Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Cali Mareexan oo Dhagax Dhigay 5Km oo Lagu Kordhinayo Wadada Balligubadle, Xisbiga Wadani-na Jawaab Kulul siiyey

0
Friday August 18, 2017 - 04:24:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Cali Mareexan oo Dhagax Dhigay 5Km oo Lagu Kordhinayo Wadada Balligubadle, Xisbiga Wadani-na Jawaab Kulul siiyey

    Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Cali Mareexan oo Dhagax Dhigay 5Km oo Lagu Kordhinayo Wadada Balligubadle, Xisbiga Wadani-na Jawaab Kulul siiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Cali Mareexan oo Dhagax Dhigay 5Km oo Lagu Kordhinayo Wadada Balligubadle, Xisbiga Wadani-na Jawaab Kulul siiyey
Baligubadle(Xogreebnews)-Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Oo Dhagax Dhigay 5Km Oo Lagu Kordhinayo Wadada Balligubadle.
Ugu Horeyn Shirkadda Qaadatay Qandaraaska Dhismaha Wadadan Ayaa Halkaas Ka Hadlashay, Iyagoo Sharaxay Inta Uu Socon Doono, Waxaanay Balan Qaadeen Inay Udhisi Doonaan Si Tayo Leh.

Eng C/laahi Sheekh Cali Jawhar Oo Ka Aocday Hayadda Wadooyinka "RDA" Ayaa Isna Dhinaciisa Sheegay Inay Shaqadda Si Fiican Loo Wado Laguna Talo Jiro In Labo Bilood Lagu Dhameeyo, Wuxuuna Dhinaca Kale Fariin Udirey Siyaasiyiinta Ka Hadla Waxaan Shaqadooda Ahayn.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Tilmaamay Inay Shaqadan Maanta Halkan Ka Socota Ay Kamid Tahay Isku Xidhka Gobolada Dalka Iyo Horumarka Ay Ku Talaabsatay Xukuumadda Axmed Siilaanyo.


Wasiir Cali Xasan Maxamed Wuxuu Jawaab Adag Siiyey Siyaasiyiin Dhallilo Usoo Jeediyey Wadada Ceerigaabo, Wuxuuna Ku Sifeeyey Inay Yihiin Qaar Ku Fashilmay Siyaasadda, Wasiirka Ayaa Sheegay Inay Jiraan Qaar Aan Waxba Tarin Oo Meel Kasta Oo Ileys Kasoo Bildhaamo Wax Ka Sheega Oo Iyagu Horumarka Neceb.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured