Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil oo Kashifay Kulan Qabyaaladeysan oo Afar Wasiir Madaxtooyadda Dhex-deeda Kula yeesheen Ganacatadii DP World ka Cabanaysay "...Waxan Sabtida Soo Bandhigaya Dhagartii Xukuumaddu ka Gashay Saaxil...Ganacsatadii Ka Cabatay DP World oo Madaxtooyada lagaula shiray Waxa Soo Hor-fadhiistay 4 Wasiir oo isku reer ah". Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan.

0
Friday August 18, 2017 - 03:58:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil oo Kashifay Kulan Qabyaaladeysan oo Afar Wasiir Madaxtooyadda Dhex-deeda Kula yeesheen Ganacatadii DP World ka Cabanaysay "...Waxan Sabtida Soo Bandhigaya Dhagartii Xukuumaddu ka Gashay Saaxil...Ganacsatadii Ka Cabatay DP World oo Madaxtooyada lagaula shiray Waxa Soo Hor-fadhiistay 4 Wasiir oo isku reer ah". Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan.

    Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil oo Kashifay Kulan Qabyaaladeysan oo Afar Wasiir Madaxtooyadda Dhex-deeda Kula yeesheen Ganacatadii DP World ka Cabanaysay "...Waxan Sabtida Soo Bandhigaya Dhagartii Xukuumaddu ka Gashay Saaxil...Ganacsatadii Ka Cabatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil oo Kashifay Kulan Qabyaaladeysan oo Afar Wasiir Madaxtooyadda Dhex-deeda Kula yeesheen Ganacatadii DP World ka Cabanaysay "...Waxan Sabtida Soo Bandhigaya Dhagartii Xukuumaddu ka Gashay Saaxil...Ganacsatadii Ka Cabatay DP World oo Madaxtooyada lagaula shiray Waxa Soo Hor-fadhiistay 4 Wasiir oo isku reer ah". Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan.
Hargeysa(Xogreebnews)-Agaasimihii hore Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada Md. Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo Kamid ah, Siyaasiyiinta Hal-doorka ah ee Reer Somaliland, ayaa wax laga xummaado ku tilmaamay kulan ay Madaxtooyadda ku yeesheen Ganacsatadii ka cabanaysay maamulka Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda Berbera iyo koox Wasiiro ah  oo isku beel ah,  isla markaana dariiq qabyaaladeed ku wajahay ganacsatada cabanaysay.
Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan, waxa uu farta ku fiiqay Odayaal reer Berbera ah oo kulankaa ku metelaayey Ganacsato, balse aan waxna Kala soo degin Dekedda Berbera waxna ka dhoofin. Waxana Kamid ah Odayaashaas,  Oday Muuse Abokor Xirsi (Muuse Dalab) iyo Jaamac Birqaab.
Waxa kaloo uu Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan dhaliilay nidaamka qabiileysan ee kulankaasi daara,  isagoo baahiyey afar Wasiir iyo xubin ka socotay Dp World oo isku reer ah, isla markaana ganacsatada la yeeshay Kulan aan natiijo kasoo bixin, waxanay Kala ahaayeen Wasiiradaasi, Dr.  Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibeda, wasiirka ganacsiga Cumar Shucayb, wasiirku xigeenka Madaxtooyadda Cali dhagoole iyo Ibraahin Talaabo oo lagu sheegay inuu yahay Xidhiidhiyaha Xukuumadda Iyo Dp World, sidoo Kalena ay Xidid yihiin wasirku xigeenka Cali Dhagoole, Isagoo docda kalena xusay inay gabi-ahaanba kulanka ka maqnaayeen Wasiiraddii loo baahna inay hawshaas samata-bixiyaan, kuwasoo Kala ahaa wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Geesta kale,  Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan waxa uu ku goodiyey inuu Sabtida soo socota soo bandhigi doono Musuq-maasuq ba'an oo dalka ka dhacay mudadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada hayey, isla markaana aanu ka waaban doonin dhagaro Xukuumaddu ka gashay reer Saaxil. Haddaba Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook, kaasoo qoraalkiisu u dhigan yahay sidan.
"...Bismilaah... waxa aan aad iyo aad ulla yaabay maanta waxa la yidhi ganacsatadii cabashada dhabta ah ka keenay dekeda berbera ayaa madaxtooyada lagaula shiray waxa soo hor fadhiistay 4 qof oo isku reer ah. .sacad ali shire wasiirka khaarajiga. Wasiirka ganacsiga cumar shacayb..wasiir xigeenka madaxtooyada..cali dhegoole. Ibrahim talaabo.oo la iigu sheegay xidhiidhiyaha. DPW iyo dowlada oo ay dhowaan xidideen cali dhegoole..waxa iyana aan meesha ka maqnayn qolooyin lagu sheegay ganacsto balse aan marsada berbera waxana kala soo degin waxana ka dhoofin oo ay ka midyihiin...muuse dalab. Jamac birqaab..xiis saleebaan.taasi oo aanay ka soo qayb gelin.samsam abdi aadan maxamuud xaashi balse beri oo jimce ah gelinka danbe loo balamay...idinkaan idiin daayey faalada waa inoo xaraf restaurant iyo sabtida iyo shirkii jaraayid, I'd  iyo cadaymii dhagartii laga galay saaxil". Ayuu yidhi Siyaasi Cabdiraxmaan Cawil Xasan. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured