Khilaaf Sababay Adeeggii Dekedda Berbera inuu Istaago oo Ka Dhex Qarxay Ganacsatada Dekedda Wax Kala Soo Degta Iyo Shirkadda DP World+ Maraakiibtii oo Wayday Qalab ka Rogga Rarka iyo Wasiiro Berbera u tagay Xiisaddan....

0
Tuesday August 15, 2017 - 04:44:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Sababay Adeeggii Dekedda Berbera inuu Istaago oo Ka Dhex Qarxay Ganacsatada Dekedda Wax Kala Soo Degta Iyo Shirkadda DP World+ Maraakiibtii oo Wayday Qalab ka Rogga Rarka iyo Wasiiro Berbera u tagay Xiisaddan....

    Khilaaf Sababay Adeeggii Dekedda Berbera inuu Istaago oo Ka Dhex Qarxay Ganacsatada Dekedda Wax Kala Soo Degta Iyo Shirkadda DP World+ Maraakiibtii oo Wayday Qalab ka Rogga Rarka iyo Wasiiro Berbera u tagay Xiisaddan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Sababay Adeeggii Dekedda Berbera inuu Istaago oo Ka Dhex Qarxay Ganacsatada Dekedda Wax Kala Soo Degta Iyo Shirkadda DP World+ Maraakiibtii oo Wayday Qalab ka Rogga Rarka iyo Wasiiro Berbera u tagay Xiisaddan....
Berbera(Xogreebnews)–Xaalad culus ayaa maalmihii u danbeeyey ka  aloosan marsada dekeda Berbera,waxaana khaati kala taagan ganacsatada Somaliland ee dekeda isticmaasha isla markaana badeecaduhu uga soo dagaan iyo maamulka shirkada Dp World,kadib markii ay isku afgaran waayeen hanaanka shirkadaasi u maamulayso dekeda magaalada Berbera oo caajis badan  ka muuqdo isla markaana ay kor ugu qaadeen ganacsatada cashuurtii ay dekedu qaadaysay marka loo eego wakhtiga badan ee ay Maraakiibtu taagan tahay dekeda.


Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Dr Sacad Cali Shire,wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed ayaa maalmihii u danbeeyey safar ku joogay magaalada Berbera si ay xal ugu helaan is marin waa la sheegay inuu ka dhex taagan yahay ganacsatada Somaliland iyo maamulka shirkada Dp World,waxaana ay wasiiradani kulamo gooni gooni ah la yeesheen maamulka shirkada Dp World iyo guddi ganacsato ah,iyaga oo la sheegay in arrinka ugu wayn ee ganacsatadu ay ka cabanaysaa ay tahay caajis iyo wakhti badan oo ay shirkadu ku qaadato rogista Maraakiibta alaabta sidda ,iyada oo arrinkaasina keenayso in kor u kac ku yimaado dhinaca lacagta la xisaabinayo ee ku saabsan wakhtiga ay dekeda tagaan yihiin Maraakiibtu,waxaana lasoo sheegayaa inay jiraan maraakiib muddo saddex bilood ah ku sugnaa dekeda Berbera isla markaana aan ilaa hadda laga rogin alaabtii uu siday,arrinkaas oo ceeb iyo fadeexad ku ah shirkada Dp World.
Wararkan ayaa intaasi ku daraya in ganacsatada kala duwan ee dekeda Berbera badeecadaha kala soo degaa ay labadii todobaad ee u danbeeyey raadinayeen oo ay waayeen cid badeecadohooda dekeda uga soo saarta,kadib markii la waayey qalabka waxna roga waxna saarna ee wiishka ah,sidoo kalena waxa laga soo sheegayaa in hoos u dhac wayni ku yimi dakhli maalmeedkii kastamka Berbera kasoo xaroon jiray,kadib markii la waayay ganacsato badeecadahooda cashuurta.

Sidoo kalena waxa wada fadhiistay oo shaqadii joojiyey qalabkii badeecadaha kala duwan rogi jirey kuwaas oo iskugu jiray wiishashka, kalmarada iyo Liftarada Koonteynarada rara,sidoo kalena waxa jira Maraakiib ilaa maalinkii Ciidda taagan dekeda Berbera kuwaas oo soo xidhay Bishii Ramadaan isla markaana aan laga rogin rarkii saarnaa iyo badeecadihii uu siday.

Ujeedada ugu wayn ee ay kooxdan wasiirada ah u tageen Berbera ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho xal u helida mooradan ka dhex aloosan ganacsatada Somaliland iyo maamulka shirkada Dp World,waxaana ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda shirkada Dp World iyo guddi ganacsatadu iska soo dhex  saartay,waxaana xal loo raadinayaa cabashadan kasoo yeedhay ganacsatada ee ay kaga cabanayaan shirkada Dp World ee la wareegtay gacan ku haynta marsada Berbera.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured