Xog dheeraad ah; DP World iyo Waaxda Faraca Badda ee Dekedda Berbera Keeba leh Masuuliyadda Labada Markab ee isku Duqeeyey Haabada Dekedda, Waas'e Intee Khasaaraha ka dhashay Shilkaa…

0
Sunday August 20, 2017 - 23:51:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog dheeraad ah; DP World iyo Waaxda Faraca Badda ee Dekedda Berbera Keeba leh Masuuliyadda Labada Markab ee isku Duqeeyey Haabada Dekedda, Waas'e Intee Khasaaraha ka dhashay Shilkaa…

    Berbera(Xogreebnews)- Laba Markab, ayaa isku duqeeyey gudaha haabadda Dekeda Berbera, kaddib cillad farsamo-xumo oo ka timi Kabtanka soo xidhayey mid kamid ah labada Markab, iyo sidoo kale, jawiga cimmillada oo aan Wanaagsanayn xilligaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(Xogreebnews)- Laba Markab, ayaa isku duqeeyey gudaha haabadda Dekeda Berbera, kaddib cillad farsamo-xumo oo ka timi Kabtanka soo xidhayey mid kamid ah labada Markab, iyo sidoo kale, jawiga cimmillada oo aan Wanaagsanayn xilligaa.

Berbera(Xogreebnews)- Laba Markab, ayaa isku duqeeyey gudaha haabadda Dekeda Berbera, kaddib cillad farsamo-xumo oo ka timi Kabtanka soo xidhayey mid kamid ah labada Markab, iyo sidoo kale, jawiga cimmillada oo aan Wanaagsanayn xilligaa.

Labada Markab ee isku dhacay oo lagu kala magacaabo CMA Kaylas, oo ah nooca xambaara Koontiinaradda iyo MF Iimaan, oo isna ah Maraakiibta xamuulka adhiga qaada, ayaa sida dad goob joog ahi, u sheegeen shabakadda Xogreebnews, waxa shilka isku dhaca labada Markab sababay marka midba gaarkiisa loo eeggo khasaare aan yarayn, isla markaana xayiri kara inay Maraakiibtani Safarradoodii si watan, hadii aan khasaaraha gaadhay la xallin, ka hor dhoofintaankooda.

Waxa kaloo, goob-joogayaashu intaa ku darreen in CMA Kaylas oo u Wakiil ka yahay Maamulaha Shirkadda Telesom Berbera oo isaggu ku xidhnaa Dekedda allabna laga roggaayey, sidaas darteedna khasaare weyni Shilkaas kasoo gaadhay, kaddib markii uu dalooshamay Taangiga uu ku qaato Shidaalka Kaydka ah, oo ku yaala labada jenbi ee Markabka mid kamid ah. Markabka kale ee MF Iimaan, oo isna uu Wakiil ka yahay Shirkadda Al-jaabiri ee rarka xoolaha, ayaa shilkaas waxa isna soo gaadhay khasaare aan yarayn, kaddib markii uu ka dalooshamay Taangiga Miisaanka Biyaha.

Inkastoo sida illuhu xuseen Markabka MF Iimaan sida qorshuhu ahaa la filayey in la raaro Xalay, hase-ahaatee khasaaraha Shilka kasoo gaadhay awgii aanay arrintaasi suurto-geleyn ka hor intaa aan la sammayn taangiga dhaawacu kasoo gaadhay. Masuuliyadda sababta Shilkan cidda leh ayaan illaayo hadda la kala caddeyn , hase-yeeshee dadka Khibradda u leh Curufal baxarka ama shuruucda Badda, waxay qaarkood masuuliyadda Eedda arrinkan dusha u saareen Kabtankii Wadday Taagii Jiiddayey Markabka MF Iimaan ee Dekedda lagu soo xidhayey, oo isaggu maamul ahaan hoos taga Waaxda Faraca Badda ee Dekedda Berbera ee Xukuumadda Somaliland maamulkeeda gacanta ku hayso.

Ma jir War ku saabsan Shilka labada Markab oo illaayo hadda kasoo baxay madaxa waaxda faraca badda ee Dawladda Somaliland, iyo sidoo kale dhinaca maamulka Shirkadda DP World oo iyaddu gacanta ku haysa Dekedda Berbera marka laga reebbo waaxda faraca Badda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured