Xoggihii u Dambeeyey ee Khilaafka ka Dhex Taagan Musharrax Cirro Iyo Hoggaamiye Xirsi + Siyaasi Duur oo Waan-waan ka dhex Wada labada Dhinac Iyo Halka Sartu ka Qudhuntay...

0
Wednesday August 16, 2017 - 04:22:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2139
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoggihii u Dambeeyey ee Khilaafka ka Dhex Taagan Musharrax Cirro Iyo Hoggaamiye Xirsi + Siyaasi Duur oo Waan-waan ka dhex Wada labada Dhinac Iyo Halka Sartu ka Qudhuntay...

    Xoggihii u Dambeeyey ee Khilaafka ka Dhex Taagan Musharrax Cirro Iyo Hoggaamiye Xirsi + Siyaasi Duur oo Waan-waan ka dhex Wada labada Dhinac Iyo Halka Sartu ka Qudhuntay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoggihii u Dambeeyey ee Khilaafka ka Dhex Taagan Musharrax Cirro Iyo Hoggaamiye Xirsi + Siyaasi Duur oo Waan-waan ka dhex Wada labada Dhinac Iyo Halka Sartu ka Qudhuntay... Hargeysa(Xogreebnews.com)-Khilaaf in muddo ah soo jiitamaayey, ayaa todobaadkii lasoo dhaafay sida Folkaanaha uga dhex qarxay hoggaanka sare ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, gaar ahaanna Musharrax jagada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro iyo Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Kaddib markii uu hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan u helay xan in muddo ah laga qarinaayey, oo sheegaysa inuu musharrax Cirro hadii uu Madaxweyne noqdo uu Gabi ahaanba ka bixi doono heshiis uu la galay Siyaasi Xirsi Cali X. Xasan, heshiiskaasoo ahaa hadii Wadani tallada ku guuleeysto inuu Xisbi usoo saaraayo Hoggaamiye Xirsi, sidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo laftiisu uu Musharrax Cirro ugu soo saaray Xisbiga Wadani.
Ma jiro War kasoo baxay labada dhinac ee arrinkani khuseeyo, hase-yeeshee Ilo rasmi ah oo Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews.com heshay ayaa sheegaya in Musharrax Cirro marar badan isku dayey inuu ka shaafiyo Xirsi wararka tu shuushka ka dhex abuuray, balse hoggaamiye Xirsi weli muu liqin arrinkaa. Waxana jira Warar iska soo daba dhacaaya oo sheegaya in ergo badan oo kasoo jeedda qoyska Musharrax Cirro ay u tageen, isla markaana isku dayeen inay soo lad qabbeeyan hoggaamiye Xirsi wallow aanay weli ku guuleysan haddana waxay kooxdaas oo u Kamid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Md.  Maxamed Nuur Caraale Duur uu caawa ku qanciyey Xirsi in tabashadiisa oo dhan laga shaafin doono marka uu yimaado Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, una gar qaadi doonaan, waxa'se la isla qaatay inta la gaadhaayo mudada waftiga Cirro kusoo laabanayaan inuu Hoggaaniye Xirsi sameeyo dhaqdhaaqaaqyo Xisbiga ah, isla markaana ka shaqeysiiyo garabkiisa. 
Si kastaba ha ahaatee khilaafkan ka dhex curtay Labada masuul ee ugu sarreeya Xisbiga Wadani, ayaa in muddo ah soo jiitamaayey, hase ahaatee waxa uu soo ifbaxay dhowaan, waxanu khilaafku sababay in diido hoggaamiye Xirsi inuu qayb ka  noqdo waftigii Xisbigooda ee gobollada Bari dhowaan tagay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured