Leeyahay, Gudoomiyihiina waa BAASHE MAXAMED FAARAX, Annaguna Xukuumad ahaan isaga ayaanu Aqoonsanahay…”.

Sidoo kale, Gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Gaal, ayaa geestiisa mar wax laga waydiiyey muranka golaha Wakiiladda waxa uu sheegay inaan dhib ka jirin golaha wakiilada, isla markaana arrinkii ka dhacay golaha Wakiiladda uu ku dhamaaday go’aankii Maxkamadda sarre. Gudoomiye Saleebaan oo arrinka ka hadlaya waxa uu yidhi; ".. ma mooganin in khilaaf golaha soo dhex galay, laakin waxanu ku ognahay in laba go’aan dhaceen mid golaha ah iyo kii Maxkamadda sarre, maxkamadda sarre waxay xukuntay waa go’aan qaran..”.

Ma jiro go’aan ama qaraar sharci oo Maxkaamadda sarre ee Somaliland kasoo saartay khilaafka golaha Wakiiladda, hase-yeeshee Gudoomiyaha Maxkamadda sarre Aadan Xaaji Cali gal-dacwadeed ku saabsan arrinka golaha Wakiiladda oo u gudbiyey Mudanaha dhibanaha ka ah natiijadii muranka dhalisay ee Doorashadii Gudoomiyaha golaha Wakiiladda, waxa u qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrinka khilaafku ka dhashay ee golaha Wakiiladdu aanu ahayn dacwad dastuuri ah oo maxkamadda sarre ka garnaqi karto, balse uu yahay arrin maamul oo xalintiisuna u taalo golaha Wakiiladda. Inkastoo Gudoomiyaha Maxkamadda sarre Aadan Xaaji Cali qoraalkiisa ku socod-siiyey Gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo aanu qoraalka ku muujin, cadda uu u aqoonsan yahay, balse marka loo eeggo qoraalka u ku socodsiiyey laga dhaadhan sannaayo inay jirto cid uu jagadaas u aqoonsan yahay, maadaama Gudoomiyihii hore iscasilay isla markaana bedelkiisi muran ka dhashay, sidaas darteed hadallada masuuliyiintan oo dhami waxay noqdeen kuwo aan xal u wadin khilaafka Wakiiladda, hase-yeeshee ay yihiin kuwo si cad ula saftay dhinac kamid ah labada garab ee is haya ee khilaafku ka dhexeeyo, waxa’se sartu ka qudhun-san tahay mar hadii Hayaddihii qaranka ee dhexda laga filayey marka mid kamid ah khilaaf soo kala dhexgalo ay la kala saftaan garabadii is hayey, waas’e su’aallee yaa qaranka dhex u ah hadii dhibi-timaaddo?.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured