War-deg-deg ah: Laba Markab oo Isku Duqeeyey Dekedda Berbera iyo Khasaaraha ka dhashay ...

0
Sunday August 20, 2017 - 20:31:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-deg-deg ah: Laba Markab oo Isku Duqeeyey Dekedda Berbera iyo Khasaaraha ka dhashay ...

    War-deg-deg ah: Laba Markab oo Isku Duqeeyey Dekedda Berbera iyo Khasaaraha ka dhashay ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-deg-deg ah: Laba Markab oo Isku Duqeeyey Dekedda Berbera iyo Khasaaraha ka dhashay ...

Berbera(Xogreebnews)-Laba Markab oo Midi Yahay Kuwa Xoolaha qaada Iyo Mid ah kuwa Koonteenarada qaaday ayaa galabta isku dhacay Iyada oo Labada Markab Midka Koonteenarada xamaabara oo lagu magacaabo CMA Kaylas oo uu Wakiil Uyahay Maamulaha Shirkada Telesom Berbera Mustafe Cali Cumar halka Markabka Xoolaha qaada oo lagu magaacabo Iimaan Ay Wakiil Katahay shirkada Aljaabiri ee rarka Xoolaha.

Markabka CMA Kaylas oo Dekeda Ku Xidhnaa ayaa la sheegay inuu ku dhacay Markabka Xoolaha qaadayay oo Galabta Dekeda Lagu Soo Xidhaayay.

 

Waxaana La sheegay in goobta Markabka Xoolaha qaadayay Lagu Xidhaayay Goob kaloo Ku dhaw uu Ku Xidhnaa Markab kale ee Koonteenarada xambaara.

Khasaaraha ka Dhashay Isku dhaca Labada Markab ayaa la sheegay inuu labada Markaba Khasaare weyni gaadhay waxaana Lasheegay in Markabka Weyn ee koonteenarada Xambaarana uu dalooshamay Taagiga Shiidaalka kaydka ah oo dhinaca kaga yaala halka Markabka Xoolaha qaadana uu dalooshamay Taagiga Miisaanka Biyaha ah oo dhinaca kaga yaalaa.

Sidoo kale Waxa khasaare burbur ahi gaadhay birta xadiidka ah ee Labada Markab oo mid kasta dhinaciisa khasaare laxaad lihi gaadhay sida ay shabakada wararka Ee Berberatoday.com usheegeen dad goob joogayaal ahi.

Labada Makab ayaa hada Dekeda Ku xidhan iyaga oo khasaare laxaadle labaduba qaba waxaana markabka Xoolaha ee Iimaan qorshuhu ahaa in caawa la raro hase yeeeshee Ma suuroobayso oo waxa dalooshamay taagigii Biya ee miisaanka u ahaa iyada oo biyihii bada ee ku jiray Markabka gudaha ugu daateen sida la sheegay.

 

 

Sababta shilka Labada Markab ayaa loo aaneeyay farsamoXumo ka dhalatay Kabtanka soo xidhaayay ee kamida ahaa shaqaalaha waaxda faraca Bada ee Dekeda Berbera iyada oo dabayli dhacaysay xiliga Markabka la soo xidhaayay taasina ay fududaysay isku dhaca labada markab

Dhinaca kale Dekeda Berbera ayaa la sheegay in aanay wax kahasaare ahi soo gaadhin inta muuqa iyada oo aan hoosta bada ku jirtana aan laga war qabin inay isku yaacday oo duntay.

 

ilaa Hada Shirkada Dekeda Berbera Maamusha Ee DP World iyo Waaxda faraca Bada ee dawlada Somaliland ayaan ilaa hada wax Wara ka Soosaarin Kharaasaha ka dhashay isku dhaca labadan Markab.

 

Wakiilada Labadan Markab ee Isku dhacay oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino khasaaraha ka dhashay Isku dhaca labada Markab ayaanay noo suuragalin in aanu helo hase yeeshee wararkayaga danbe ayaanu kusoo wareysan doonaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured