"..Farmaajow Cirka haduu ka soo dego cilmi kale inaynu isku noqonaa waa caalamka oo duma,ilma caruur ahi haduu naga hadhayo dib calan ula wadaagi mayno ceelka Somaliya". Xuseen Xasan Badmaax.

0
Monday August 14, 2017 - 19:39:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Farmaajow Cirka haduu ka soo dego cilmi kale inaynu isku noqonaa waa caalamka oo duma,ilma caruur ahi haduu naga hadhayo dib calan ula wadaagi mayno ceelka Somaliya". Xuseen Xasan Badmaax.

    "..Farmaajow Cirka haduu ka soo dego cilmi kale inaynu isku noqonaa waa caalamka oo duma,ilma caruur ahi haduu naga hadhayo dib calan ula wadaagi mayno ceelka Somaliya". Xuseen Xasan Badmaax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Farmaajow Cirka haduu ka soo dego cilmi kale inaynu isku noqonaa waa caalamka oo duma,ilma caruur ahi haduu naga hadhayo dib calan ula wadaagi mayno ceelka Somaliya". Xuseen Xasan Badmaax.

Cirka haduu cilmi kale ka soo dego

Federal ku sheega Soomaaliya waxaan leeyahay calanku isuguma keen jiro, caalamkuna waa ogyahay cashadaynu kala tagnay,welina idinkoon cagaha isku taagin ayay Jamhuuriyada Somaliland nabad ku cawaysa waana carro madaxbanaan.

JSL intaa waxay tixgelinaysaa oo ixtiraamaysaa jaar nimada,walaalnimada labada dal ee JSL iyo federal isku sheegga Somaliya.JSL waxay dhawraysaa shuruucda caalimiga ah ee u dhaxeeya dalalka mandaqada bariga afrika,shuruucda dawladaha islaamka ah iyo xasiloonida mandaqada sidaa darteed waxa aanu uga digaynaa madaxweyne ku sheegga madaxweyne Farmaajo faragelinta joogtada ah ee uu ku hayo dalka JSL,jabhadaha uu hubaynayo,riyada weli aad ku sheeganayso JSL inay ka mid tahay federal ku sheegga Somaliya.

Shacabka JSL waxay uga digayaan federal isku sheegga Somaliya:

1.Riyada aad ku sheeganaysaan dalka JSL,una haysataan gobol.

2.Dagaalada goos-gooska ah ee aad ka wadaan degaano ka mid ah

Dalkan JSL(Jabhada aad hubaynaysaan).

3.Hanjabadaha ku aadan degaano ka tirsan JSL oo ay kaadh

qadashadu ka socoto(maamulka Puntland).

Waxaa marag madoon ah federal ku sheegga Somaliya inay iclaamisay dagaal ay ku qaaday dalka Jamhuuriyada Somaliland kadib markay talaabooyinkaa kor ku xusan ay qaaday.

ugu danbayn shacabka,ciidamada dalka iyo xukuumada JSL waxuu diyaar u yahay difaaca dalkooda Jamhuuriyada Somaliland,heegan na u yahiin cid kasta oo ku soo duusha.

Waxan ku soo afmeerayaa FarmaajowCirka haduu ka soo dego cilmi kale inaynu isku noqonaa waa caalamka oo duma,ilma caruur ahi haduu naga hadhayo dib calan ula wadaagi mayno ceelka Somaliya.

Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/Jamhuuriyada Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured